Maxaabiis ku xiydhnayd xabsiga Gabiley oo ku sumoobey raashin

 

Gabiley (www.longlivesomaliland.com) Sagaal nin oo maxaabiiis ahaa, ku na  xidhnaa xabisga magaalada Gabiley ,ayaa loo qaaday  Cisbitaalka Guud ee magaalada Gabiley, ka dib  markii mid ka mid ah maxabiistaasi cunta loo keenay  ay ku sumoobeen .

Taliyaha asluubta oo u waramay shabakadda wararka ee www.longlive somaliland.com , ayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay:

"Markaya saacadu ahayda 2:00 duhrnimo ee shalay,  ayaa qolka namb arkiiau yahay #  3 , oo ay ku jireen 9 maxbuus , ayaa waxa loo geeyay joog  bariisa ah,  oo laga keenay xaafad mid ka mid ah maxaabiistan.
Dabadeed, markii ay saacadu ahada 3:00 gabnimo,  ayaa 9 kani qofi ku xanuunsadeen qolkii ay ku jireen,  isla markiibana  waxanu ula soo cara rnay Cisbitaalak Guud.

Waxa kale oo shabada wararka ee www.longlivesomaliland.com,  wara ysatay , Dr Maxamed  Yuusuf  (Cirro)  iyo Dr  Axmed Nuur Ismaaciil , oo nooga  xog waramay  xaalada nololeed ee dadkaasi .Waxaaney noo  sh eegeen,  inay  intii karaankooga ahayd  bad badiyeen  7 qof , laba ka mida ah maxaabiistaasina ay  dhinteen.

Dr Maxamed Yusuf  (cirro) , oo  aanu waxa ka waydiinay nooca suntani , waxa uu ku jawaabay,  "Anagu hadii aanu nahay dhakhaatiirta Gabiley, awood uma lihin in aanu ogaano nooca suntani, maadaaba aanaan  hay san qalabka shay baadhka ee lagu baadho suntani.

Waxa kale oo aanu wareysi la yeelanay Taliyaha Salidhiga Booliska Gabil ey ,Mr saalax ,oo aanu wax ka waydiinay dadka falkaasi ka dambeeyay ,waxaanu uu ku jawaabay, " waxaan soo xidhnay dad lagu  tuhmayo fa lkaasi inay ka dambeeyeen".Waxaan kaloon  waydiinay in la garanayo lab ada nin ee dhintay,wuxuuna ku jawaabay, " Haa , mid ka mid ah waanu garanynaa,  laakiin ka lake ilaa hadda lama garan.."

Dhinaca kale , Cisbitaalka  guud ee magaalada Gabiley, ayaa ilaa xalay ay dadka reer Gabily aad ugu  xoonsanaayeen, iyadoo ay  ciidamada  boolisk una  gaadh  ka hayeen Cisbaalka , cidina aanay u dhawaan karin.




FG:

Sagaalka  nin,  saddex ka mi ahi waxaya gaysteen dil .Mid ka mid ah labada nine ee dhintayna, waxa uu dilay  aabihii , sannadkii la soo dhaaf ay,isiga oo bohol hadhuudh ku riday.

Mid ka mida kuwa  dhaawicina ,una dhashay dalka ethiopia, gaar aha an  ka soo jeeda qawmiyadda  ormada ,sun  ayuu 3 nin oo mid soomaali yahay, labana  ay yihiin oramo ,ugu daray  cunto,  iyagoo beerta  jooga

Dhibaatooyinkii oo dhacay sannadkii la soo dhaafay, ayaa mucjiso ku noqotay dadka reer gabiley,  iyadoo  ta maanta  dhacdayna  ku biirtay



 

 

Nimcaan dheeg Ibraahim Longlivesomaliland News Media  Gabiley Desk