Miyaa La Mahadiyay Shirkadaha Ajnabiga Ah?

 


 

Saffarka Madaxweyne Rayaale ee wakhtigan, doorashadii maalmo ka hadheen, muxuu  daa ran yahay?

Ma laga saadaalin karaa, in ujeeddada saffarku tahay, inuu xidhiidh la sameeyo shirkaddii Faransiiska, BALLORE ee dhowaan booqashada ku timid Somaliland? Ma TOTAL kale oo soo koradhaysaa?

Miyaa se la mahadiyay shirkadaha ajnabiga ah, ee Madaxweynaha gacan-saarka leeyihiin sida,TOTAL MER ROUGE iyo AL-JAABIRI.

Halkee, ayay arrinta dalku ka qaloocatay? Dhibaatada u weyn ee Dalku, waa  madaxweyna ha oo adduun badani ku soo hoydo. Bur-burka dhaqaalaha iyo musuq-maasuqa dalka, waxa door laxaad leh ka qaatay, labada Sharikadood ee Ajnabiga, ee midna shidaalka ka  ganacs ato, ta kalana dhoofinta xoolaha.

Waxa aan war-bixintan ku falanqeyn doonaa, wax yeelada iyo cawaaqib xumada ay  leedah ay, gacan-saarka Madaxtooyada. iyo shirkadaha ajnabigu. Arrintaas oo suurto gelisa, in la baalmaro sharciyadii dalka sida;-

* Shaqo aan tar-tan qandaraas loo gelin. iyo qiimo qarsoodi ah.
* Kor-meer la’aan hawsha iyo ka tirsi la’aan marka ay dhamaato.
* Hanti-dhawrka oo aan gudan, xilka kaga aaddan hawsha.
* Xeer-Ilaaliyaha oo aan danayn, sharciyada la baal maro.
* Golaha Wasiirada oo aan ka doodi, ganacsi madaxtooyadu, ku raad lee-dahay.
* Mudanayaasha Baarlamaanka ee dhaameelku, oo mar-walba u ah, difaaca arrin kasta, oo Madaxweynuhu watto. Haba khilaafsanto Dastuurka iyo sharciyada dalka.

TAARIIKHDA HAAMAHA SHIDAALKA ee BERBERA iyo Shirkadda TOTAL MER ROUGE:-

A- Qaybta koobaad waxa dhistay, Shirkaddii Shell wakhtigii Ingiriiska 1954.

Waxa ay ka kooban yihiin lix haamood, oo qaada 7,700 M3 . Xaaladda haamuhu way  fiicna yd, marka laga reebo, affar haamood oo u baahnaa dayactir yar, oo ahaa “bottom steel plates” laga beddelo.

B- Qaybta labaad, waxa dhisay Soviet Government. 1974. Tiradoodu waa, (14) affar iyo toban haamood, oo muggoodu yahay; 28,000 M3. Xaaladda haamuhu way fiicnaayeen marka laga reebo, Qadar yar oo u baahnaa dayactir, qolof-rid ah, rinji iyo meelo alxan u baahan.

C- Qaybta saddexaad, wax dhisay American Government, 1980. Waa shan haamood oo qaada;14,000M3 Laba ka mid ihi waxa ay ka dhisan yihiin madaarka Berbera. Xaaladda Haamuhu aad bay u fiicnaayeen Waxa ay u baahnaayeen in yar oo dayactir ah iyo dib u habayn qaybta dab-damiska.

HEERKA DAYACTIRKA HAAMAHA SHIDAALKA;-

1) Qaybta Dab-demisk :- Nidaamkii Mareykanka, TOTAL MER ROUGE, wey baal-martay  Nidaa mkaasi oo ahaa, noocii u dambeeyay ee la dagaalanka dab, muddo dheer oo tiro badan oo Haamo-shidaal ah.

Nasiib-darro, TOTAL MER ROUGE, waxa ay dhistay Haan biyood oo muggeedu yahay, 1,000 M3 dab-damis ahaan. Waxa hubaal ah, biyo qadarkaas leeggi in aaney ku fillayn, “Highly flameable storage tanks”, oo dabkiisa la filayo inuu dab-damiskiisu qaato muddo dheer.

Dab-damiska Haamaha Shidaalku ee Mareykanku wuxu ahaa, ka ugu haboon. Wuxu ku xidhnaa, bam weyn oo badda yaal, si uu u soo tuuro biyaha badda, “To pump automatically sea water at high pressure”.

2) Dayactirka Haamaha;

Birta (sheet metal)ka loo isticmaalay dayactirka haamaha ma ahayn, mid la socda, “Rules and regulations relating to standard specification of 0,25 % to 0.50 % of carbon content steel”.

Habkaa wey baal-martay shirkaddu, oo waxa ay isticmaashay, “Fibre-glass iyo Epikole paint”.Kaas oo aan xamili doonin Haamo mug weyn oo loo isticmaalo “petroleum product”.

3) Beddalaadda Birta sagxadda iyo saqafka (“bottom and roof steel plates”):-

Marka ay jiraan daloodo badan oo birta salka iyo saqafka ee Haamaha, waxa lama huraan ah, in gebi ahaan tood ba la beddelo. TOTAL MER ROUGE, way iska indha tirtay sharcigaa. Waxa ay isticmaashay; Alxan iyo Epikote painting oo aan cimri dheer lahayn.

4) Dayactirkii dhuumaha:- Waxa ay Shirkaddu shantii dhuumood ku badashay, mid qudha. Waxa ay jartay dhuuntii fuel oil, geyn jirtay warshaddii sibidhka. Waxa kale oo ay goysay dhuuntii Jet A-Iee madaarka Berbera. Miyaa la khasaaray, mise wax baa la kordhiyay?

QIIMAHA DAYACTIRKA iyo MUSUQ-MAASUQA KU GADAAMAN:-

1) Haamaha Shidaalka:- Waxa Dayactiray, shirkad Lebanese ah (Mechanical & Engineering Group) oo ku qaatay $700,000 (toddoba boqol oo kun). Wayna ka jabnaan lahayd, haddii si quman loo qiimeyn lahaa ama qandaraas lagu bixin lahaa. Waana sicirkii ay TOTAL ku  qiima ysay 1992, ka hor intii aanay la wareegin Haamaha Shidaalka. Markay la wareegtay, waxa ay qiimihii ku sheegtay $ 3.6 malyuun.

2) OIL JETTY iyo LABADA GACMOOD;

TOTAL MER ROUGE Wakhtigii marxuum Cigaal, waxa ay ku qiimeysay dayacrirka OIL JETTY $262,497. Iyana waxa jirtay in April 2003 ay LABADA DHUUMOOD ee Maraakiibta shidaalka ka soo nuuga ay ku qiimeysay $ 68,000. Waxa ay haddana shirkaddu ku sheegtay inay ku baxday, lacag dhan EURO 3,500,000 = $ 4,480,000.

3) Lacagta ay TOTAL MER ROUGE u goosatay dayactirka 2002 ilaa Dec. 2009:-

Dayactirkii Haamaha Shidaalka ee Berbera, waxa ay u goosatay = $ 14,485,058

Dayactirka Haamaha iyo Dayactirka Oil Jetty ($ 700,000 + $330.000) = $ 1,030,000

Lacagta Lagu lunsaday Dayactirka Haamaha Shidaalka = $ 13,455,058

4) Lacagta Cashuurta shidaalka:- (May 2002 ilaa Dec 2009) ;- Waa :- $ 13.366,661

Waxa Miisaaniyadda Qaranka galay $ 6,358,280.

Waxa Sarrifka labada qiime lagu lunsaday $ 7,008,381

5) Kiro sannadeed 2002 ilaa 2009 $ 944,000.
:- F.G: Shirkadda TOTAL MER ROUGE, weli Dayactirkii waxay u goosataa

Foostada Petrol $ 6.80. Foostada Diesel $ 5.80 Foostada Jet A 1 $ 6.80

SHIRKADDA AL-JAABIRI :-

1) Dayactirka Max-jarkii Berbera, Dib-u-habeyntii lagu sameeyay Maxjarkii hore:- Wuxu Al-Jaabiri u goostay, sannadkii Jan 2009.ilaa Dec.2009 $14,762,249 Kama se baddnaan karto $ 250,00.

2) Xaddidaadii Qiimaha Neefka Adhiga:-

Madaxweyne Rayaale, si xaq-darro ah, oo ka soo horjeedda sharciga ganacsiga ee xorta ah, ayuu ugu xidhaya Al-jaabiri, qiimaha Neefka Adhiga $ 36 isaga oo ka jooga Saudiga $ 90

Waxa dalka iyo dadweynihii, laga duudsiyay muddadaas $ 32,000,000

Lacagta Xoolaha dhoofa ee Maxttooyada ku hoyataa (2002 ilaa 2009) Waa; $ 26,797,568
F,G: Waxa Al-Jabiri dayactirkaa weli u goosataa :- Neefka adhiga $ 7..50, lo’da $ 23.00, Geela $ 23.00
Baanka iyo Madaxtooyada :- Weli way u socotaa :- Neefka adhiga $ 2.00, Lo’da $ 11.00, Geela 15.00

GABA-GEBO

DAWLAD-XUMO, WAXAY KU DHAXALSIISAA, DAWLD LA’AAN :-

Saffaarka, Madaxweyne Rayaale iyada oo doorashadii maalmo ka hadheen, wuxu daaran yahay, adduun raadis iyo heshiisyo cusub uu la soo galo.sharikado.

Xukuumadda Rayaale waa ku meel gaadh (Caretaker Government) wakhtigeedii dhamaaday, May 2008.

Sidaa darteed, wax heshiis ah, ma geli karo.

Maamulka Rayaale, wuxu u ban-baxay 80 % dano gaar ah. Danaha gaar, waxay dumiyaan danaha Guud, Dastuurka iyo sharciyada. Dhaqaalaha dalkaa bur-bura. Waxa lunta haybaddii iyo kala dambayntii. Waxa lumay waajibaadkii adeegyada caamka ah iyo daryeelkii shaqaalaha. Waa xaaladda maamulkani ku sugan yahay maanta.

Lacagta la lunsaday ee Haamaha iyo Xoolihii dhoofay, muddadii Rayaale ( 2002 ilaa 2009) :-

Waa :- $ 94,967,256 Waa adduunkii dadkan saboolka ah, lagu hor marin lahaa. Madaxtooyada miyay mutaysatay in dib loo soo doorto?

Dhaawaca u balaadhan ilaa 1994, waxa geystay Golaha Guurtida. Waxa xilkii loo igmaday ka mid ahaa, inay doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigooda. Hawshaas waxa ay dhaafsadeen:- Daaro, bakhaaro, dhul iyo dhaameel. Doorashadii Golayaashii Deegaanku, waxay ku ekayd, 25 Jan. 2007, G/Guurtidana waxa la dooran lahaa Aug, 2006. Madaxtooyadana May 2008.

Maantana Xukuumadda Rayaale way ka caga-jiidaysaa.iyada oo ku edeynaysa “komishankii Doorashadu inuu sharcigii baal-maray”. Waxa is-weydiin leh, ayaa sharci ku fadhiya oo aan Golaha Wakiilada ahayn? Waxa lagu heshiiyay, waxa ay ahaayeen lix qodob.

Dadweynuhu doorasho iyo is-beddel dhab ah, ayuu diyaar u yahay. Kacdoon iyo rabshad ayay u gacan haadinayaan. Wasiiro xilkoodii gabay.

ALLAA MAHAD LEH
 


Maxamed Xaashi Cilmi

Taar 5 May 2010