M/Ku xigeenka Somaliland oo xadhiga Ka jaray 10 Ceel oo Imaaraadka carabtu maal-geliyay




Hargeysa (TNN)-Madaxweyne Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta x adhiga ka jaray wejigii koowaad ee 12 Ceel biyood oo ka qayb qaadanaya balaadhinta biyaha Caasi mada isla markaana laga hir geliyay deegaanka Xunbo weyne ee degmada Laasgeel.

Waxa xaflad loo sameeyay xadhig ka jarista ceelashan ka qayb galay Wasiirka Macdanta,Biyaha iy o Tamarta ee Somaliland, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Duqa Hargaysa, Maareeya ha Wakaalada Biyaha,Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiilada,m adax ka socotay Shirkada dhistay Ceelashan oo lagu magacaabo Alfa Arabian Golf isla markaana ay maal gelisay hay’ada Khaliifa Binu Saa’id al nahayaan ee dawlada imaaraadka carabta.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka had lay ayaa u mahad celiyay Amiirrada dawlada Iimaaraadka Carabta oo uu tilmaamay inuu Somalila nd ka taageeray hirgelinta mashaariicdan oo door wax ku ool ah ka qaadan doona sidii Caasimada Somaliland ee Hargaysa ay u heli lahayd biyo ku filan oo nadiif ah.
<

Madaxweyne Ku xigeenku waxaa kale oo uu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay waxgaradka iyo qa ybaha bulshada ee ku nool deegaanka Xunbo weyne oo la’aantood aanay waxba ka fuleen masha ariicdani. Waxaanu intaas ku daray in Xukuumadu aanay ilaawi doonin kaalintii ay ka qaateen taa bo gelinta Ceelashan.
Mudane C/raxmaan (Saylici) waxa uu ka dalbaday madaxda Imaaraadka Carabtu sidii ay u dedejin lahaayeen keenitaanka dhuumihii biyaha ka qaadayay Ceelashan ee gaadhsiinayay Caasimada.

Waxa kale oo madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ka codsaday Amiirada ka taliya Imaaraadka Carabtu inay ummada Somaliland oo ah dad islaam ah ay ka gacan siiyaan wax ka qabashada dhinaca wadooyinka iyo baahiyaha kale ee dalka ka jira.

Wasiirka Macdanta Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale (Guray) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in Ceelashani ay soo saari doonaan Lix kun oo Mitir Kuyuubik isla markaana ay wax badan ka furan doonto baahidii dhinaca biyaha ah ee ka jirtay caasimada dalka ee Hargaysa oo ah magaalo ay ku nool yihiin bulshada ugu badan ee Somaliland.

Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu waxa uu xusay in talaabada lagu hirgeliyay ceelashani ay ku timid dadaal xoogan oo Xukuumada uu hogaaminayo Madax weyne Axmed Siilaanyo u gashay sidii caas imadu iyo guud ahaan dalku u heli lahaayeen biyo ku filan waxaanu intaas ku daray inay maalintii shalay qalinka ku duugeen heshiis ay ku baxayso lacag dhan Sideed iyo Labaatan Milyan oo dollar kaas oo ujeedada laga leeyahay uu ku tilmaamay sidii biyo gelin loogu samayn lahaa Magaalooyin ka waaweyn ee Somaliland.

Madaxa hay’ada Hirgelisay dhismaha ceelashan ee Alfa Arabian Golf Al Falaax Al Axbaabi ayaa dhi niciisa u mahad celiyay Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland oo u fududeeyay mudadii ay hawlgalka Ceelashan ku jireen waxaanu intaas ku daray inuu wixii fariin ah gaadhsiin doono madaxda dawla da Imaaraadka Carabta.

Waxaa kale oo halkaasi hadalo kala duwan oo mahadnaq iyo Guubaabo isugu jira ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi jeex,Duqa Caasimada Hargaysa,Maareeyaha Wakaalada Biyaha, iyo Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood u mah adceliyay Shirkadii dhistay Ceelashan iyo Hay’adii Maalgelisay.


source;so