Maxkamadda Gobolka Hasrgeysa oo Hal sano oo xadhig aan Iibsan kari
iyo Hal Milyan oo Ganaax ah ku riday Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle

Hargeysa (TNN)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa manta Xukun
Hal sano oo xadhig ciqaa beed aan la Iibsan karin ah iyo Hal Milyan
oo Ganaax ah ku riday Sheekh Maxamuud C/laahi Ge elle kaasoo sida uu
Garsooraha Dacwadaasi qaadayay sheegay in lagu helay danbiyada ay
Xe er ilaalintu ku soo Eedaysay.
Garsoore Cismaan Suldaan Ibraahim Daahir (Cismaan Fanax) oo Dacwada
Sheekha Gacanta ku hayay isla markaana soo saaray go’aanka manta
ayaa Maxkamadda horteeda kaga dhawaaq ay Xukunkan.
“Maxkamadda gobolka hargeysa waxay halkan idiinku soo gudbinaysaa
waaranka xukunka da nbiilaha magaciisu hoos ku qoran yahay Maxamed C/laahi
geelle ina cibaado Muuse oo konton jir ah.
Maxkmaddu waxay ku xukuntay danbiilaha hal sano oo xadhig ciqaabeed
ah iyo hal milyan oo ganaax ah kaasoo lagu xukumay qoddobka 287,
215, 231, XAG.
xadhigan waxa looga bilaabayaa maalintii xorriyadda laga qaaday oo
ahayd 4/3/2013 xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay taariikhdu
tahay 31/3/2013, sidaa daraadeed taliyaha xabsiga dhexe ee hargeysa
waxa lagu amrayaa inuu xabsiga ku hayo inta xadhig ciqaabeedkiisu ka
dhamaanayo ganaaxana ka bixinayo.”
Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu rido Sheekh Maxamuud
C/laahi Geelle iya da oo xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland
dhawr jeer u xidheen qudbado uu jeediyay.
Source:Waaheen
|