Maxkamadda
Hargeysa oo Dhammaystirtay Maragyadii Xeer-ilaalinta ee
Masuuliyiinta Raashinka u Xidhan
Shalay: Fadhigii 5aad ee dacwaddan oo maxkamaddu ku dhegaysatay
makhraatigii u dambeeyey ee Xeer-ilaalinta iyo kii u horreeyey
difaaca eedaysanayaasha
Hargeysa (TNN)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo markii shanaad u
fadhiisatay garnaqa dacwa dda xasaasiga ah ee loo haysto
masuuliyiinta u xidhan raashinkii mucaawanada ahaa ee la musuq
maasuqay, ayaa fadhigeedii shalay ku dhegaysatay marag-furka
markhaatigii u dambeeyey ee Xeer-ilaalintu u cuskatay kiiskooda iyo
maraggii kowaad ee difaaca eedaysanayaasha.
Fadhiga maxkamadda oo aan loo oggolayn warbaahinta, isla markaana
socday 9:00-kii subaxnimo ilaa 2:00 duhurnimo ee shalay, waxa lagu
dhegaystay nin lagu magacaabo Cabdi Kildhi oo ah mar khaatigii ugu
dambeeyey ee Xeer-ilaalintu u cuskatay dacwadda raashin lunsiga ah
ee ay u xidh an yihiin shan eedaysane oo kala ah Badhaasiibkii hore
ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje),
Agaasimihii Wasaarada Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Yare iyo La-taliyihii
madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac iyo laba nin
oo shacab ah oo lagu kala magacaabo Cabdishakuur iyo Timo-cadde.
Mr. Kildhi oo u dambeeyey 17 markhaati oo Xeer-ilaalinta guud
horgeysay maxkamadda Gobolka Hargeysa si ay ugu marag-furaan
dacwadda eedaysanayaasha xidhan, kana mid ahaa darawall adii
gaadiidkii xamuulka ee qaaday raashinka la musuqmaasuqay, waxa uu
fadhiga maxkamadda kaga hor sheekeeyey wixii uu ka ogaa musuqmaasuqa
lagula kacay mucaawadaasi iyo kiiska loo haysto masuuliyiinta xidhan.
Maragani waxa uu sheegay in baabuurkii uu watay hal mar ku qaaday
raashinkii la leexsaday ee la dhigay bakhaar ku yaal suuqa xaafada
Idaacadda si uu u geeyo bakhaarka Wasaaradda Dib-u-dejinta.
Haseyeeshee, nin la yidhaa Dayr oo maamulayey raashinku uu ku amray
inuu raashinkaa si geeyo suuqa kadibna halkaasi lagu kala iibsaday.
Waxa kale uu tilmaamay in aannu isagu arag raashin ay rarteen ama
leexsadeen saddexda masuul ee loo haysto inay iyagu musuqmaasuqeen
mucaawanadaasi.
Geesta kale, fadhiga maxkamadda ee shalay waxa lagu dhegaystay
isdifaacii u horreeyey ee eed aysanayaasha xidhan oo lagu bilaabay
nin lagu magacaabo Tima-cadde oo ka mid ah labada nin ee la xidhan
saddexda masuul, isla markaana ka tirsanaa raggii maamulayey
raashinka mucaawa da ahaa. Waxaannu ku dooday in aannu wax lug ah ku
lahayn musuqmaasuqa raashinkaasi.
Source:Jam
|