Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa oo Amartay in la sii daayo shaqaale reer Gabiley ah oo Hanti-dhawrku ku Eedeeyay Musuqmaasuq

 


Maxkamaddu waxay diiday Muddo kordhin ay Xeer ilaalintu markii saddexaad dalbatay in Jeelka lo ogu sii hayo



Hargeysa (TNN) Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa ayaa soo saartay Go’aan ay ku  diiday so muddo kordhin ay Xeer ilaalinta Gobolka Hargeysa markii saddexaad ku soo dalbatay in Xabsiga loogu sii hayo Guddoomiyihii hore ee Degmadda Wajaale Qawrax Muuse Xuseen iyo Cabdi Iimaan Taani ( Cabdi Xabashi) oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda kuwaasoo uu Hanti-dhaw raha Guud ee Qaranku ku eedeeyay inay Lunsadeen Hanti Qaran.


Waxay Maxkamaddu Diidmadeeda ku salaysay inay keeni weyday Xeer Ilaalintu laba jeer oo hore baadhis dhamaystiran oo lagu eedeeyo labadaasi Maxbuus kuwaasoo muddo sadex bilood ah  Rum aan ahaan ugu jira Xabsiga Gabilay, isla markaana waxa ay codsatay in loo celiyo Xorriyadoodii.


Nuqul ka mid qaraarka ay Maxkamadda Rafcaanku ka qaadatay Codsiga Xeer ilaalinta oo ay  Waah een heshay oo ku taariikhaysan 3/3/2011 ayaa u dhignaa sidan:-

Jamhuuriyadda Somaliland

Maxkammada Rafcaanka Gobolka Hargeysa

MRH/124/2011/ ee ku taariikhaysan Date:03/03/2011

Ku: Xafiiska Xeer Illaalinta Guud ee Gobolka Hargeysa

Uj: Ka Diidis Muddo Kordhin

Markay Argtay:

Codsidga Muddo kordhinta ee 28/02/2011 ee ay u soo gudbeen xafiiska

xeer illaalinta Gobolka Hargeysa ay ku codsanayaan in loo kordhiyo

muddada garsugayaasha kala ah 1) Qawrax Muuse Xuseen, 2) Jaamac Daa’uud Ibraahim,

3) Cabdi Siciid Iimaan, 4) Cabdi Iimaan Taani, kuna dalbadeen 45 cisho ah

Markay Aragtay: Ogaatayna in gar-sugayaashu xidhan yihiin muddo badan oo ku dhow 3 bilood, isla markaasina X. Xeer Illaalinta hore loo siiyay laba jeer muddo kordhin si ay ugu soo dhammaystiraan baadhistooda la xidhiidha arrinta ay ku xidhan yihiin gar-sugayaashani.

Markay Aragtay: Ogaatayna in ay mudadii ugu dambaysay ee la siiyo X. Xeer Illaalinta ay ku eeg tahay 03/03/2011 sidaasina ay kaga dhammaatay muddo kordhin dambe oo la siiyo Xeer Illaalinta garsugayaashana ay tahay in xorriyadooda loo celiyo maadaama ay Xafiiska Xeer Illaalintu ku soo dhammaysan kari waayeen mudadii labada jeer ahayd ee loo kordhiyay baadhistooda

Sidaaasi darteed Maxkammada Rafcaanka Gobolka Hargeysa waxay ka diiday codsiga muddo kordhinta ah ee ay soo dalbadeen Xafiiska Xeer Illaalinta Gobolka Hargeysa ee ku taariikhaysan 28/02/2011, summadiisuna tahay XIG/G/242/2001.

Allaa Mahad Leh.

Sh. Xuseen Warfaa Sigad

Guddoomiyaha Maxkammada Rafcaanka Gobolka Hargeysa

=Hargeysa=

C/raxmaan Max’ud Maxamed/Burhaan

Kaaliyaha Maamulka Maxkammada Rafcaanka Gobolka Hargeysa

Hase yeeshee sida ay warar xogogaal ahi Waaheen u sheegeen waxa go’aankaas la sheegay inay ka biyo diiday Xeer ilaalinta Gobolka oo Dacwadan Wakiil uga ah Hantidhawrka Guud waxaanay Ab iil uga qaadatay Maxkamadda Sare taasoo aan ilaa hada la ogayn Qaraarka ay ka qaadatay Diidm ada ay Maxkamadda Rafcaanku Diiday Codsiga Xeer Ilaalinta

Labada eedaysane ee Xafiiska Hanti-dharku u haysto inay galeen Musuqmaasuq ayaa ah labada qof ee kaliya ee laga hayo koox shaqaale Dawladeed ah oo uu Hanti dhawrku sheegay inay galeen Musuq maasuq, isla markaana waxay noqonayaan labada qof ee kaliya ee u xidhan arrin musuqma asuq tan iyo markii ay Xukuumadda cusubi talada qabsatay iyadoo sida la og yahay Xukuumaddu amar ku bixisay in loo joojiyo baadhitaano Hanti dhawruhu ku waday madax badan oo ka tirsanaa Xukuumaddii hore ee talada lagala wareegay oo ay ka mid ahaayeen xubnahan xishani

 

 

Source: Waaheen