Qoraaga Caanka ah ee Maxamed Baashe X.Xasan oo Khudbad ka jeediyay Jaamacadda Gabiley ee Timacadde University.
 


Qoraagu waxaa kale oo uu isbarbar dhig ku sameeyay wax dhigashada maanta iyo  wakhtiyadii


Gabiley (TNN)-Wafti uu hogaaminayay Qoraaga Reer somaliland ee Maxamed Baashe X.Xasan oo ay wehelinayeen Xubno ka tirsan Naadiga Akhriska Timacadde ayaa shalay kormeer ku soo maray Jaamacadda Timacadde, Dugsiyadda Waxbarashadda iyo Cusbitaalka Wayn ee dhawaan laga  hir galiyay Gobolka Gabiley.


Qoraaga oo ardayda jaamacada Timacadde khudbad u jeedinaya ayaa u sheegay inay Gabiley ugu danbaysay wakhti laga joogo 31 sanadood maantana aan la qiyaasi Karin farxadiisa iyo dareenka gaarka ah ee safarkiisu xambaarsan yahay. Maxamed Baashe ayaa qoto dheer uga hadlay kaalintii ay Gabiley ku lahayd halgankii SNM ee  laga ga soo horjeeday kalidii taliyihii siyaad barre taasi oo uu sheegay in uu isagu dad ahaan Gabiley uu ubartay wakhtigaasi.


Qoraagu waxaa ka waramay wakhtiyadii uu wax dhigashada ku jiray oo ay gobalada waqoooyiga ku iman jiray fasaxa iyagoo wakhtigaasi aqoon korodhsi iyo doodo isku waydaarsan jiray ardayda dugsiyada kala duduwan.

 
Qoraagu waxaa kale oo uu isbarbar dhig ku sameeyay wax dhigashada maanta iyo wakhtiyadii ay ku jireen dugsiyada isagoo xusay in wakhtigaasi ay ardaydu ka dadaal badnaayeen sida ay  maan ta yihiin aqoontuna ay ka badan tahay sidii ay barigii hore ahayd oo maanta la helay adeegyo  bad an oo fududeeyay wax dhigashada.


Dhanka kale qoraagu waxaa ka waramay faa,idooyinka uu akhrisku leeyahay isagoo tusaalayaal b adan usoo qaatay una sheegay in markii Nabi Muxamed (CSW) Quraanka lagusoo dajinayay  kalma dii ugusoo horaysay ee lagu soo dajiyaa ay ahayd AKHRI (Iqra),
 

Maxamed Baashe X. Xasan Waxa uu ku booriyay inay raadiyaan aqoonta isla markaana cilmi  baad his badan sameeyaan, akhriska fara badiyaan iyaga oo ka faa,iidaysanaya wakhtigooda qaaliga ah.

Gudoomiye ku Xigeenka jaamacada Timacadde pro.Xasan Aw Daahir ayaa qoraaga ku soo dhawee yay jaamacadda Timacadde isagoo uga mahad celiyay booqashada iyo cilmiga uu kusoo kordhiyay ardayda.


Qoraa maxamed Baashe waxa kale oo uu Kormeer iyo ku soo maray Dugsiga Sarre ee Timacadde (Ex-Qalax) halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay maamulka Dugsiga.

Qoraaga ayaa sidoo kale soo maray Cusbitaalka Cusub ee dhawaan laga hirgaliyay Gabiley halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Gabiley Muj.Cali Cabdi C/laahi (Cali Case) oo ay Qoraaga saaxiibo ahaayeen isla markaana ka soo wada qayb qaateen halgankii SNM.
 

 


Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
Tell: 0012142697613
Mobile: 002522-4422334