Dr Maxamed Cabdillahi  Cumar ayaa waxa lagu qos lo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay guddoom iyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Faarax

 

London UK (Longlivesomaliland News) - Xoghayaha Arrimaha dibada ee Xisbiga  m u caaridka ah ee KULMIYE, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa jawaab kulul ka  bi xiyay hadalo canbaarayn ah oo ay xukuumada Rayaale iyo xisbiga UDUB, ay si is-daba joog ah weerarayeen isaga, iyaga oo daba jooga xidhiidho uu Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Kulmiye uu la yeeshan dublamaasiyiin ka dalalka reer  galbee dka ee daneeya arrimaha Somaliland, warkaas oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahintu todobaadkii hore. Kaas oo uu ku ku iftiiminayay sida ay beesha  caal amku uga wer-wersan tahay mowqifka ay xukuumada Rayaale ku laashay  diiwa angelintii iyo khilaafka ay dalka ka dhalisay.

Sidaa waxa uu xoghayaha Arrimaha dibadu ku sheegay Wareysi uu xalay niskii  da nbe khadka tlifoonka kula soo xidhiidhay Wariye ka tirsan Wargeyska Saxansaxo oo magaciisa la yidhaahdo Cabdiqaadir Maxamed Ciid [Baay] isaga oo jooga dalka Britain, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay oo runta ka fog oo lagu qoslo warsaxaafadeedyo is-daba jooga oo wasaarada arrimaha dibada iyo Xisbiga UDUB ay ku beeninayeen warar uu baahiyey.

Dr. Maxamed C/laahi oo u jawaabayey Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB  Cu mar Faarax waxa uu yidhi“Hayada distuuriga ah ee aan u qaabilsanahay Xisbiga Kulmiye waa Siyaasada Arrimaha Dibada, sidoo kale siyaasada Arrimaha dibada ee dalkana waxa u qaabilsan Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale sidaa daraadeed waxa ahayd in uu ii jawaabo Wasaiirka  arima ha dibadu oo aanu ku soo dhuuman xisbi UDUB, iyo qof aan siyaasada arrimaha dibada waxba ka fahmayn”.

Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sheegay inuu wakhtigan xidhiidhka Somaliland iyo wadamada Caalamka u dhaxeeya uu meel-hoose marayo, isaga oo arrinta ka  had layana waxa uu yidhi“Arrimaha hada taagan ee ay ka mid yihiin diiwaangelintii uu Madaxweyne Rayaale laalay iyo erigii uu dalka ka eryay Hayadii Inter-peace ee inala shaqaynaysay iyo sida ay dhawrka jeer u baaqatay doorashadii  madaxtoo yadu waxay noqotay dalalka saaxiibka inala ah gaar ahaan dalalka reer Galbeedka ay ka qabaan nabadgalyada iyo horumarka Somaliland, arrintaasi dhibaatooyinkii ay keentay waxa ka mid ah in xidhiidhka aynu imika caalamka la leenahay in uu marayo meel aad u hoosaysa”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Gaar ahaan waxaynu ognahay in  xid hiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dawlada Maraykanku uu aad u hooseeyo, oo waynu ognahay Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Somalilnad dhibaatooyinkii kaga  dha cay markii uu tagay Maraykanka, dawalada Sweden oo imika madax u ah dalalka EU-da gabadha u qaabilsan geeska Afrika waxay dhawaan war ay soo saartay ku sheegtay in ay aad uga xuntahay halka ay marayaan doorashooyinkii Somaliland iyo go’aanka uu ka qaatay Madaxweyne Rayaale oo ay ku tilmaantay mid ka  baxs an dariiqii dimoqraadiyada, waxaanay ugu baaqday Madaxweynaha in uu ku soo noqdo heshiiskii ay gaadheen xisbiyadu oo aanu khasaarin mucaawinada ay  wada mada reer Yurub siiyaan Somaliland ee xaga doorashooyinka iyp dimoqraadiyada, ta kele waxa todobaadkii dhawayd aarintan ka hadlay ku xigeenka kaaliyaha  xog hayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Philip Carter.”

Mar uu xoghayuhu ka hadlayey aragtida uu mareykanku ka yidhi arrinta waxa uu yidhi“Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Philip Carter Waxaanu aad ugu dheeraaday diwaamgelintii uu laalay Dahir Rayaale iyo sida uu uga xun yahay xagal daaca ku yimi doorashooyinkii Somaliland, waxaa nu xusay in xukuumada Somaliland ay ka dhabar adaygtay is-gaadhsiin fara badan oo ay dawlada Maraykanku ay la soo yeelatay Somalilanad, waana tii  keentay in safaarada uu Maraykanku ku leeyahay Kenya ay ka soo saarto war-murtiyeed ay ku cadaynayso in ay ka soo hor jeedo mawqifka uu Daahir Rayaale qaatay.”

“Xisbiga Kulmiye wuxuu aad uga xun yahay in xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd beesha caalamka uu aad u hooseeyo masuuliyadiisana ay leedahay xukuumada Daahir Rayaale. ”ayuu yidhi Xoghayuhu

Maxamed C/laahi Cumar
ayaa waxa lagu qoslo ku tilmaamay hadalkii ka soo  yeed hay guddoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Faarax, waxa uu yidhi“Ta kale waxa la yaab leh inkastoo aan filayay in uu Cabdilaahi Maxamed Ducaale ka hadlo oo ah ninka ay shaqadu naga dhaxayso. Kulmiye ahaan xidhiidhka aanu la leenahay dalalka Maraykanka iyo reer Galbeedka wuu ka wanaagsan yahay ka ay xukuumada Rayaale la leedahay dalalka reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska. Waxaanan u sheegayaa qolada UDUB ee Cabdilaahi miciinka mooday in nin yar oo aan Wasaarada Arrimaha Dibada Wasiir ka ahayn, oo aanu jirin wax xil ah oo ka saaran siyaasada arrimaha dibada oo xubin ka ah xisbiga UDUB in uu muddu 24 saacadood gudahood ah sadex dawladood oo waa-weyn oo Ingiriiska, Maraykanka iyo Sweden ah oo dawladihii waaweynaa ee reer galbeedkka ka mid ah inuu yidhaahdo waan la xidhiidhay oo ay u soo jawaabaan oo mid waliba  jawa abtii uu isugu doonayay ay siiso oo ay tidhaahdo xidhiidhkii aanu xukuumada Daahir Rayaale la lahayn halkiisii ayuu marayaa waa wax lagu qoslo oo aan xaqiiq ahayn, oo aan meesha ku jirin, haddii uu jiro is-badal intaa leegi oo ku yimi muddo 24 saacadood gudahood ahi waxa fiicnaan lahayd in ay uu ka hadlo Wasiirka  Arri m aha dibadu oo aanu soo marin xisbiga UDUB, arrintaasina waxay muujinaysaa in xukuumada Rayaale ay marayso wakhtigeedii ugu danbaysay marka laga eego dhinaca arrimaha dibada”

Dr. Maxamed C/laahi waxa uu duray Siyaasada arrimaha dibada ee Xukuummada Madaxweyne Rayaale ee wakhtigan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu  yidhi “Dhinaca kele sanadkii 2006-dii, markii Wasiirka laga dhigay Cabdilaahi Maxamed Ducaale, intii ka danbaysay ma jiro dal keliya oo ay Somaliland xidhiidh la yeelatay hadii ay jiraana ha soo sheego wasiirka arrimaha dibadu. xidhiidhka aynu la  leena hay dalalka Ethiopia iyo Koofur Afrika waxa samaysay dawladii Alla ha u  naxarii stee Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal. xidhiidhka aynu la leenahay dalalka  Marayka nka iyo Yurub ee ay imika Cabdilaahi iyo Rayaale waxa dhidibada u aasay Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Marwo Adna Aadan Ismaciil oo xidhhidhkaa samaysay, mana jiro xidhiidh cusub oo ay Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Daahir Rayaale ay dalka u sameeyeen, xidhiidhada uu Rayaale ugu baxo dalalka dibadu waa kuwo ganacsi oo gaar ah oo uu heshiisyo hoose oo aan baarlamaanka la horkeenin uu kula soo galo shakhsiyaad iyo shirkado ganacsi, Cabdilaahi M axamed Ducaale safaradiisa dibadu waxay u fududeeyaan uun Rayaale heshiisydaa aarimaha  gana csiga ee u gaarka ah isaga, kuwaas oo baal marsan shuruucda dalka  golayaash ana aan laga talo gelin.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sidaa daraadeed ma jiraan wax  xidh iidh dublamaasiyadeed ah oo ay xukuumada Rayaale u samaysay muddadii uu  Cab dilaahi Maxamed Ducaale uu xilka Wasaarada Arrimaha Dibada uu hayay ma  jira an, hoos u dhaca ku yimi siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland-na maaha mid qarsoon oo la dafari karo.waxaana taa daliil cad u ah walaaca isa soo taraya ee ay beesha caalamku ka muujiyeen mawqifka ay xukuumada Rayaale ku laashay dimoqraadiyadii iyo diiwaan gelintii doorashada taas oo Somaliland ka  dhursug ay say hadii doorashadu u dhacdo si xor iyo xalaal ah in aynu bulshada caalamka  kag a kasbano ictiraaf caalami ah iyada oo uu hada dalka ku sugan yahay Wasiiral  Da wlaha arrimaha dibada ee Ethiopia oo wakiil ka ah beesha caalamka ee danaysa arrimaha Somaliland, waftigaas oo Hargaysa u yimid fariin culus oo ay ka sidaan beesha caalamka oo nuxurkeedu yahay in aanay Somaliland ka noqon majarihii  ge edi socodka dimoqraadiyada oo ay shaki galisay xukuumada Rayaale, sidaa  darte ed fashilaada ku timi xukuumada Rayaale waa ayaan daro in ay kula  galgalato  xis biyada mucaaradka ah, iyada oo shacabka Somaliland doonaysa in ay ka qariso xaqaa”iqa dhabta ah ee ku saabsan arigtida ay beesha caalamku ka qabto  siyaas ada fadhiidka ah ee Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa”
 

Source:Wargeyska Saxansaxo