Milicsiga dil-dillaaca iyo daan-daansiga
xisbiga UDUB
 


 

Adoonka Illaahay abuuray waa inay jiraan wax ka joojiya ficilada foosha  xu n ee uu kula dhaqmo aadamiga kale.

Hadii aanay jirin qofka wax u diida oo ka xakameeya xumaanta ha ahaato diin, damiir, dadnimo, xishood ama waddaniyad. Waa hubaal inuu ku kaco falal fool xun oo fidno iyo iska hor imaad bulshada ku dhex beerta.

Hadaan u daadago halka aan holaday, waxa ay taariikhdu inna bartay hab-dhaqanka siyaasadeed ee xisbiga Qaranka Somaliland hogaanka u hayay toddobadii sanno ee aynu ka soo gudubnay uu ku dhaqmo inuu u xuub siibtay xajiimayn cidii ka soo horjeesata.

Waxaynu ka dheregsanahay shaxdii madoobayd ee shirkiisii uu qabtay, wa ddaniyiin iyo mujaahidiin ka tirsanaa xisbigaa oo xaq darro loogu diiday ka qayb qaadashada hogaanka xisbiga UDUB ama lagaba saaray oo shacabka loo tusay wax-ma-tarayaal, balse xisbigu ka baqo-qabay inay isbedel ku sameeyaan hogaanka xisbiga. Haddii aan soo qaato xubnahaa waxa ka mid ahaa Mujaahid C/Darawal, Ismaciil-yare, C/jirde iyo xubno badan oo aanan halkan ku soo koobi karayn.

Waxay taasi dhalisay oo aan cidna ka qarsoonayn inuu xisbigu laba  waaxo od u kala jabay. Halkaa kumay joogsane waxaynu ogayn wasiiradii iyo  xub nahii qabqablayaasha ka ahaa ee maalin walba hortaagnaa saxaafadda maxaliga ah, kana kaw ahaa cuna qabataynta shacabka, cashuuraha aan gaadhin halkii loogu talo galay, farsamaynta iibka dhulka iyo daarahii danta guud. Waxa muuqata inay saaxadii siyaasadda dibada ay ka joogaan. Waxaanay ku timi hogaanka xisbiga oo masuug xooggan ka muujiyay wax-qabadkooda, una arkay inaanay guul kuusan ka soo hooynayn doorashada innagu soo fool leh.

Sidaa darteed waxa ka dilaacay xisbiga gudahiisa inqilaab siyaasadeed, w axaana kooxdii hore lagu bedelay kuwa haatan saxaafadda maxaliga ah aad maalin walba deelqaafkooda iyo aflagaadayntooda ku foorara xisbiyada mucaaridkaa aad ku arkayso.

Hadaan tilmaamo xubnaha ku cusub saaxadda siyaasadda ee xisbiga UDUB haatana darka dul taagan waa wasiirka xoolaha,wasiirka war-faafinta, gu doomiyaha ololaha iyo afhayeenka. Kooxdan oo lagu bedelay inqilaabkii  siy aasadeed ee ka dhacay xisbiga gudahiisa ayaa u eg kuwo aad uga fog inay tixgeliyaan heshiisyadii dhowaan saddexda xisbi qaran ay wada  saxeexde en, dalkana dib ugu soo dabaalay yooyooyankii iyo xasilooni darraddii siyaasadeed.

Dhinaca kale, waxaynu ognahay xisbiga UDUB saxaafado iyo webab gaar ah inuu adeegsan jiray, kuna bixin jiray dhaqaale badan.

Tusaale: Maandeeq, Ayaamaha iyo webka u gaarka ah ee lagu magacaabo  Somalilandnation.com. Kuwaas oo ayaamahana ay ku soo biirtay webka la yidhaa Qarannews.com

Waxaynu ognahay dalkani inaanu dhibaato iyo khilaaf siyaasadeed oo  dan be diyaar u ahayn balse xisbiga UDUB uu haatan si aan gabbasho lahayn oo aad uga fog xishmada xisbiyada qaranka u bilaabay talaabooyin guracan oo ku lid ah heshiiskii ay saddexda xisbi kala saxeexdeen.

Taa waxa kuu  cadaynaya warsaxaafadeedada ku baahinayaan saxaafada maxaliga ah iyo  webabka Somalilanderska ah qaar ka mid ah. Sida Qarrannews oo ka been abuurtay hab-u-dhaqanka xisbiga Ucid, iyo xubna ha ku aflagaadooday hogaamiyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID.

Arrimahaasi waxay ka markhaati kacayaan dil-dilaaca hadheeyay  maamul ka xisbul xaakimka. Sababaha ay ku salaysanyihiina waa ololaha xisbiga oo ku qotoma dhaleecayn xisbiyada mucaaridkaa, iska horkeen shacabka ah, kala qaybin deegaanada ah oo uu u arko habkaasi inuu libin uga soo hoyn karo doorashada oo ay baqasho xoog lehi ka hayso kadib markuu ku guul daraystay aqoonsi raadintii iyo horumarintii wax-soo-saarka dalka uu hoga amiyo.

Waxa hubaal ah oo ka dhex muuqata falalka UDUB ku kacayso inuu jiro dildi laac siyaasadeed oo soo jiitamayay tan iyo intii ay shirkooda guud qabteen. Waana taa sababtay damacooda daan-daansi inuu indho la'aan waran gar darro la dhaco xibiyada mucaaridka iyo madaxdooda.
 


Somaliland Guul

 


Xuseen Badmaax