MAXAAD KA TAQAANA TAARIIKHDA BEESHA REER SHEEKH MUSE DHARIYE???''QORMADII MAANTA IYO MRGABOYE''

 


 

Beesha MUSE DHARIYE asal ahaan waxaa la dhaha Beesha Reer Sheikh Muse Dhari,mag aca dhariga waa naanays farsamada ugu baxay oo wuxuu waayadii hore ku can ahaa sheikh muse dhari samaynta dharyaha oo uu ka sameeyo dhoobada ciida sidda dharyah a wax lagu karsado iyo iwm ,markaa asal ahaan sheikh muse waxaa taariikhu sheegays a inuu ka mid ahaa beesha DIR SAMAALE, abtirsiintiisu ay tahay ‘’sheekh muse maxam ed madobe dir samaale aqiil’’ waxayna beesha reer sheikh muse dagaan ahaan dagaan goboladda waqooyi ee Somaliland iyo dhanka kililka shanaad ee soomaalia Ethiopia dee gaan ahaana waxay ku leehyihiin degmo u gaar ah beesha reer sheikh muse dhari oo la yiraahdo’’BARIISLE’’ oo ay xoolo iyo beeraba ku leehyihiin una dhow dagmada qarbi bax ay. sido kale waxay dagaan koonfurta somaliya gaar ahaan baydhabo iyo gobolada u d howdhow iyo dalka djabuoti ,,sheikh muse dhari,AHUN’’ wuxuu ku aasan yahay magaala da Xiis iyo Maydh ‘’

SHeekh muse dhari wuxuu ahaa sheikh karaamaysan oo ilaahay karaamo siiyay waxa la mataan ahaa markuu dhashay MAS cad oo ay walalo ahaayeen sida ilaa hada ay tafiirt iisu aaminsantahay oo marka ay arkaan maska waxaa la sheega inayna diliin maskaa waayo waxay dhahaan mas iyo muse ayaanu nahay sidana anay u diliin maska.sheekh muse dhari wuxuu dhalay laba wiil oo kala ah ABOKOR sheikh muse oo curadka ah iyo Haaruun oo curad ku xigeen ah ,waxayna hada majoorati ahaan u badan yihiin reer she ikh muse dhari gobolada Somaliland , waana dad ilaa hada ku shaqaysta farsamadooda faca weyn ee ilahay ku manaystay sidda sancadda kaba tolista ,qurxiinta timaha ama timo jarida ,iwm ,sidoo kale beesha reer sheikh muse dhari waxaa ka dhashay halyeeya da qaaliga ah ee ku suntaan taariikhda soomaalida inkastoo aanay si dhaba uga hadal geesiyada ka soo jeeda beesha reer sheikh muse dhariye ,


Hadaan qormadaan taariikhda kooban ah qaar kood ka xusno geesiyada ka dhashay beeshan qaar ka mida ee ku caanka ah umada soomaaliyeed meelkasta oo ay dagaanba ,sida Abwaankii weynaa alah ayaa weyne ,aabihii faanka soomaaliya dhidibada u taag ay ,ABWAAN XUSEEN AWFARAX DUBED.. ABWAAN ‘’CALI XUSEEN CILMI’’CALI MAKAADS HE ‘’ oo ahaa udub dhaxaadkii ururkii dhaliinyarada soomaaliyeed ee gobanimaddoonka soomaaliya una ahaa xiriiriyihii iyo warbahiyihii SYL. Hal abuurkiisa maansaduna kaaliin weyn kaga qaatay gobanimo oonkii soomaaliya,waxaa kaloo ka mid ahaa ,ABWAANKII CABDI CABDILAHI SHUBE ‘’AHUN’ fanaanka iyo abwaanka can ka ahaa ee ‘’CUMAR DHU LE CALI’’AHUN’’ iyo qaar kale oo badaan ,Dhanka siyaasada waxaa ka mid ahaa ,’’CORN AL- MAXAMED MAXAMUUD XAYD’’oo ahaa siyaasi qaaliya dowladii kala duwanaa ee so omaaliyana ka gaaray heer wasiir iyo xilhibaanimo iyo qaar kaloo badaan ,,


Waxaa kaloo beesha ka dhashay musheekh caana oo ilahay uu hibo sharaf iyo karaama ba ,hadaan qaar ka xuso waxaa ka mid ahaa sheekha AW AADAN UBAXLE ‘’AHUN’’ sheik h aw aadan ubaxle wuxuu magaaladda hargaysa ka akhriinjireey dabayaaqadii qarnigan tafsiirka quraanka iimamna ka ahaa mawlac masaajid yar ahaa oo ku yaalay deegaank a’’suuga heegadda hargaysa,wuxu kaloo sheekhu can ku ahaa dabiibka jinka oo uu ka dabiibi jirey ‘’wuxuuna sheekhu ku aasan yahay magaaladda hargaysa..waxaa kaloo ka dhashay sheikh caanka isagana ee reer Barbara ahaa ‘’SHEEKH AW XUSEEN HUUBE ‘’ AH UN’’KU magac dheera sheikh awxuseen indhoole ‘ sheekhu wuxuu indho belay isaga oo lix sano jir ah hadana ALAH SWT ayaa awood u siiyay inuu sheekhasi noqdo xifdi quraan isagoo indho la ,uu dusha ka qabto 114- quraanka kariimka mudo 40-sano ku dhawna hayay masaajid ku yaalay magaalada Barbara kana ahaa iimaam iyo mu adiinba ,waxa

anu ku aasan yahay isla magaaladda Barbara ee Somaliland ..Dhamantoodna waxay ku wada dhasheen halyeeyada caanka ah jsomalialnd ..


la soco qaybo kale oo hamaystiraan oo taariikhda dhabta ee beesha reer sheekh muse dhari ka hadlaysa laakiin qormadan waa taariikh kooban uun insha alah waan soo bandhigi doona taariikhdaas oo dhamys tiraan..


wabilaahi towfiiq..


By-Barkhad Xaaji Cabdi''MrGaboye''

Ontario Canada

email:abokoriye1@hotmail.com