Maxaynu Ka Yeelnaa Xisbigan Magaceennii Dil ay Ee Bur-buray Ee Mala awaalka Ah Ee UDUB kana Soo Un-kamay Faqashtii La Eryay

 

Waxaan halkan salaan diirran ugu soo gudbinayaa taageerayaasha xisbiga udub ee burburay ee aan ka tirsanay waxaan kale oon salaamayaa  dhamm aan taageerayaasha xisbiyada qaranka ee kale ee sharafta badan waxa  kal oon salaamayaa shacabka soomaaliland ee aaminsan jiritaanka iyo qarannimada js/land

waxa kale oo aan aad iyo aad u salaamayaa dhammaan website-dada  mada xa bannaan

alsalaamu caleycum awraxmatullaahi wabarakaatuhuu, salaan kadib

Waxaan halkan kala hadlayaa taageerayaasha xisbiga udub ee bilaa madaxda ah maxaynu ka yeellaa xibigeennii wuu burburay oo maanta wax xisbi lagu sheego maaha oo wuxuu isku rogay fadhato amma dhuljiifba oo ninkasta oo soomalilander ahiba wuu arkayaa oo wax laqarinkaro wuu dhaafay oo waxaa ugu danbeeyay muddaharaadkii dorraad ardaydu ka dhigtay dugsiga shekh madar ee garoonkii iskuulka la siiyay mas'uul sare oo ka tirsan xibiga udub sidaas waxa qoray jaraa'idka dalka ka soo baxa dhammaantood.

Haddaba marka arrinku halkaa marayo maxaa innala gudboon? ma inaynu daawannaa mise waa inaynu runta sheegno? manuu waxaan leeyahay [runtu ma fantaa]waa inaynu runta sheegno oo aynu casaabaddan meesha kharribtay ka tashannaa. Walaalayaal waxaad ogtihiin waxay dalkii iyo dalkiiba dhaxalsiiyeen:

*Doorashadii oo ay ka meeraysanayaan
*Hanti boobkan ay caadaystee
*Iska hor keenka beelaha
*Xamar u ololayna
*Dhaqaala dumiska
*Ictiraaf diidka
*Caajiska iyo jiljileeca
*Beenta iyo canbaarayta


bal waxaad eeg taan oo gudha go'aankii guurtidu ka soo saartay shaqaaqa dii labada beelood ee walaalaha ah dhexmaray  xukuumad dan fadhiidka ah ee udub maxay ka qabatay maxaase ka hortaagan illayn ayadaa dalkan u dawlad ahe ?

Tageerayaal maxaynu taageernaa meesha wax la taageeraa ma yaalle?anugu ummalayn maayo inuu jiro nin SomaliLander ah oo dalkiisa iyo  dadkiis aba u daacad ahi oo taageersan maamulka udub ee talada haya maanta hadday jiraanna waa dadaan waxba ogeyn marka laga reebo kuwa soomaaliwenta u ololeeya ee fidnada innagula dhex jira iyo kuwa lamagac baxay [waji kummacaashka] ee maalin walba laga sii daayo telifishaka udub ee la yidhaa xisbi hebel bay kasoo bexeen oo udub bay kusoo biireen waar dadku ma xoolaa miyaanu dadku mabd'a lahayn.

Guntii iyo gabagadii:

waxa innoo ballan ah inaynu madaxda udub ku qasabno inay doorashada qab taan oo xor ah oo xalaal ah oonay musuqmaasuq iyo kushubasho midna  laha yn kushubasho hadday timaaddo doorasho lama yidhaa ee waa haynu is dillo

wasidaa maanta ka jirta dalka iiraan ee masiibado ka taagantay waa tii ken ya ka dhacday ee la wada ogaa waatii zinbabwi ka dhacday ee ummadiba ku hoobatay

waxanan idiin sheegayaa haddii uu dalka qalalaase ka dhaco madaxdan UDUB nin walliba halkii uu markii hore ka yimid ayuun buu ku noqonayaa illan nin qudha oo kamid ah oo dalkan joogay kuma jiro ka hor 1993 sidaa darteed makala jecla xumaanta dalka iyo samaantiisaba.

 


haada wabillaahi towfiiq

sufyan Omar Sufyan

Email:omarjaray@hotmail.com
Hargaysa/Somaliland