Maxaa kala qabsaday mudalabkii iyo ninkii
hudheelka soo galay?
Sidaan sheeko ku maqlay,waxa la
yidhi nin baa soo galay hudheel,si uu cunto uga dalba
do,naftiisana u baahi tiro.wuxuuna dabadeed u yeedhay inankii
mudalabka ahaa ee hud heelka ka dhex shaqeynaayey,wuxuuna ku
yidhi MAXAA YAALA,wuxu u sheegay isaga oo deg,deg u a akhriyaaya
cuntooyinkii kala duwan oo hudheelka lagu hayey.wuxuuna ku sheegay
mudalabku luqada ingiriisiga,taasi oo aanu ninkuna aad u
aqoonin.ninkii mar kii uu waxba ka garan waayey waxyaabihii
badnaa ee loo sheegay,wuxuu go,aansaday in uu mid uun ku
nasiibiyo,tiibaana loo keenay uu ku nasiibiyey. Haddaba siday wax u
dhaceen?
Waxa dhacday in ninkii loo keenay nooc cuntoo oo aanu
jecleysan,isaga oo xaaladaa ku jira ,ayeyna niman kale soo galeen
hudheelkii oo ay weliba soo ag fadhisteen,dabadeed sidiisii oo kale
ayey mudalabkii u yeedheen,mudalabkiina wuxu af ingiriisi ku sheegay
wixii uu hayey sidii markii hore oo kale,haddaba ileen iyagu waa
niman ingiriisaga yaqaane e,waxay dalbadeen cunto hilib ku
jiro,ninkii kalena intaasi hoosta ayuu kala socdaa sida ay wax u
dalbadeen iyo waxa loo keenayba.qadar yar kadib nimankii danbe ayaa
u baa hday in kale oo dheeraad ah dabadeed waxay u yeedheen
mudalabkii,waxaanay ku yidh aahdeen “AGAIN”.kadibna
mudalabkii ayaa iska dhaqaaqay isaga u fahmay in la leeyah ay
intii hore oo kale ku soo celi,kadibna wuu u keenay
Ninkii kale oo isna la socday siday wax u dhacayeen, ayaa mooday in
kalmada again ay tahay hilib,kadibna inta uu mudalabkii u yeedhay
ayuu ku yidhi “AGAIN”. mudalabkiina
inta uu ka tagay ayuu mid la mid ah rashiinkiisii hore ee aanu
jecleysan u keenay.
Intaasi ka dib ninkii ayaa kor u baaday isaga
oo ku dhawaaqay miyaanan isku “again”
aheyn, ma cadaalad baa sidani
Abdifataaah Mohamd
Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com |
|