Maxaa keenay in Raage Cabdilaahi Oomaar ka tago BBC oo uu u wareego Al-Jazeera?

 

Raage Oomaar


“Horta, Anigu England baan ku soo koray, Aniga oo Shan jir ilaa Lix Jir ah ayaan halkaa tegay oo Waxbarashadaydii Dugsiga iyo Jaamacadda halkaas ayaan ku soo qaatay.

Markaa marnaba Anigu maan filayn in aan Suxufi noqdo, waxaan islahaa Qareen baad noqon doontaa ama qof Dhaqaalaha barta. Laakiin, Reerkayagu sida reeraha kale waxa la dhegaysan jiray Laanta Af-ka Soomaaliga ee BBC-da, markaa Dunida waxa ka dhacaya ayuun baan aad iyo aad u rabay inaan ogaado oo aan Indhahayga ku soo arko oo aan barto.

Hase ahaatee, markaan Jaamacadda dhiganayay ma jirin Koorasyo Saxaafadeed oo la dhigtaa, kaliya Anigu waan ku dhex dhacay Saxaafadda ee wax aan is-lahaa waad gelaysaa ma ahayn.” Sidaa waxa yidhi Raage Cabdilaahi Oomaar oo ka mid ah Suxufiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee Caalamiga ah, isla markaana ka hawl-gala Telefishanka Al-Jazeera qaybteeda Afka Ingiriisiga oo waqtigan fasax shaqo ku jooga Magaalada Hargeysa, kaas oo Waraysi siiyay Wargeyska Ogaal.

Raage Cabdilaahi Oomaar oo hadda fasax ku yimi dalka, ayaa sheegay in uu Warbixino dalka ka diyaarin doono bisha saddexaad ee sanadka cusub, isla markaana uu dalka dib ugu soo noqon doono. Waxaanu ka war bixiyay sababta u sahashay in uu noqdo Suxufi heer Caalami ah, waxyaabihii uu kala kulmay Afgembigii Maraykanka ee Maamulkii Saddaam Xuseen ee Ciraaq, waqtigaas oo uu halkaa ku sugnaa iyo mustaqbalka SIyaasadeed ee dalkaas.

Waraysiga uu Ogaal la yeeshay Raage Cabdilaahi Oomaar iyo jawaabihii uu ka bixiyay wuxuu u dhacay sidan;

S: Raage, waxa jira dhalinyaro jecel inay noqdaan Suxufiyiin heer Caalami ah sidaada, Jid noocee ah ayaad u soo jeedinaysaa inay maraan?

J: Qofka doonaya in uu Suxufi noqdo ee Hargeysa jooga ama dibedaha u baxay waxaan odhan lahaa imika aad bay idiinku fududahay inaad Suxufi noqotaan. Waxa jira Kamarado yar-yar, Internet-yo iyo Website-yo Wararka la geliyo. Hadda Barnaamijka aan baahiyo ee Witness (Al-Jazeera ka baxa) iyo Barnaamijyada kale inta badan Website-yada ayaanu ka helnaa, maaha Shirkado waawayni barnaamijyo ay sameeyeen.

Anigu markaa aad baan ugu dhiirigelin lahaa dhalinyarada doonaya inay Suxufiyiin noqdaan oo ay dedaalaan waxbarasho ahaan. Maaha in qof kaliya oo Soomaali ah ayaa adduunyada laga ogaan karaa oo Magac samaysan kara. Si kasta oo aan dadka u caawin karona waan u caawinayaa.

S: Haddii aanad ku talo-gelin inaad noqoto Suxufi, Dariiq noocma ah ayaa kuu sahlay inaad noqoto Suxufi?

J: Waxa ii sahlay, berigii dalka uu dagaalku ka dhacayay ee 1988 ilaa 1990-kii, ayaan Jaamacadda England ee Oxform ka soo baxay, runtii magac way leedahay, laakiin taasi muhiim maaha. Berigaa Dagaalka waddanka ka dhacay aad looma ogayn, Saxafiyiin badan oo Ajaanib ahina dalka ma imanin, Aniguna waxaan rabay waxa dalkayga ka dhacaya inaan soo arko oo aan wax yar ka qoro.

Markaa Xidhiidh baan la samaystay Idaacadda BBC-da qaybta Raadiyaha, gaar ahaan Barnaamijka Focus On Africa la yidhaahdo. Waxaan ku idhi, Soomaali baan ahay waxaanan doonayaa inaan Caalamka u soo bandhigo dalkayga waxa ka dhacaya.

Aniga ayuun baa Cajalad yar iyo Mikirifoon yar la imi. Jidkaba halkaas ayaan ka bilaabay oo aan Saxaafadda ka galay. Markaa waxaan odhan lahaa Somalia, Somaliland, Jabuuti iyo meel walba mashaakil fara badan ayaa dadka haysta, Warar badan-na way ka dhacayaan ee qofkii raba inuu Suxufi noqdo oo dalalkaa ku nool, way fududahay inuu War duubo oo uu War qoro, Internet-kana laga qoro wixii dhacay.

Ingiriisku wuxuu yidhaahdaa Suxufigu waa Nasiib, markaa Anigu inaan Suxufi noqdo nasiibkayga ayaa I siiyay oo Ilaahay I siiyay. Laakiin, waxaan odhan lahaa qofkii Kamaradda iibsada ee si aqooni ku dheehan tahay u qora Wararka, isla markaana Internet-yada geliya, cid uun baa qaadan doonta Warkaaga, sida Reuters, AP iyo kuwo kale oo halka yar ayaa laga bilaabaa.

S: Dadka qaarkii ayaa marka Raage lagu soo hadal-qaado xusuusan kara Dagaalkii Ciraaq iyo kii Afgaanistaan. Markaa maxaad nooga sheegi kartaa Dagaalladaas?J: Magaalada Baqdaad Ciidamada Maraykanku waxay qabsadeen 9-kii bishii April 2003, Anigu waxaan sii joogay halkaa 14 ilaa 16 maalmood ka dib, dabadeed Aniga iyo afar dhalinyaro ah oo kale oo Suxufiyiin Ingiriis ah aanu Gaadhi kaxaysanay oo aanu Waddada dheer ee Baqdaad ka baxda ee tagta Cammaan, dalka Jordan aanu marnay. Warbixintii ugu dambaysay waxaan ku diray, arrintani (Qabsashada Ciraaq) sidan ku dhammaan mayso.

Ciraaq intaan Dagaalku dhicin waxaan joogay 7 sannadood, waxa kale waqtiyadaa joogay Dhalinyaro Soomaali ah oo kale oo Dawladda Saddaam Xuseen way u ogolayd in ay dalkeeda soo galaan dadka Baasaboor Soomaaliga sitaa, oo maadaama uu dal Muslim ah yahay waa loo furay.

Ciraaqiyiintii aan la joogay nin Ajanebi ah iimay qaadan, ee waxay ii qaateen Qof Muslim ah oo Soomaali ah, aad baanay ii soo dhaweeyeen. Markaaa haddii aad eegto Saxafiyiinta kale ee aan la joogay ee CNN ama BBC ka yimi, sidaa umay geli karayn dalka iyo dhaqanka Ciraaqiga ah. markaad eegto dadka Ciraaqiyiinta ah ee aad guri la joogto waxaad ogaanaysay in aan dadka Ciraaqiyiinta ahi jeclayn Saddaam Xuseen. Laakiin, waxa laga sii necbaa qof Ajaanib ah oo dalka ku soo duulay, kuna qabsaday Xoog uu dalka xukumo (Maraykanka), qof walibana wuu ka soo horjeeday Shiico ha ahaado ama Sunni-ba.

Markaa arrintaas qof kastaaba dunida waa arkayay in waxani (Duullimaadka Maraykan ee Ciraaq) aanay Xorriyad-siin ahayn, sida uu Madaxweyne Bush u sheegay. Anigu maalintaas uu Maraykanku qabsaday sidii aan u arkayay wax is-bedelay ma jiro, baaba’ ka dhashay mooyaane, wax kale oo lagu soo kordhiyay ma jiro, Afgaanistaan-na waa la mid.

S: Laakiin, Raage Buug aad ka qortay Dagaalkaa Ciraaq oo aad u bixisay ‘Maalintii Kacaanka’ waxaad kaga war bixisay dhibta halkaa ka taagnayd…?

J: Horta, walaal dad fara badani waxay ku tilmaamaan (Gelitaankii Maraykanka ee Ciraaq) Dagaal ma ahayn kaasi ee wuxuu ahaa Duullimaad Maraykanku ku duulay Ciraaq. Maalintii Taalladii weynayd ee Saddaam Xuseen soo dhacday, qof Ciraaqiyiinta ka mid ahi wuxuu igu yidhi, ‘Imika Duullimaadkii Maraykanku wuu dhammaaday, ee hadda ayuu bilaabmayaa Dagaalkii Ciraaq.’

Kaasi Dagaal ma ahayn oo Maraykanku cid uu la dagaallamay ma jirin oo way kala yaaceen Ciidankii Ciraaq. Hadda ayuun buu Dagaalkii socdaa, waxaanan filayaa ma dhammaan doono ilaa labaatan sanno ama soddon sano ilaa Waddankaa laga baxo.
 

 

 

 


Wargeyska Ogaal