M/Ku xigeenka oo daboolka ka qaaday inaan wax lacag ah laga lunsan
dib u dhiskii Madaarka Hargeysa
“Hay’adii Innagala Talinaysay Casriyaynta madaarku Waxay
Daraasadoodii ku sheegeen in
Madaar ka Hargeysa uu ku noqonayo mid
caalami ah
27 Milyan
oo
dollar,”Saylici
Hargeysa (TNN)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in
lacagtii loogu tallo galay dib-ud hiska iyo casriyaynta madaarka
Hargaysa ay sidii loo qorsheeyay u gashay madaarka, isla markaan a
aanay jirin wax lacag ah oo la musuq-maasuqay.
Sidaasina waxa daboolka ka qaaday madaxweyne ku xigeenka Somaliland,
ahna Ku simaha madaxwe ynaha C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
oo waraysi dheer oo uu Sabtidii todobaadkan siiyay Wargeyska DAWAN,
waxaanu qeybtii labaad ee waraysigan kaga hadlay dib u dhiskii lagu
sameeyay Madaarka Hargeysa. , waxaanu sheegay in khubaradii
qandaraaska lagu siiyay in ay soo qiimeeyaan kharashka ku baxaya
casriyaynta madaarka Hargaysa ay ku qadareen cadadka lacagta ku
baxaysa in uu madaar caalami ah ku noqon karo 27-milyan oo dollar.
Waxaanu tilmaamay madaxwayne ku xigeenku in lacagtii ay dawladda
Kuwait ay Somaliland ku caa wisay ay ahayd 10-milyan oo qudha, isla
markaana markii 10-kaasi milyan loo k ala qaybiyay mada aradda
Hargaysa iyo ka Berbera iyo khubarada hay’addii qiimaynta
samaynaysay ay madaarka Har gaysa ku soo hagaagtay lacag dhan afar
milyan iyo badh, iyada oo lacagtaasi intii ay ka gaadhay lagu
sameeyay madaarka Hargaysa.
Waraysigaasi aanau madaxwayne ku xigeenka Somaliland la yeelanay oo
aanu qaybtiisii hore idiin soo gudbinay cadadkii Isniintii , ayaa
qaybtan labaadna waxa uu madaxwayne ku xigeenku kaga ha dlayaa
waaxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, laba wiil oo ku xidhan xabisga
dhexe ee Hargaysa oo ay warbaahinta caalamku ku dhaliishay
Somaliland iyo sida ay Somaliland u aragto weerarkii bishii hore
lagu qaaday xaruntii ganacsiga Westegate ee magaaladda Nairobi.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
Su’aal: Muddane madaxwayne ku xigeen, waxaa jirta oo ay muddooyinkan
dambena warbaahinta caalamku aad uga hadashay, laba wiil oo
dhalinyarro ah oo ku xidhan xabsiga dhexe ee Harageysa, kuwaasi oo
Somaliland u dhashay, laakiin haysta dhalshada Canada, isla markaana
lagu helay dambi ah in ay gabdho faraxumeeyeen, dhaliilo badan
ayaana xukuumadiina loogu soo jeediyay sida in aanay labadaasi wiil
qaan-gaadh ahayn, arrintaasi maxay xukuumaddu kala socotaa?
Jawaab: labadaasi wiil horta dhalashadooda asalkoodu waa reer
Somaliland, wixii lagu eedeynayaa waa kiis wadareed kufsi ah oo ay
galeen iyaga iyo koox kale oo la socotay, haddii dhalinyaradaasi ay
hasytaan dhalshada wadan kale kama reebayso dambiga ay galeen
dhalshadda labaad ee ay dal kale ka haystaan. Marka ay halkan
joogaan sharciga dalka u yaala ayaa qabanaya, waxaanan qabaa laguma
xad-gudbin ee sharcigii dalka u yaalay ee saaxiibadooda kale ee ay
dambiga la galeen ay qabaan ayuun bay iyaguna la qabaan, markaa
xad-gudub gaar ah oo inadamaasi lagu sameeyay ma jiro.
Xagga da’adana sida aan maqlay waa rag 18-jirka ka weyn in ay yihiin
ayaa la ii sheegay, waxaase loo badinayaa arrintooda oo ay
waalidkoodu ku doodayaan carruurtayaddu waa canadian oo wada nkan uma
ay dhalan, laakiin taasi dambiga ay galeen kama reebayso oo waa nin
reer Somaliland ah, dalkan Somaliland ayaanu dambiga ka galay.
Xagga kufsiga, caalamku naguma eedayn karo, waayo adduunkii wuxuu ka
dagaalamayaa kufsiga iyo falalka la mid ka ah, waxaanu ka mid yahay
waxyaabaha aadka looga hadlo ee xataa lagaga hadlay shirkii u
dambeeyay ee wadamadda G8-ka, ama wadammada loo yaqaano sideeda
wadan ee adduunka ugu quwada badan uguna dhaqaalaha badan, waxaanay
gaadheen wadamadaasi heer ah in ay shirarkooda kaga hadlaan kufsiga
oo caalamka ku soo badanaya, markaa annaga taayaduna waxay daaran
tahay in aanu adkayno ciqaabta kiisaska kufsiga ah, si aanay
arrintaasi xad-gudubka ah ee loo gaysanayo haweenka si loo yareeyo,
kiiskaasina loo adkeeyo, markaa taasina cidna looga habran mayo.
Su’aal: sida aan la wada socono dhawaan waxaa ka dhacay dalka Kenya
caasimadiisa Nairobi weera rkii lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee
Westegate, dhacdadaasi oo mandaqada iyo dalalka kale ee caalamkaba
saamaysay, xukuumaddiinuna way ka tacsiyadaysay dawladda Kenya,
waxaana la shee gay in ay jiraan qorsheyaal kale oo ay nimankii
hawshaa fuliyay ay doonayaan in ay ka fuliyaan geeska, xukuumadiinu
sidee ayay uga diyaar garawday arrintaasi?
Jawaab: Runtii aad iyo aad ayaanu uga xun nahay dhacdadaasi haddii
aanu nahay xukuumadda Somaliland xaruntaasi ganacsi ee aadka u
qiimaha badnayd ee Weste Gate, oo ku taallay caasimadda Kiiniya ee
Nayroobi, wax aad u fool xunna wuu ahaa weerarkaasi, dawladda
Somaliland-na hore ayay uga tacsiyadaysay dawlada Kiiniya.
Arrintaasina waa argagixiso caalami ah oo jirta, cid walba halkeeda
ayay ugu diyaar tahay, inaguna (Somaliland) waxaan ka mid nahay
dawladahaasi dagaalka kula jira argagixisadda, mar walbana heegan
ayaanu u nahay, waxaan diyaar ka nahay si aanay argagixisadaasi
dhibaato inoogu gaysan.
Heegan ayaan u nahay runtii, habeen iyo dharaarna lagama seexdo.
Ciidamadda amniga, hay’adaha sirdoonka iyo inta ku shuqulka leh
ammaankuba aad ayaa looga wada shaqeeyaa, diyaarna waxaan u nahay in
innaga oo kaashanayna shacabkeenna oo aad u wanaagsan, aadna u
feejigan oo mar walba la shaqeeya hay’adaha amniga, oo cidii ay
garan waayaan ee innagu dhex-dhuumanaysa ay soo sheegaan, marka laga
soo bilaabo 2008, intii ka dambaysay dadkeenu aad ayay u soo jeedaan,
shacabkana waan ku hambalyaynayaa arrintaasi, iyo sida ay u
difaacayaan dalkooda, ee ay ula shaqaynayaan hay’adaha amniga.
Taasina waxaanu ka leeyahay istaraatijiyad adag oo illaa dawladaha
hoose magaalooyinka caasimadaha ah oo guryaha loo qaybiyay sekado,
oo guddiyo leh, oo xataa la ogaado cida cusub ee guriga soo gashay
iyo cida baxaysaba, taasina waxa ay keentay in wixii ka dambeeyay
falkii 2008 aanay wax kale dhicin.
Su’aal: Waxa jira mashaariic badan oo dalka laga hirgeliyay oo ay ka
mid yihiin dib u dhisku madaarka Hargeysa, kaasi oo dhaliilo fara
badan ayaa xukuumadda loogu soo jeediyay, arrimahaasi sidee ayaad u
aragtaan xukuumad ahaan?
Jawaab: Dhaliishu waxa ay ku qurux badan tahay in ay ku fadhido
xaqiiqadda, haddii aan ku horeeyo madaarka, runtii lacagtii deeqda
ahayd ee aynu ka helnay dawladda Kuwait, laba qaybood ayaa loo
qaybiyay, madaarka Berbera iyo madaarka caalamiga ah ee Hargeysa
ayaa loo qaybiyay hawshaasina waxa la mariyay hab qandaraas bixin
ah, shirkaddo ajaanib iyo muwaadiniin ah ayaana u tartamay, cidii
tartanka ku guulaysatay ayaana heshay.
Madaarka Hargeysa lacagtii loogu tallo-galay way gashay, taasi oo
ahayd afar milyan iyo badh,;lacagtaasina kama ay dhigi karaynin
madaar caalami ah, intii ay ku filaanaysay ayuun baa la geliyay,
haddii aan ku noqdo salka hore ee bilawga arrintaasi, 10-ka milyan
ee ay ina siisay Kuwait, hal milyan waxa la siiyay hay’ad caalami ah
oo la talin ah, oo samaysay daraasada iyo in ay daba galaan cidii
qandaraaska la siiyay.
Hay’adaasi markii ay qiimaysay, markii aanu annagu xukunka wax
daraasad qoran ah oo aanu ugu nimid oo
taallay madaarka Hargeysa may jirin shirkadaa la talinta ah markii
la siiyay qandaraaska darasad weyn ayay sameeyeen, waxaanay
daraasadaasi ku qeexeen in madaarka Hargeysa uu ku noqonayo mid
caalami ah 27 milyan oo dollar, markaa waxa ay noqotay in wixii aynu
haysanay iyo wixii ay qoreen kolba inta lacagta aynu haysaa ay qaban
karayso in aan ku bilawno.
Afar milyan iyo badh-kii la innoo qoondeeyay waxay noqotay in
lacagtaasi gaadhay qandaraaskii, siligii lagu wareejinayay iyo 2.5
km –kii dhabada diyaaraha ee hore innoogu jiray oo la hagaajiyo.
Markaa dadka waxaa iskaga khaldan oo ay u qaateen in madaarkii la
wada dhamaystirayay, laakiin awooda dhaqaale ee aynu haysanay ma ay
dhamaystiraynin waa taasi inta aan sheegay ee 27-ka milyan lagu
qiyaasay.
Markaa waxa ay noqotay in la yidhaahdo waxa aynu hayno inteenii hore
ee 2.5 km ahayd ha laga dhigo garoon caalami ah oo heerkiisa kor loo
qaado, waanay jirtaa in hawshaasi fushay oo 2.5 km waxa maanta laga
dhigay heerkii caalamiga ahaa, dayrkiina dib ha u dhacee hadda ayuu
socdaa oo la dhamaystirayaa markaa haddii ay maanta Kuwait 5 milyan
oo kale ina siiso, weli baahida ah in uu ku dhamaystirmo Madaarku ee
uu ku noqonayo mid caalami ah, wax uun baa ka dhinaanaya, waxaanay
noqonaysaa intii kale dhamaystirto. Laydhkiina ay ku darto, haddana
wax kale oo badan ayaa hadhaya oo uu madaarku u baahan yahay, annagu
(xukuumadda) waxaanu leenahay mucaaridka murtidii ahayd “doob tuhun
baa dilay”. marka dibada la joogo xukunka wax walba dadka wuu la
fudud yahay, oo si dhib yar ayaa la iskaga odhanayaa milyanno ayaa
la cunay, laakiin lacagtaasi iyada oo hab iyo nidaam sax ah ku
baxday ayaa madaarka la geliyay,shaqadiisii way dhammaatay intii
lacagta aanu u haynay ayaa la hirgeliyay, imikana waanu u
dedaalaynaa inta kale sidii loo dhamaystiri lahaa.
La soco qeybta sadexaad ee Waraysigan oo aad u xiiso badan.
Xigasho:Wargeyska Dawan |