MIISAANIYADDA 2011 WAXAY KA TURJUMAYSAA BARNAA MAJKII KULMIYE ,
Ahmed Arwo,La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha,Ganacsiga
iyo Maalgashiga
Hargeysa January 31, 20100 (TNN)-Waxa
ay maraysaa miisaaniyaddii 2011 dib-u-eegiddii ugu dambaysay inta ka
horeysa ee lagu ansixin lahaa labada gole ee fulinta iyo
sharcidejinta. Waxa se si wadajir ah Golaha Wasiiraddu isagu raaceen
inaan lala sugin mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada miisaaniyadda
inteeda ka le, iyagoo raacayaa soo-jeedinta Madaxweynaha oo
fulinaaya balankiisii doorasho.
Waxa la ansixiyey mushaharka oo laban laabmay. Taas oon meel kale
taariikhda casriga aan ka dhicin’waliba inagoo ku nool xili
dhaqaalaha dunidu gaabis galay ( Recession)’ayna inoo dheertay
ictiraaf la’aan iyo inago on weli si dhab ah uga soo doogin
burburkii iyo dagaalkii xorreynta dalka.
MAXAY AHAYEEN BALAMADKII KULMIYE EE DOORASHADU.WAA KUWAN KUWA SIDA
CAD UGA MUUQDA MIISAANIYADDU:
1- Shaqaalaha iyo ciidamada oo
mushaharka loo kordhiyo
2- Tacliinta oo kor loo qaado
3- Caafimaadka oo la kordhiyo
4-Dhalinyarada oo shaqo iyo bulsho
ahaanba la daryeel
5- La-dagaalanka Musuqmaasuqa
6- Lacagta Burco oo la bedelo
7- Idaacad weyn oo dalka gaadha
8- Telefishan dalka gaadha
9- Derajada Ciidamada
10-Tayayeynta iyo Habaynta Shaqaalaha
11- Horumarinta Haweenka
Intaas oon u arko inay dhammaan muhiim yihiin, siday ay u kala
horeyaana ayna ahayn siday u kala muhiim san yihiin, waxay u
baahan yihiin dhaqaale. Rumeyntoodana waxa laga dareemi karaa
miisaaniyadda. Iyada oo lixda bilood ay xukuumaddu jirtay wax cad oo
ina tusaaya in xukuumaddu ku socoto barnaamajkii Kulmiye ee lagu
doortay aynu wax badan ka aragnay sida xilalka muhiimka ah ee
dhalinta iyo haweenka loogu dhiib ay, derajadii cidamada oo la
soo uruuriyey maraysana marxaladii u dambaysay intaan lagu dhaqmin,
aan u boqoolo dulucda maqaalka iyo dowrka miisaaniyaddu ku leedahay
ka-midho dhalinta barnaamajkii doorasho ee Madaxweynaha,
Wasaaradda Maaliyadda oo dhaxashay khasnad madhan, miisaaniyad aan
raadraac lahayn qayb weynina ay ka baxsantay dakhliga miisaaniyadda,
iyo qorsho la’aan mid dheer iyo mid gaaban oo miisaaniyadda lagu
saleeyo, ayaa si xilkasnimo ah, hawl-karnimo ah u guntatay inay
qorsho-maaliyeed seddex sano ah u dhigto (Medium Term Fiscal
Framework), taas ooy ka soo maanguuriso miisaaniyadda sanadkan,
iyadoo wada-tashi ballaadhan la yeelatay wasaaradaha iyo hayádaha
xukuumadda, isla markaasna baadhis ku samaysay ilaha dakhliga oo
dhan, is-bedelna ku samaysay xafiisyada lacag uruurinta, Taas oo kor
u qaaday dakhligii xukuumadda.
Iyadoo taas laga duulaayo ayaa miisaaniyadda culays lagu saaray
balanadii iyo barnaamajkii xisbiga Kulmiye ee doorashada.Waxa tan ka
dhashay in balamada kor ku taxan dhammaan la dhaqan-geliyo. Waxa kor
u ka cay ilaa seddex jibaar-ku-dhowaad miisaaniyadda
Was.Waxbarashada iyo tacliinta Sare, waxa sidaa si leeg u kordhay
Was. Diinta iyo Awqaafta. Waxa iyana si mug weyn loo kordhiyey
Caafimaadka, Was. Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.
Waxbarashada dugsiyada Hoose-Dhexe ee bilaashka laga dhigay waxay
tahay mid taageero gaar ah u leh dhalinyarada iyo tacliintooda,
sidoo kale ayaa korodhka Jaamacadaha iyo tababarada shaqaalahu
yihiin qa ar ku jihaysan dhalinta, isla markaas taakulinta
Diintu waxay salka ku haysaa barbaarinta dhalinta iyo toos
inta akhlaaq iyo nolasha bulshada.
Lama Iloobin Hooyooyinka oo labad daladood ee Nagaad iyo Now
labaduba waxay ku suntanyihiin miisaaniy adda. Sidoo kale ayaa
Sooyaal iyo Agoomaha loo taabtay.
Waxa haddaba is-weydiin leh, iyadoo intaas oo korodh ah, sanadkii
ugu horeeyey la gaadhay oo weliba ay soo raacdo korodhkii Golayaashu
isu kordhiyeen, sirtu halkay ku jirtaa?
1-Ugu horeyn weynu soo sheegnay in
dadaal lexaad leh laga galay ilaha- cashuuraha oo guntiga loo xidhay
soo-uruurin iyo la-dagaalanka inay dhexda ka siibato sidii caadado
ahayd. Ku-talagalkuna waa in 45% ay korodho.
2- Waxa iyana la jaray khrashyadii loo
arkaayey in laga maarmi karo. Waxa la yareeyey casuumadihii,
martiqaadyadii, shiidaalkii, maalin-dhexee, socdaaladii debeda,
qalab-xafiisyada aan mashiinada ahayn, (Office Supplies) iwm.
3- Waxa la jaray 69% Qasriga
Madaxweynha iyo 49% kan Madaxweyne Xigeenka.
Dhinaca kale waxaynu ogeyn in Madaxtooyadii hore ay heli jirtay
tuubooyin lacageed aan hoos iman miisaa niyadda ooy geli
jirtay khrashyo iyana ka baxsan miisaaniyadda, taas oo la soo
afjaray si loo helo nidaam ku dhisan la-xisaabtan iyo maamul-wanaag
( Accountability and Good Governess) waxa miisaaniyadda ku
kord hay khrashyada Madaxooyada oo u badan dhinacyada Nabadda,
Gurmadka, Ictiraaf doonka, maamul-wana aga iyo lama filaanka. Waxa
lagu saleeyey xaqiiqda la hayey iyadoo aad looga dooday, laguna
dedaalay in dhan walba laga gaabiyo. Waana talaabo hor leh in la
helo miisaaniyad madaxtooyadu leedahay bal se ay soo dejiyeen
hawlwadeenadu ee ayna ahayn mid ka soo unkantay dusha.
Iyadoo dhowaan la hor-keeni doono Golaha Wakiilada kolka ay ka soo
dhammaato Golaha Wasiirada, ayaan gartay inaan hor-dhacan idinla
wadaago,kolkaan arkay in wargeysyada qaarkood ay bilaabeen
faa’looyin miisaaniyadda la xidhiidha…tafaasiishuna waa inoo ayaan
dhow iyo miisaaniyadda oo dhammaan idin soo ga adha.
Sidaas iyo nabad, waa inoo kulan dambe, Insha Allah.
Ahmed Hassan Arwo
La-Taliyaha Madaxweynaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo Maalgashiga.
Qasiga Madaxtooyada
Hargeysa Somaliland.
Eci.advisor@ymail.com
|