Milicsiga Tallaabooyinkii u Tisqaaday Xukuumadda Sanadkii Tagay Ee 2013-kii
 

 

Xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaan yo) waxay sanadkii galbaday ee 2013-kii ay wax ka qabatay qoddobo badan oo waaweyn oo ay wax kaga bedashay adeegyadda bulshadda, dhaqaalaha, tayaynta ciidammadda, Waddooyinka, caafimaadka, siyaasadda dibadda iyo waxbarashadda.

Nabad-gelyadda Iyo Ciidammadda

Xukuumaddu waxay sanadkan fulisay mashaariic badan oo kor loogu qaadayo niyadda xubnaha ciidammadda qalabka sida ee dalka sida Ciidanka Qaranka, Booliska, Asluubta, Ciidammadda Xee baha. Waxay laban laabtay tababarrada ciidammadda noocyadooda kala duwan, iyadoo ay taba baro xirfadeed iyo mid sharciyeed ay galeen tobanaan kun oo askari oo qaatay tababarro kala gedisan oo ciidanimo. Sanadkii galbaday oo ay dadka qaarkii ku naanaysaan sanadkii ciidamma dda, waxay sidaas loo leeyahay wuxuu u ahaa sanad taariikh togan u lahaa ciidammadda Soma liland oo sharaftooda iyo karaamadooda kor loo qaaday, ka dib waxa lagu taxay derajooyinkii ci idammadda toban kun oo askari oo qaatay derajadda min Sarreeye Gaas illaa alifle. Waxa xuku umaddu ay ciidanka derajooyinka qaatay loo bilaabay gunno derajadood lagu sargooyay xubin walba derajada garabka u sudhan. Waxa la aasaasay kulliyadda saraakiisha ciidamadda qalabka sida oo laga furay akaadamiga Darar-weyne. Waxa isla sanadkii 2013-kii ay dawladda Madaxwe yne Siilaanyo ay heshiis la gashay isla markaana ay ku guulaysatay inay ku qaramayso ciidam madda qaranka in ku dhow 600 oo ka mid ah maleeshiyada beesha degmadda Fiqi-fuliye ee gob olka Sanaag. Waxaana maleeshiyadaasi noqonaysaa tiradii ugu badnayd ee hal mar lagu qarr ameeyo ciidammadda qaranka.

Lacag Bedelkii Giimbaartii Gobolka Sanaag

Bishii July ee sanadkan waxay xukuumadda Somaliland ay gobolka Sanaag ka bedashay lacagtii giimbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray degmooyinka Gobolka Sanaag, taasi oo laciifisay dhaqa alihii gobolkaasi iyo jeebkii dadweynaha ku dhaqan. Hawl balaadhan oo uu Guddoomiyaha Baank a dhexe ee Somaliland Mudane Cabdi Dirir Cabdi Horkacayay oo socday tobaneeye maalmood ay aa dhammaanba gobolka Sanaag lagaga bedelay giimbaartii Soomaaliya. Waxaanay tallaabadani ahayd mid ka mid ah balan-qaadyadii xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo fulay. Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegay xilig aas inay ku diirsadeen in laga bedelay lacag dulin ku ahayd oo muddo dheer ka hortaagnayd inay horumar sameeyaan.

Miisaaniyaddii ugu badnayd ee Somaliland Yeelanayso sanadkan cusub


Wasaaradda maaliyadda Somaliland waxay sanadkii tagay bishiisii October 2013 Golaha Wakiila dda Somaliland horgeysay miisaaniyadii ugu balaadhnayd ee qaranka Somaliland yeesho taas oo ahayd odoska miisaaniayd sanadeedka sanadkan cusub ee 2014-ka, taasi oo dhamayd (Laba Boqol iyo laba iyo Todon Milyan oo Dollar) oo iskugu jirtay miisaaniyadda xukuumadda dhexe iyo qaar ka mid ah Hay’adaha dawliga ah. Miisaaniyadda xukuumadda dhexe waxay noqonaysaa (Boqol iyo Laba iyo Konton Milyan oo Dollar).

Miisaaniyad sanadkeedka 2014-ka waxa ku jira mushaharka ciidammadda iyo shaqaalaha dawla dda oo loo kordhiyay 20% kuwaasi oo loogu bilaabi doono bisha January ee sanadkan. Waxa ka le oo ku jira kun, afar boqol iyo sideed iyo toban qof oo shaqaale cusub ah oo lagu soo kordhiy ay wasaaradaha iyo ha’yadaha dawliga ah ee dalka.

Waxa kale oo odoroska Miisaaniyadda sanadkan lagu soo daray in 60% loo kordhiyay dhaqaal ihii ay xukuumaddu ku badhi taarto xisbiyadda qaranka si ay iskaga daboolaan kiradda xafiisyad ooda iyo socod siinta hawl-maalmeedka xafiisyadooda.Odoroska miisaaniyadan waxa aan ka ma dhnayn mashaariicda horumarinta oo waxa ku jira dhaqaale loo qoondeeyay in lagu horumariyo waddooyinka dalka ee xukuumaddu u soo jeedsatay horumarintooda, dhismeyaal cusub oo loo dhisayo qaar ka mid ah wasaaradaha dalka iyo mashaariic kale.

Siyaasadda dibadda

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay sanadkii tagay qaaday olale mugleh oo ay ug u dhaqdhaqaaqayso sidii ay beesha caalamka uga kasban lahayd aqoonsigii Somaliland. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sanadkii tagay socdaalo kala duwan ugu kala bixiyay da lalka Jabuuti, Itoobiya, Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.Waxa xusid mudan in dawladda Turki ga oo ah mid kaalin firfircoon kaga jirta saamaynta dalalka mandaqaddu ay garwaaqsatay firqi ga u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, taasina ay sababtay inay indhaha maal gashadeyaa sheeda oo ku qancay ammaanka Somaliland ay balan-qaadeen inay danaynayaan inay maalgas hi ku sameeyaan Somaliland. Waxa dawladda Turkigu ay sheegtay inay xafiis qunsuliyadeed ka furan doonto Magaaladda Hargeysa ee xarunta Somaliland si uu uga shaqeeyo wax wada qabsi ga labada dal iyo taabo-gelinta cilaaqaadka labada dawladood. Somaliland waxay go’aansatay inay wada hadalo toos ah la yeelato dawladda Soomaaliya laga dhisay si ay ugala hadasho sidii labada dal ay si u kala dhaqaajin lahaayeen, waxa kulankii ugu dambeeyay ee labada dal yees haan oo lagu qabtay bishii July ee kal-hore magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga, waxana lab ada wadan ay isla gaadheen heshiis ka koobnaa saddex qodob kuwaasi oo ka dhashay wada hadalo adag oo labada dawladood yeesheen. Waxa ka mid ahaa:

1)-In maamulka hawadda lagalala wareego Qarrammadda Midoobay, iyadoo ay la wareegayaan guddi wada jir ah oo labada dhinac ka kooban (Somaliland & Soomaaliya), kuwaasi oo fadhigoo du noqon doono magaaladda Hargeysa.
2)- In la sii wado wada hadaladii labada wadan.
3)- in kulanka kan ku xiga uu ku dhici doono muddo afar bilood ka dib dalka Turkiga.

Heshiiskaas oo aanay qodobadii ka soo baxay hirgelin waxa dhinaca Somaliland u matalayay we fti uu Hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, halka dalka Soomaaliyana uu metalayay wefti uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Guuleed. Somaliland waxay dawladda Turkiga iyo beesha caalamkaba ku wargelisay in ay iyada ka go’an tahay sii wadista wada hadalada iyo fulinta heshiiskaasi, hase yeeshee waxa heshiis kaasi ka fuli waayay dhinaca dalka Soomaaliya ee siyaasad ahaan baaxaa-degaya isla markaana ay hortaalo duufaanno nabad-gelyo darro iyo argagixiso. Waxay Somaliland guul ka gaadhay sanadkii tagay ee 2013-kii shirkii midowga yurub qaadhaanka ugu ururinayay Soomaaliya, iyad oo dalalka Yurub ay Somaliland gooni ugu qoondeeyeen dhaqaalaha ay siiyaan dalka, gaar ahaa n nidaamka cusub ee la yidhaahdo (New-deal) kaasi oo dhigaya in mucaawimooyinka la siiyo So maliland aan loo soo marin gacan kale. Shirkaas inkasta oo aanay Somaliland ka qeyb gelin, had dana waxa natiijadii ka soo baxday lagu shaaciyay in ay Somaliland ka duwan tahay Soomaaliya oo ay si gaar ah ula macaamili doonaan.
 

Tabaalo-baxa Waddooyinka

Sanadkii tagay ee 2013-kii waxa xukuumadda Somaliland ay juhdi iyo tamar-ba gelisay tayaynta waddooyinka dalka, waxa dayactir lagu sameeyay jidad badan oo ku yaala dalka. waxa xusid mu dan in dawladda Somaliland oo ku tashanaysa shacbigeeda inay u badheedhay inay dhagax dhig to jidka dheer ee isku xidhnaanta dalkana kaalinta weyn ku leh ee u dhaxeeya Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo,kaasi oo dhererkiisa lagu qadaray 370 KM.

Qorshuhu waxa uu yahay in sanadkan cusub ee 2014-ka la dhamaystiro 100-kii KM ee u horeey ay jidkan oo ay ka qeyb qaadanayaan xukuumadda, Goleyaasha Baarlamaanka, Ciidammadda iyo shaqaale weynaha dawladdu, kuwaasi oo Hay’ad kastaaba ay qaadhaan haynteeddu saamaxay say ay ugu deeqday sidii looga dhabayn lahaa jidka dheer ee baahida weyn loo qabay isla mark aana gobolka Sanaag ka dhigay mid si uga qoqoban gobolada kale ee wadanka.

Marka laga hadlayo dhismaha jidadka waxaan la dafiri Karin kaalinta shariifka ah ee qurbo jooga dalku ay ka qaadanayaan qaadhaan u ururinta horumarinta waddooyinka.Dedaalkan taabo-gel inta waddooyinka waxa xudun u ah Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xas an, oo wasaaradiisa la hoos geeyay wakaaladda horumarinta waddooyinka. Xukuumaddu waxay sanadkii tagay soo iibsatay oo dalka imanaya dhawaan cagafyo iyo agabka lagu dhiso wadooyin ka oo ay ka soo iibsatay dalka China ay u hesho qalab dawladeed oo casri ah oo lagu dhiso jidad ka waaweyn ee xukuumaddu bilaabayso horaanta sanadkan cusub ee 2014-ka.Waxa kale oo sa nadkii tagay la meel mariyay xeerka horumarinta waddooyinka oo jidaynaya in tacriifad cusub loogu darro cashuuraha kala duwan ee dalka.


Xarakaatka shiidaalka dalka

Sanadkii tagay waxa kale oo shacbiga Somaliland ku niyaayirteen, una riyaaqeen in markii u ho rreysay qaar ka mid ah gobaladda barri ee dalka laga bilaabay qorshe riyooyinka qaran ee dal kani beegsanayo inuu mustaqbalka dhow ficil u rogo, waxaanay dalka laga bilaabay qorshe shii daal sahamin ah oo ay shirkadda caalamiga ah ee Genel Energy ay doonayso inay dibada u soo saarto khayraadka dihin ee dalka. inkasta oo qadiyadaasi ay mar soo waajahday turaan-turooy in yar yar oo sababay in shirkaddu ay ka baxdo dalka, haddana waxa nasiib wanaag ah in dawla ddu ay isku shuqushay inay xaliso cabashooyinka iyo caqabadihii shirkadu sheegatay inay soo waajahdo.

Waxaanay shirkadda Genel Energy ay hawlaheedii sahaminta dib uga bilaabaysaa wadanka san adkan cusub horaantiisa, iyadoo xukuumadduna ay u samaynayso ciidan cusub oo qaabilsanaa da goobaha shiidaalka laga baadhayo, kuwaasi oo qalabkooda iyo tababarkooduba gooni yahay. Waxa cutubkan loo bixiyay xoogaga ilaaladda Saliida Somaliland (Somaliland Oil Protection Unit).



Dhismeyaashii Wasaaradaha

Xukuumaddu waxay sanadkii tagay culayska saartay inay wasaaradaha dalka loo dhiso dhisme yaal waaweyn oo dabooli kara baahidooda shaqo isla markaana kor u qaadaya haybadda dawl adnimo maadaama oo ay wasaaradaha qaarkood ku shaqayn jireen dhismeyaal la bineeyay kon tameeyadii. Wasaaradaha dhismeyaasha waaweyn uu u socdo ama loo dhisay waxa ka mid ah wasaaradaha Boosaha, Ciyaaraha, Beeraha, Xanaanadda, iyo Kalluumaysiga. Waxa kale oo bala adhin iyo dayactir lagu sameeyay xarumaha wasaaradaha dawladda qaarkood.
 

 


La soco qeyb kale

 

Cumar Maxamed Faarax