Maxaa sababay Guuldarada Xisbiga
Kulmiye?
Doorashadan
2021 ee ka dhacday Somaliland waxay si cad u fayday
liicitaanka awoodeed ee Xisbiga Kulmiye, tan waxaa sabab u ah
dhaqamada iyo ficilada taban ee dalka ka dhacay mudadii afarta sanno
ahayd ee Muuse Biixi dalka hogaaminayay, kuwaasoo aan ka xusin karo,
la wareegitaankii aan sharciyada waafaqsanayn ee shirkadihii
ganacsiga Shidaalka ee Haamaha Berbera, xidhitaankii shirkadihiii
Diyaaradaha ee Al-carabiya iyo Fly Dubai,
sifihii sharci darada ahaa
ee lagula wareegay Hargeisa Club, muwaadiniintii sida xaqdarada ah
xooga loogala wareegay dhulkoodii, dadkii birma-gaydada ahaa iyo
halgamayaashii dalkani lahaayeen oo jeelasha lays kaga amuugay sifo
aan sharci ahayn, dagaalkii lagu qaaday akhyaartii Kulmiye
halbawlaha u ahaa, kana tirsanaa dawladii Axmed Siil aanyo,
isla
markaana ahaa raggii Muuse Biixi laftiisa dhisay, ee sababta u ahaa
inuu maanta halkan joogo, IYADOO IIN LEH BAAN AMAANAYEE, ABAAL
DARANAA .
Waxaa kaloo dhaqamada dawladnimada ka aradan ka mid ahaa,
quluubta
dadkana quusta geliyay, khudbadaha hogaamiyaha maanta jooga oo aan
ahayn kuwii hogaamiye mudakar ah laga fili karayay, inta badana ah,
kuwo aad u hooseeya mustawe ahaan, in badan oo taageerayaashii
xisbiga ahaana oo ka mid ahay rajo beel geliyay, khudbadahaas oo
qaarkood aan anigu goob joog ka ahaa, waxaanan ka xusi karaa kuwan
soo socda:-
1. Tii uu dadkii soo doortay ku lahaa fartiinaad eedi doontaan oo
Gurigisa ahayd aniguna an fadhiiyay.
2. Tii uu ku lahaa dawladani waa
Dawlad Huuno ah,
oo Huuno u
dhalatay marku xilka kala wareegayay
Axmed Sil aanyo oo anigu
fadhiiyay xaflada xilwareejinta
3. Tii uu ku lahaa waxaan ahay
Caaqil Beeleed
4. Tii uu ku lahaa Beeshii laga adkaaday
iyo Beeshii guulaysatay.
5. Sida loo soo xulay xubnihi Golaha dheexe Kulmiye laysagana
Foogeyay Xisbiyahankii..
6. qaar kaloo badan halkan ku soo koobi karin
Dhamaanba arimahaasi waxay sabab u noqdeen hagaaska iyo lafjabka
Xisbiga Kulmiye haleelay maanta, kaasoo saameyn tabana ku reebay
himiladii aanu ka lahayn asaasitaankii Xisbigan Kulmiye , mana ahaa
wax la aqbali ka ro in sidan Xisbiga lagu sii daawado, waxaan ka mid
ahaa raggii horseedka u ahaa asaasitaankii iyo hanaqaadkii xisbiga
Kulmiye, waxan ka mid ahaa Guddidi Guud Idacadi Horyaal.waxan ka mid
ahaa Guddidi olalaha Gobolka Tog dheer waliba raga ku suntan kenayna
Codka Gobolka Togdheer waanay i damqaysaa inaan sii fiirsado
xisbigii tac abka, maskaxda, muruqa, maalka iyo waqtigaba aan geliyay
oo hortayda ku hoobanaya, damqashadan waxaa ila qaba in badan oo
mulkiilayaashii xisbiga ah oo Bari iyo Galbeedba jooga.
Gunaanadkii, waxaa ii muuqata in la joogo waqtigii la badbaadin
lahaa Xusbiga Kulmiye iyo dalkaba, waxaanan ug u baaqayaa in
haldoorka Kulmiye ee aragtida fiyoobi ay arintaas iska arkaan, ka
hawlgalaan, si loo qaato go’aam o istraatiijik ah, oo geesinimo iyo
wadaniyad leh, oo lagu badbaadinayo Xisbiga Kulmiye, laguna soo
celinayo sha raftii, karaamadii iyo mustawihii sare ee xisbiga
Kulmiye lahaan jiray.
Wa Bilaahi Towfiiq
Qalinkii xubin ka mida Guddidi Olalaha Xisbiga Kulmiye G Togdheer
dorashadi Madaxtooyada .
Mubaarik Yuusuf Bidhi,
UK.
|