MAXAA KEENAY IN INGRIISKU MUWAADINIITIISA
UGA DIGO U SAFARKA SOMALILAND ???



Somaliland waxaa loo aqoonsanaa, haatanna loo aqoonsan yahay  dal xasiloon oo nabadgelyo ah oo ka duwan wixii la isku odhan jiray Somaliya. Hase yeeshee dhacdadani DIGNIINTA INGIR IISKU waxay ka dambeysay kadib

markii muddooyinkan dambe isa soo tarayey afduubyo lagu badh-tilmaameedsanayo

muwaadiniita reer galbeedka.


Waxaa xusid muddo dhawayd in dawladda INGRIISKA si weyn loogu dhalliilay kadib
markii muwaadiniin dalka u dhashay oo la afduubay dabadeedna la khaarajiyey

taas oo keentay in Baarlamanka INGIRIISKU ku canaanto xukuumadda oo xitaa loo

yeedhay Raysal wasaaraha Dived Cameron inuu hor yimaaddo golaha si wax looga

weydiiyo dhacdadaa.



Haddaba arrintani ma aha mid siyaasadaysan oo wax lagu yeelayo SUMCADDA

Somaliland. Mana aha mid ka dhalatay ama loo nisbeynayo nabadgelyo darro

ka jirta gudaha somaliland balse waa mid la xidhiidha cabsi guud oo ka soo koradhay

MANDAQADDAN Afrika.



Waana arrin is caadi ah in waddan kasta marka uu ogaado khatar ku soo fool leh

muwaadiniintiis in uu siiyo digniin ah inaanay Dalkaa tegin.



Baaqan digniinta ahina wuxu ka dhashay xoggo uu WARDOONKA SIRTA ee reer

galbeedku ay soo gudbiyeen taas oo dawladduhuna ay ku hawlgelayaan oo

muwaadiniitood uga digayaan HALISTA ku iman karta.


Digniinta ku saabsan somaliland waxa ka horreeyey oo dhawaan sidaa si la mid ah

looga digay muwaadiinta Reer galbeedka in ay safar ku tagaan dalka LIIBIYA.



Wa billaahi Tawfiiq

 



CALI XARUURI

Holland