Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex oo Damaanad ku sii daysay
wariyayaasha Wargeyska Hubaal ee Shalay la Xukumay
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka C/rashiid Duraan ayaa saxaafadda
Madaxa...
Hargeysa (TNN):- Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex ayaa goor
dhawayd D amaanad ku sii daysay masuuliyiinta Wargeyska Hubaal, oo
Maxkamadda Gobolka Maro odi-jeex shalay ku riday Xukuno kala duwan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka C/rashiid Duraan ayaa saxaafadda
Madaxa ba naan ka aqbalay in Damaanad lagu sii daayo labada Wariye oo
xabsiga Dhexe ee Harg eysa ku jiray, inta ay Maxkamaddu galayso
Dacwada Rafcaanka ah ee ay ka qaateen xukunkii shalay.
Aqbalaada Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa isla maanta Amray in la sii
daayo Suxufiy iinta Wargeyska Hubaal kadib markii uu ku qancay
Codsiga Damaanada, iyadoo labada Wariye laga sii daayay Xabsiga
Dhexe ee Hargeysa.
Sii daynta wariyayaashan ayaa ka dhalatay wadahadal hore ugu socday
Xukuumadda Somaliland oo kiiskan dhibane ka ahayd iyo masuuliyiinta
Warbaahinta Madaxa banaan, kuwaas oo isla shalay markii xukunkan
dhacay kulan deg deg ah ka yeeshay Arrintan.
Labada dhinac ayaa isla af-gartay in Khilaaafka Xukuumada iyo
Saxaafada lagu dhame eyo Miiska wada hadalada Labada dhinaca ay ka
Dheeraada Wixii Xasaasiyad dhalinaya, Isla markaana Damaanad lagu
sii daayo Labada Wariye horena loo sii wado wadahalada labada dhinac
u socda
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|