Miyaanu Mudane Riyaale u sheegin Xoghayaha UDUB

 

Ayaamahan waxa saxaafadda maxaliga ah iyo webabka Somalilanderska a h ku soo noqnoqanaya warsaxaafadeed ka soo baxaya Xoghaya guud ee xisbiga UDUB. Kuwaas oo ay ka muuqato xogla'aan iyo xajiimayn ku waja han xisbiyada tartanka kula jira xisbiga talada dalka haya..

Khilaafka ka jira gudaha xisbiga talada haya ee UDUB maaha wax innagu cusu b,waa jiitan soo jiray tan iyo intii madaxweyne Rayaale loo  cusboon aysiiyay inuu noqdo tartamaha xisbiga uga qayb gelaya doorashada innagu soo food leh.


Kadib markii xisbigu u kala jabay labada garab. Tani oo xisbiga khilaaf aan ham aad lahayn gelisay,taageerayaashiisina dib uga gurteen ayaa hadana aad  ma alin walba ku arkaysaa xisbigu inuu habka ugu mudan ee uu ku olol eeyaa  no qdo: MAANTANA xubno cusub ayaa xisbiga ku soo biiray,kana s oo digo rogtay xisbiyada mucaaridkaa. Talow hadii aynu u kuur gallo intaa ay xafladaha kaga dhawaaqayeen xubnaha ku soo biiray tiradoodu miyay ka yaraanaysaa hal million! Xogahaya xisbigu inkasta uu isku dayay inuu dam iyo khilaafaadka ragaadiyay xisbiga hadana waataa khilaafkii laamihii euro pe-na u talaabay.

Waxa la yaab leh xisbiga UDUB oo aan ilaa hadda war laga hayn meel uu ka  ba xay golahii dhexe iyo golahii fulintu siduu Rayaale u yidhi ( ii daaya anig aa soo magacaabi doonee) ayaa hadana ku andacoonaya xisbiyada muca aridkaa xubno ka tirsan ayaa xidhiidh la leh kooxaha xag-jirayaasha ah.


Xoghaya xisbiga UDUB oo haatan haya hawshii loo igmaday Ali-Guray ee af ha yeenka xisbiga ahayd ayaa ku adkaystay warsaxaafadeedkiisii ugu danbeeyay eedaynta uu Cusman Hindi ku tuuray xubno ka tirsan xisbiga kulmiye miyaanu ogayn arrinku inuu guud ahaan qaranka Somaliland saamayn ku leeyahay soo hadal qaadkiisuba!

Waxa aan rumaysnahay xisbiyada qaranka inaanay ka jirin nacayb iyo cadaaw ad toona ee ay haatan inna soo food saartay doorashadii ay ugu tartami  lah aayeen hogaaminta dalka. Sidaa darteed miyaanay xubn aha xilalka qaran haya,xisbiga ay doonaan ha ahaadaane inay qarannimadu tahay lama  taabta an. Eedaymaha ku lidka ah qaranimadana ay fool xumo ku tahay dalka,  shacab ka iyo aduunkuna midna raalli ka noqonayn.


Xisbiyada qaranka gaar ahaan xisbiga talada haya ee UDUB kuma haboona in uu isku dayo shacabka sidii loo marin habaabin lahaa.

Arrinka kale ee shacabka sida qaldan loogu dhex tuurayna waxa uu ahaa kii ku saabsanaa furitaanka xoolaha. Kaas oo dawladda Sacuudigu ayadoon kala saa rin go'aan ku soo saartay inay kaqaaday xayiraadii xoolaha Somaliya saarnayd sannadaha badan,ayadoon u kala saarin Somalya,puntland iyo Somaliland to ona.


Sidaas oo aynu shacab iyo dawladba u ognahay ayay hadana xisbiga UDUB ku eedaysay gudoomiyaha xisbiga UCID inuu dawladda Somaliland ka duway libin ay soo hoysay oo cid kale u cumaamaday. Somalilandersku waxay ku maahm aahaan (si xunwax u sheeg sixir ka daran). Waxa taa ka markhaati furay oo
cadeeyay Mudane Rayaale mar uu ka hadlaayay xayiraada laga qaaday  xoola ha,waxaanu yidhi (dadaal badan ayaan u galay sidii maxjarkani u hirgeli lahaa). Taa ula jeedadeeduna waxay ahaydmar hadii dhinaca caafimaadka xoolahu u xidhnaayeen maxjarkii wuu hawl galay sida maxjarada kale ee Bosaso iyo  jabu uti iyo yemen.

Maanta oo aynu shalay ka soo gudubnay khilaafaad dalka halis geliyay oo  ani gu aan rumaysanahay inay dawladu leedahay eedaha u salka ahaa ayaa mar labaad ay u egtahay Xisbiga UDUB inuu curinaayo khilaafaad siyaasi ah oo hor leh. Waxa muuqata oo markhaati ma doon ah codkii ka soo baxay gudoomiy aha ololaha xisbiga UDUB waa taa dalka ka dhex abuurtay inay xisbiyadii  qar anku maxkamad isla gaadhaan! Waa ayaan darro wiiqaysa qarannimadii aynu ku ammaanayn ee aynu kaga duwanayn waddamada soo koraya.

Hadaba miyaanu Mudane Rayaale u sheegin xoghaya xisbiga UDUB arrinka n uu xisbi ahaan u taageerayo inay xisbi ahaan iyo qaran ahaanba qaayahii qaran hoos u dhigayso,foolxumana innagu tahay.
 

 


Xuseen Badmaax