Maxkamada Gobolka Saaxil oo kooxo budhcad badeeda la horkeenay dhalinyaro kufsi ku kacayna xukun dheer ku riday

 



Berbera-(TNN)-Maxkamada gobolka saaxil ayaa manta xukun isku mida ku riday laba dhalin ya ro ah oo ay maxkamada horteeda kaga cadaatay inay kula kaceen fal kufsiya oo ay walibana nabarona ugeysteen gabadh yar oo reer berbera ah horaantii bishanbarakaysan ee ramada aan Iyaga oo ugeystay labadaa danbiile gabadhaa yar oo magaceeda la yidhaa Xamda Faarax Maxamed oo da,deedu tahay 16 jir kufsi arxan Daro ah iyo waliba nabaro ay ka gaadhsiiyay a gagaarka xubinta taranka halkaas oo ay dhakhaatiirtu soo cadeeyeen in gabadhaa yar si Xun oo ashaxa kabaxsan loola dhaqmay nabarona laga gaadhsiiyay waxaanay dhakhaatiirtu maxk amada u soo gudbiyeen dhawaac muujin miiujinaysa nabarada ku yaala gabdhaa yar.

Gudoomiyaha maxkamada gobolka saaxil ayaa waxa uu maxkamada horteeda ka akhriyay cad eymaha ay maxkamada horteeda la keenay ee la xidhiidha kufsiga lagula kacay gabadhan yar isaga oo intaa kudaray in ay labada eedeysane qudhoodu maxkamada Horteeda ka qirteen fa lka kufsiga ah kadibna ay maxkamadu soo saartay xukun iskumida oo ay ku xukuntay labada danbiile ee falkan Lagu soo eedeeyay kadibna waxa uu gudoomiyaha maxkamada gobolka sa axil Cismaan Ibraahin Daahir(Fanax)ayaa waxa uu labada danbiile ee gabadhan yar falka foos ha Xun kula kacay oo kala ah Khadar Yuusuf Maxamed iyo Maxamed Cawaale Maxamed uu xu kunkooda uu ucuskaday qodobada kala ah 398,400,71,iyo 45,XCG qodobadan afarta ah oo dha maantood ah xeerka ciqaabta guud ayaa waxa uu gudoomiyaha maxkamada gobolka Saaxil Cis maan Ibraahin Daahir(Fanax) uu sheegay in ay dhigayaan in lagu xukumo shaqsiyaadka si wa da jira u gala fal kufsiga isaga oo guudoomiyuhu halkaaga dhawaaqay in labadaa danbiile ay maxkamadu ku xukntay Midkiiba 10 sanadood oo xadhiga iyo waxa ay xuquuqda gabadhaa yar ka soo qabto shareecada islaamku nabarada gaadhay marka ay Bogsadaan ee loo xaqo waxaanu intaa ku daray gudoomiyaha maxkamdu in labadaa danbiile hadii ay xaqaaa gabadha a yar ay bixin waayaan ay maxkamadu ugu bedeli doonto xadhig labadaa danbiile

Waxa magaalada berbera baryahan danbe ku soo badanayaa fallalka kufsiga la xidhiidha iyada oo magaaladani berbera tirakoob la Sameeyay sanadkii dhamaadayna ay noqotay gobolka ug u kufsiga horeeya dhinaca falalka kufsiyada.

Dhinaca kale waxa manta maxkamada gobolka ;la horkeenay budhcad badeeda laba dhinaca oo kala ah qaar reer Somaliland oo laqabtay iyaga oo qadoonaya amaba u ambaxaya sidii ay ufulin lahaayeen afduubka gaadiidka ukala adeega somaliland iyo wadamada Khaliijka iyo koox kale oo iyagu ah budhcad badeed reer Putland ah oo dhawaan markab nooca dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ruushku uu ku daadiyay xeebaha bada ee somaliland isaga oo markabkaa si kooxdan ka burburiyay laashkii ay wateen iyaga oo wakhtigaa ku suganaa biyaha bada caal amiga ah waxaanu markabkaasi horaantii bishii todobadaa uu isku dayay in uu kooxdaan budh cad badeeda ah ka soo dajiyo dekeda magaalada berbera oo uu xidhiidh la soo sameeyay bals e waxa ay masuuliyiinta dekedu Markabkaa ku wargaliyeen in aanu kooxdaa keeni karin biyah a bada somaliland markay intaasi dhacday ayuu markabkaasi isasoo Taagay haabada biyaha bada somaliland kadibna waxa uu la noqday kooxdii budhcad badeeda aheyd oo tiradoodu ahe yd 7 nin oo nool Iyo sadex nin oo meyda oo kamida budhcad badeeda oo ku dhintay hawlgalkii lagu qab qabanaayay ee uu fulinaayay markabka dagaalka ee ruushka aakhirkiina waxa uu markabkaasi kooxdii budhcad badeeda aheyd uu ku daadiyay agagaarka degmada xagal oo Ah xeebaha bari berberana ujirta 130KM waxaana soo qabtay todobadii nin ee budhcada ahaa dadka deegaanka degmada xagal


Waxaanay maxkamada gobolka saaxil dacwada labadan kooxood dhageysatay laba cisho wax aana la filayaa in maalmaha soo socda Ay maxkamada gobolka saaxil berbera ay soo saari doo nto xukunkooda sida uu manta saxaafada u sheegay gudoomiyaha gobolka saaaxil Cismaan Ib raahin Daahir(Fanax)waxa kaloo uu intaa ku daray in ay maxkamada gobolka saaxila ay intan ramadaanta xukuno Kala duwan ku fulisay tuug fara badan oo bulshada reer berbera nafta u keenay isaga oo sheegay in ay imika magaaladu ka ladantay Tuugtii laga seexan waayay.



Mohamed Abdillahi Farah
Berbera,Somaliland
saaxilreporter@gmail.com