Qaraarka Maxkamadda Distuuriga ah ee JSL

 



Maxkamaddu waxay aqbashay codsiga dib u eegista ee madaxwaynaha Somaliland ee s ummadiisu tahay JSL/M/MD/100-4553/022017 kuna taariikhsnaa 14.02.2017 ee uu ma xkamadda Distuuriga ah ee JSL kaga codsanayey in dib u eegis ku samayso qaraakeedii fasiraada ahaa ee summadiisu ahayd MS/DD/02/2015 ee ku taariikhaysnaa 18.08.2015
Maxkamaddu waxay wax ka badashay qaraarkii maxkamadda Distuuriga ah JSL ee summ adiisu ahayd MS/DD/02/2015 ku taariikhaysnaa 18.08.2015.

Waxay tirtirtay farqadaha 1-Aad iyo 3-Aad ee qaraarka summadiisa iyo Taariikhdiisuba kor ku xusan yihiin oo ka hadlayey in doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xi geenka iyo waliba golaha wakiiladu ay qabsoonto March 2017.

Waxay faraysaa in golaha guurtidu ay waajibkiisa Distuuriga ah ka guto kordhinta doo rashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka iyada oo laga duulayo soo jeedi nta madaxwaynaha Somaliland si dastuurka JSL waafaqsan.

Qaraarkan waxa loo cuskaday qodobada 97,98 ee dastuurka JSL iyo qod.15 XNG iyo 334 XHM.Qaraarkani waxa uu soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 16.02,2017. Waxaana lixdan qodob ee qaraarka ah ee maxkamaddu kasoo saartay doorashada madaxtooyada Somaliland ku saxeexnaa guddiga garsoorka oo kala ah
 


Aadan Xaaji Cali (Gudoomiye)
Maxamed Cumar Geelle (Xubin)
Maxamed Faarax Siciid (Xubin)
Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan (Xubin)
Cabdiraxmaan Xasan Nuur (Xubin)