Maxay Isu Tarrixi Waayeen Kooxda Haysata Makarafoonka Xisbiga
WADDANI?
Hargeysa (TNN) :- Waxa Xisbiga mucaaridka ah
ee WADDANI, oo ah guri dambayska saddexda xisbi qaran ee Somaliland,
ka soo daahiray astaamo Xisbi Beeleed ku calaamadinaya mustaba lka
WADDANI, ka dib markii koox siyaasiyiin ah oo isku beel kaliya ka
soo jeedaa ay ka bixi waay een shaashadaha TV-yadda , iyagoo inta
badan hilmaama inay si anshax leh oo aan cunfi beera yn ay u
dhaliilaan xukuumadda. Waxay si laf-jab ah ugu kaayaystaan inay
dharaartii ALLE keen aba ay gambadhka ugu soo fadhiistaan Madaxweyne
Siilaanyo oo ay xataa gaadhaan inay si s hakhsi ah wax uga sheegaan
cirdigiisa sharafta qoyskiisaba.
Xisbiga WADDANI waxa tobankii maalmood ee la soo dhaafay warbaahinta
haystay xubno ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed
Jaamac (Xoog), Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee xukuumaddii UDUB
Siciid Sulub iyo Wasiirkii hore ee Daakhiliga
Maxamed Nuur Caraalle
(Duur), ku waasi oo aan midina xisbigaasi ka haynin wax xil ah hase
yeeshee saddexduba ka mid ah Guddig a qarsoon ee la yidhaahdo Guddiga
Musdambeedka ee go’aamisa dhaqdhaqaaqyadda maalinlah a ah iyo
qorsheyaasha xisbigu ku hawl-galayo labadaba.
Waxa dadka siyaasadda faalleeyaa ay ku doodayeen in saddexdaas nin
hadalkoodii xidhiidhka ahaa uu ahaa dhaqan cusub oo fool xumo ku ah
hanaanka xisbiyadda badan, waxaanay dadka fikradan aaminsani ay
daliishanayeen inay xisbiga WADDANI uu la soo baxay sumad lidi ku ah
q orshihii loo samaystay xisbiyadda qaranka oo ah in qabyaallada laga
magan galo.
Hadalladii saddexdaas siyaasi iskaga daba tageen waxay ka hadlayeen
laba qoddob oo kala ah aa inay xukuumadda ku eedeeyaan masuuliyadda
dib u dhaca doorashooyinka oo sababteeda wax laga saarayo
Guddoomiyaha WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo illaa
maa nta hor-taagan dhaqdhaqaaq kasta oo loogu diyaar garoobayo
doorashooyinka madaxtooyadd a Iyo Golaha Wakiiladda.
Waxa kale oo ay caaridayeen isla markaana ay dadweynaha si khaldan
ugu majaro habaabinay een inay yidhaahdaan xukuumadda ayaa dekadda
Berbera iibinaysa, arrintaasi oo ah mid aanay waxba ka jirin, balse
ay xukuumaddu doonayso inay maal-gelin caalamiya u hesho marsadda si
ay u noqoto mid gobol oo ay adeegeeda xataa ka wada faa’iidaystaan
dalalka Somaliland la de riska ahi.
Waxa jiray dad qabay in arrintan xisbiga WADDANI ku kaliftay inay
siyaasiyiin beel kaliya ahi ay la wareegto makarafoonka iyo
isteerinka xisbiga, inay tahay mid dani ku qabatay, maadaama oo
siyaasiyiinta beelaha Somaliland ee xisbigaasi ku jiraa ay yihiin
qaar aad u yar oo tiro lagu heli karo, taasina ay ka dhigtay in
siyaasadda xisbigoodu noqoto hal ku dhigii ahaa “Nin qoyani biyo
iskama dhawro.”
“Jid kale ayaan u furnayn-ba xisbiga WADDANI, Waayo beel qudha ayaad
moodaa inuu u furan yahay. Taasina waxay sababtay inay dhawrkan qof
midiba uu maalin burushka cayda leh u dar ro xukuumadda,”ayuu yidhi
mid ka mid ah dadka taxliiliya siyaasadda dalka oo ka gaabsaday in
la shaaciyo magaciisa.
Laakiin waxa ninkaasi uu tusaale u soo qaatay hadal uu Maalin
Xisbiga WADDANI kula kaftamay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal
Cali Waraabe, oo isagoo ka hadlayay furitaankii shirwe ynihii shanaad
ee SOLJA laga guntay “Axsaabta qaar baad imika moodaa markay shir
yar leey ihiin aad is odhaneysaa taloow ma inan (gabadh) ayey
bixinayaan oo shirkoodii ayaad gabadh in loo geed fadhiisanayo
moodaa oo wixii baa innaga noqday reer.”
Si kastaba arrintu ha noqotee waxa habboon in xisbigaasi dib u
qaabayn ku sameeyo siyaasadi isa, maadaama oo aan dadweynaha
Somaliland aanay liqi Karin inay xisbinimo u aqoonsadaan siyaasiyiin
beelnimo isku keentay, waxa la gudboon inay hadalka badh uga tagaan
dadka kale xisbiga kula jira haba tayo iyo tiro yaraadaane.
Xisbiga WADDANI waxa sumadan xun uga sii daran, ma laha wax
barnaamij siyaasadeed ah oo ay illaa imika ummadda u soo bandhigeen
oo ay doonayaan in lagu doorto, taasina waxay god kaga sii ridaysaa
rajada ay ku hawaysanayaan inay noqdaan xisbi qaran oo hoggaanka
dalka u baratama,iyadoo Guddoomiye Cirro uu indhaha ka qarsanayo
murtidda heestan oo siyaasiga hanka leh si nasteex ah ugu boorinaysa
inuu dhaqankiisa ka ilaaliyo facaa’il beelnimo.
“Ummaddii hurin-huriniyo, Noqota Habar-habar
Kolay Hibashiyo, Ma waydo Huqdee.
Qaranka Hadhsadoo, Haybadda ku gam’oo,
Quluubta hal qudha, Hoheey ka Noqdaay.
Waa kaa horumaray Dhulkii Hooyee,
Ninkii u Han Wayn Hoggaanka Dalkoow,
Hankaagu Ha Dhaafo Reer Hebel!!”
(Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax)
XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN
|