Maxaa Xala Hadii Doorashada Somaliland Dib U Dhacdo Talo Sharciyeed

 


( Xeerkiyo distoorkii loo dajaana kuma fulo umad aan dabci aqoon) Abwaan gaariye


Ku hey qalbigaa beydkaa Gabeyga ah inta aad akhriyeyso talo sharciyeedkan,

SU,AASHAA INTEYNAAN U GALIN JAWAABTEEDA WAXA HABOON IN AAN DHOWR SU,AALOOD IS WEYDIINO?

1- Dastuurka inoo yaal iyo Dastuurkasta oo dal u yaal haduu qaran ka waayo qodob uu ku xaliyo mushkilad qaanuuniya oo la soo gudboonaatey xaguu jawaabteeda ka doonayaa, yaase xaq u leh jawaabtaa iney bixiso?

2- Muda kordhinta Golayaasha Dowlada Somaliland yaa xaq u leh oo uu dastuurku siiyey hadii ay duruufi timaado doorasho dhiciweydo ?

3-Marka la eego dastuurkeena yaa jagada madaxweynaa buuxin kara ?

4- Goormaa Gudoomiyaa golaa guurtigu qaban karaa jagada Madaxwynaa iyo Kuxigeenka oo wada socda?

4-Hore maaxa caado inoo aheyd marka doorasho dub u dhacdo?

Su aasha hore hadaan ku horeyno ee ah xageen u noqoneynaa kolka aynu ka weyno xal distoorkeena sixal ugu holo Mushkiladaa distooriga ah ama qanuuniga ah iyo yaa dacwadaa qaadideeda xaq u leh ,iyadoo kooban waxan u noqoneynaa halkii asalka u aheyd distoorkeena ee laga soo dhanbashey oo ah:

1- shareecada islaamka 2- caadada isu bedeshey curfi(habdhaqan jogta noqdey) ha ahaado mid inoo gaara ama mid aan la wadaagnay dadyowkale 3- xeerarka caalamiga ah ee aduunka u yaal 4- qawaaniinta aan isku bahda nahey iyo dowladaa aan isku nidaamka siyaasiga ah nahey sida mareykanka oo kale.

Yaa xaq uleh hadii qodob distooriya leysku qabto fasiraadiisa inuu ka jawaabo qodobkaa waxaa Xaq u leh Somaliland maxakamada sare oo ahna maxakamada Dastuuriga halka wadamada qaar ay ka leeyiin maxakamad dastuuriya oo ka baxsan maxakamada sare qaadana dacwadaa dastuuriga ah .

Waxan u cuskaney jawaabta su,ashaa qodobadan dastuurka ee ah :

Qodobka – 10 aad oo leh( maxakamada sare waa hay,adda ugu sarraysa Garsoorka ;isla markaana waxay tahay Maxkamadda Dastuurka).

Qodobka -127 aad ,oo leh mabanaana waxkabadal iyo kaabidda dastuurka oo xanbaarsan nuxur ka soo horjeeda

b- mabaadida shareecadda islaamka.

t- midnimada dalka(israacsanaanta dhuleed).

j- mabaadida tala wadaaga iyo hananka xisbiyada badan.

x- xuquuqda asaasiga ah iyo xoriyada qofka.

Faqrada (b) ayaa inaga khuseysa qodobkaa oo ina tuseysa in ay shareecaddu islaamku tahey halka laga soo dheeganaayo dastuurka. Waxaa kaloon qodobkaa u cuskaney Qodonka -10 aad ee dastuurka faqradiisa ,2,aad oo leh jamahuuriyada somaaliland waxey aqoonsantey kuna dhaqmeysaa Axdiyada Qaramada midoobey iyo qanuunka dowliga ….)

Waxaa kaloon u cuskaney Qodobak -5 aad ee dastuurka faqradiisa 2 aad oo leh xeerarka dalka waxaa laga qadanayaa shareecadda Islaamka ,waxaana reban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

Su,aasha labaad ee ah muda kordhinta golayaasha yaa xaq u leh uma baahna dood badan qodobada ka hadlaaya mudda kordhinta dastuurka ayey ku cadyiin waana kuwan:

Qodobka 42 aad wuxuu ka hadlayaa golaa Wakiilada yaa u kordhinaya hadii doorasho qabsoomi weydo waxaanuu u dhiganyey Sidan( haddii doorashada golaha wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi lagana dooranayo gole cusub. Isagoo sii fasirya qodobku duruufahaas ayuu yidhi ( dagaal baahsan,xasilooni daro gudaha ah,aafo dabiici ah oo culus sida dhulgariir cudurada faafa,abaaro culus,waxana qiimeynaya kana go,aan gaadhaya Golah guurtida kadib marka xukuummaddu sidaa soo jeediso). Fahamka qodobkaasu waa in golaa guurtidu go,aan ka gaadho mudo kordhinta kadib soo jeedinta xukuumada Afaadaasna laguma darsan( hadii hay,aduu lacag soo shubi waayaan,laguma darsan hadii gudida dorashooyinku khilaaf hadheeyo,hadii xukuumada lacag weydo dorashada lagu qabto ,iwm) ,arimahaas dastuur laguma qoro waayo baarlamaan barlamaan baa bedela madaxweynana madaxweynaa bedela .

Qodobka 83 aad – Faqradiisa 5-aad waxey ku waa jibinaysaa Golaa guurtida in ay u kordhiyaan muddada madaxweynaa hadii ay suurtoobi weydo dorashadu waxanuu u dhiganyey sidan( hadii ay suurtoobi weydo duruufo laxidhiidha nabadgalyada darteed in laqabto doorashadii Madaxweynaa iyo kuxigeenka Madaxweynaa marka muddada xilkoodu dhamaato,waxaa Golaa Guurtida Waajibku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo kuxigeenka Madaxweynaa,iyaga oo tixgalinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo;doorashaduna ku qabsoomi karto.

Duruufaa qodobkanu duu duubey waxaa qeexaya qodobka 42- ee kor aan ku xusney kana hadlay muda kordhinta barlamaanka .

Hadaba su,aasha soo baxeysaa waxey tahey yaa u kordhinaya guurtida hadii doorashadoodu dib u dhacdo duruufahaas dartood ama se hadii duruufahaas la sheegay qaar aan aheyni dib u dhigaan doorashada maxaa tala ah mase jirtaa in gole kamida golayaash qaranku mudo uu sii heyn karo xilka iyadoon duruufahaasu jirin distoorkuna u ogolaadey taas oo hadii ay jirto gulayaasha kalana ka dabqadan karaan waayo distoorku wuu is fasiraa?

Wey iska cadey in golaa gurtidu uu isu kordhinaayo isagu iyadoo uu soo jeedinaayo madaxweynuu waana habka loo Raacey mudda kordhinta golaa wakiilada ,waxaaneynu ogney in golaa guurtidu muddadiisu tahey 6 sano uu mar walba ka danbeynayo golaha fulinta iyo wakiiladaba sanad ,waa sida distoorka ku qoran sababtuna waa xaqaa dastuurku siiyey ee kordhinta ama isagu heysu kordhiyo duruufa jira aw good ama cid kale how kordhiyee waxaana larabaa inaanu marnaba qaranku hogaan waayin .

Wey jirtaa in gole isagoon duruufaahaa distoorku sheegay aaney jirin in uu sii heyn karo xilkaa bal qodobkan eeg Buuqba madhasheen hadii aad loo fahmee:

Qodabkaasu waa Qodobka 56 oo ka hadlaaya kala dirida wakiilada waxaanuu sheegayaa sedan:

inuu madaxweynuu kala diri karo golaa ama golaa laftiisu is kala diri karo arintaas oo doorasho ka dhalaneyso mudeysan oo ah lixdan cisho guda hood oo madaxweynuu baahinayo lakiin hadii muddadu ay qabsoomi weydo iyadoo golahaasu isagu iskii isu kala direy maxakamada dastuurkuna go,aan ka soo saartey ama madaxweynuu uu aftiqaran ku helay kala diridooda taas oo ka dhigeysa golahaa mid umadoo dhami diidey ama isagu kartila,laan iyo xilgudasha la,aan isku soo oogey ayaa hadana distoorku leeyey hasii fadhiyo hadii muddada 60 ka cisho ah laga gaadhsiin waayo taas oo u banayneyn madaxweynaa ama shacabkaba ama maxakammada dastuurigaba in ay soo fadhiisiyaan golaa wakiilada cid aan kuwii hore aheyn ee waxma tarayasha shacabku ku si feeyey ama iyaguba isku sifeeyey

arintaasuna waxey ku cadey Qodobka 56 aad faqradiisa 6- oo leh(hadii aftida qaranku taageri weydo kala dirida golaha Wakiilada,ama doorashadu qabsoomi weydo.Golahii hore ayaa xilka sii heynaya.)

Halkaa waxa kacad inan wax duruufa la sheegin oo la diidanyey in xilkaasi cidla ku soo dhaco xataa haduu ninka hayaa uu yidhaa iga qabta dastuurkuna cid anu markaa ku bedelin waxaa la leeyey sii hey ilaa inta mid kale aanu ka dooraneyno xaqna waa loogu leeyey hadii kale wuxuu noqonayaa nin dalkiisa hagraday .


Su,aasha sadexaad ee ah yaa jagada madaxweynaa buuxin kara waxaa ka jawaabaya Qodobka 91aad ee dastuurka oo ka hadlaaya awoodaa madaxweyne ku xigeenka faqradiisa 3aad oo u dhigan sedan( Madaxweyna ku xigeenku wuxuu awood u leyey qabashada xilka Madaxweyna nimada kolka ay jagadu banaanaato sababahan dartood:

b- Iscasilaad(xilka tegid) Madaxweynaha

t- Xukun danbi ah oo xilka lagaga xayuubiyey.

j- marka uu howshii loo doortey gudan waayo caafimaad –daro darted.

x- geeri ku timaada.

Hadii xaladahaas kor ku xusan ay ku yimaadaan Madaxweyne ku xigeenka waxa uu Madaxweynuu ka soo dhexdooranayaa Wakiilada xubin ka mida siduu u noqdo Maxadweyne ku xigeen Waxana an saxinaaya labada gole Guurtida iyo Wakiilada.

Suu,aasha afraad ee ah Gormaa Gudoomiyaa golaha guurtidu xaq u leeyey inuu qabto jagada Madaxweynaa iyo Madaxweye ku xigeenka oo isla socda waxaa inoo cadeynaya qodobka dastuurka 89 aad Faqradiisa 4 aad oo leh sidan:

( hadii madaxweynaa iyo kuxigeenka Madaxweynaa isku mar ku timaado xaalad kamid ah xaaladaha kusheegan Qodobka

86 aad oo ah( geeri , maamuska xayuunbin , cafimaad daro) waxaa xilka Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u heynaya Gudoomiyaha Golaha guurtida .Waxaana lagu qaban donaa dorashada Madaxweynaa iyo Madaxweyna ku xigeenka mudo 60 maalmood gudahooda oo ka bilaabmeysa maalinta xaaladu sugnaatey)

Markaas oo kaliya ayuu qaban karaa Gudoomiyaa Golaha guurtidu xilka madaxweynaa iyo madaxweyna ku xigeenka

Oo isla socda. Halkaa rayi fiqiya oo qanuuniya ayaa inoo ga soo baxayaa ,kolkaan is weydiino su,aashan hadii Gudoomiyuu uu Ka gaadhsiin waayo Doorashada maxa dhacaya iyadoon duruufii distoorku sheegay aaney jirin ,jawaabtu waa cadey isagaa sii heynaya xilka Madaxweynaa ilaa inta laga qabanayo doorasho xisbiyadu ku tartamaan hadii aanuu si ula kaca arintaa u sameyn oo labada gole oo uu gudoominayo Gudoomiyaa maxakamada sare aney ku soo oo gin maamuus kaxayuubin sidaasu hadey dhacdana waxa jagada buuxinaya oo noqonaya Madaxweyne iyo Gudoomiyaa Golaa guurtida ku xigeenkiisa oo isna qaban qaabinaya doorashada mudo 60 cisho gudahooda.

Su,aasha shanaad ee ah, hore maxa inoogu caada aheyd marka ay arintan oo kale dhacdo arintaasu waa iska cadey oo waxaa caado curfi (habdhaqan joogta ah) isu bedeshay inoo noqotey in ay Golaa guurtidu kordhiyaan ilaa inta doorasho laga gaadhayo curfigaana waxaan ku dhaqaney kolkii muddada loo kordhiyey Marxuumki Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,waxaa kaloon ku dhaqaney kolkii muddada loo kordhiyey Barlamaankii kan ka horeeyey, waxaa kaloo ku dhaqaney kolkii muddada loo kordhiyey Golayaashii Degaanka ,waxaa ka loo kudhaqaney kolkii muddada loo kordhiyey Golaa Guurtida iyo Madaxweyne Dahir iyo ku xigeenkiisa mar walbana waxaa keenaysay duruufo aaney ku eedeyn Gudida doorashooyinku Madaxweynaa iyo ku xigeenka in ay carqalad ku yihiin doorashada .

Hadaba hore waxaan u nidhi dastuurka hadii laga waayo qodob xaliya mushkilad ina la soo gudboonaatay waxan u noqoneynaa melaa laga soo qaato dastuurka oo uu ka midyey (curfigu) oo ah caado in badan lagu dhaqmey oo isu rogtey curfi Dastuuriya oo ah sida xaaladan ina hortaala waana arin inuu ku qanco ay tahey ninka aan ku qancin waxaas oo qodoba ah ee aan soo sheegnay .

Gabagabadii waxa haboon inaan axsaabta qaranku muran madhaleysa waqtiga isaga lumin dalkanu gudi doorashuu leeyey deeqbixiyaaal kor kala socdaa jira waxaa haboon in hawlaa dorashada la dardar galiyo loona wada guntado Sidii dalka doorasho uga dhici laheydna laga wada shaqeeyo hadii laga gaadhsiiyo 29 march waa sidii larabey hadii laga gaadhsiin waayo waa in ay cadeeyaan arintaa gudida doorashadu Guurtiduna waa jibaad keeda distooriga ah qaado iyadoo mudada la kordhinayo kala tashaneysa sadexda xisbi qaran , gudida doorashooyinka iyo xukuumada kadibna waxaa waajib ku ah Golaa guurtida in uu xilka u kordhiyo Madaxweynaa iyo ku Xigeenkiisa sida uu dhigayo

Qodobka 83 aad faqradiisa 5 aad oo u dhigan sedan (hadii ay suurtoobiweydo duruufo la xidhiidha nabadgalyada darted in laqabto doorashadii Madaxweynaa iyo ku Xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhamaato,waxa Golaa Guurtida waajibku ah in ay muddadii xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaa iyaga oo tixgalinaaya muddada dhibaatada lagaga bixi karo;dorashaduna ku qabsoomi karto).

Sidaa halkaa ka cad kordhini waa lama huraan waayo xilkaa uma banana cid kaloo qabankarta hadii aan Madaxweynaa iyo ku Xigeenkiisa lagu soo oogeyn maamuuska xayuubin ,wixi halkaa loo sii qod qodaa ee kaleba waa waqti lumis.

Qolada mucaaradkana waxaa ku haboon inaaney hun gureyn mansabkaa waayo hadii ay xitaa ku helaan doorasho mudo bil gudaheeda ayuu distoorku shegayaa in Madaxweynaa iyo ku xigeenkiisu sii heynkaraan xilka ilaa inta lagala wareegayo waa sida uu dhigayo dastuurka Qodobkiisa 83aad Faqradiisa 3 aad.

kolkaa hadii isagoo xisbi helay doorashada hadana dastuurku uu sheegayo in qoladii hore ay sii heynkarto mudda bila ,tana waa tu ka sii fog waayo kursi nin loo doortey nin aan loo dooran loogama kiciyo ee waqtiga doorashada heysku dheeray nina meel aan laga kaluumeysana haka kaluu meysanina.




Allaa mahadle
 

 

 

Abdillaahi Nour hassan
Qahira