Masuuliyiinta Xisbiga UCID Iyo Guddoomiyaha Wakiilada Oo La Kulmay Reer Bristol

 

Waxaa galabtii Axadii ay taariikhdu ahayd 01/03/09 ka dhacay magaalada Bristol shir si heer sare ah loo soo agaasimay kana soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo markuu hoollki buuxsamay dadku meelwalba taagnaayeen. Shirka waxaa marti ku ahaa hogaanka ugu sareeya ee xisbiga Qaranka Somaliland ee UCID sida Gudoomiyaha Xisbiga ahna murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane A/raxman Maxamed Abdilahi (Ciro), Gudoomiye ku xigeenka Ururka Mudane Adan Mire Waqaf, Murashaxa madaxweyne ku xigeenka Mudane Dr Maxamed Rashiid iyo madax kale oo xisbiga ka tisan.
Waxaa ayaguna shirka gasoo qayb galay xubno kamida masuuliyiinta labada xisbi qaran ee Kulmiye iyo Udub



Shirkaa oo si qurux badan looga soo shaqeeyay qof walbana la siinaayay waqti kooban oo uu ku hadlo ujeedada hadalkiisana ku soo kobo ayaa waxaa si layaableh u daadihinaayay Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo ka mid ah madaxda xisbiga degana magaalada Bristol.

Isbarasho ka dib waxaa microphoneka lagu soo dhoweeyay Mudane Xasan xaaji si uu qoraanka kariimka ah ugu bilaabo halkaana wuxuu ka akhriyay suuratul casri oo gaaban laakiin macnaweyn ugu fadhida dadka muslimka ah.

Waxaa quraanka ka dib halkaa ka jeediyay hadal muhiima oo soo dhoweynta waftiga ku saabsan labada oday eek ala mudane Cusmaan Gahayr oo ah xubin golaa dhexe ee xisbiga ka mida iyo mudane Xasan Haruun waxaanay ayagoo ku hadlaya magaca bulshaweynta Somaliland ee reer Bristol soo dhoweeyeen waftigii balaadhnaa ee halkaa marayay.


Intaa kadib waxaa hadalkii lagu soo dhoweeyay Mudane Maxamed Ibrahim (Qabo) oo ah xohaya garsoorka ee xisbiga waxaanuu jeediyay warbixin gaaban nuxurkeeduna ahaa in garsoorka iyo cadaaladu ay liidato Somaaliland loona baahanyay in la saxo.

Waxaa dabadeed Microphonkii lagu soo dhoweeyay gudoomiye xigeenka ururka mudane Adan mire Waqaf oo runtii halkaa ka jeediyay hadal aad dadku ula dhaceen dardaaran badana u soo jeediyay dadka reer Somaliland gaar ahaan qurba jooga kuna booriyay inaanay iloobin dalkoodii iyo mustaqbalka caruurtooda qofwalbana ku dadaalo sidii uga qayb qaadan lahaa horumarka wadanka.

Waxaa iyaguna halkaa hadalo aan la iloobi Karin ka jeediyay qaar ka mida haweenkii ka soo qayb galay shirka oo isagu jira xubno xisbiga jagooyin ka haya iyo dadweynaa caadiga ahba. Waxaa ka mid ahaa xubnii halkaa ka hadlayMarwo Zaynab Sahardiid oo si runtii khudbad qiimo badan oo guubaabo u badan halkaa kazoo jeedisay.

Waxaa markaa ka dib hadalkii lagu soo dhoweeyay gudoomiyaha barlamaanka Somaliland mudane Maxamed A/laahi (Ciro) Ciro wuxuu si kooban uga waramay dalkii iyo halka uu maraayo iminka iyo in wadanku u baahanyay hogaan fiican oo mustaqbalka wadanka haga, waxaa kaloo uu ka warbixiyay baarlamaanka Somaliland ee uu madax u yahay iyo waxqabadkiisa iyo weliba carqaladii ka horyimi ayadoo wuxuu sheegayay ka mid ahayd in ay sameeyeen ugu yaraan ilaa 12 xeer oo wada dhaqan galay.

Hagaha shirka Mudane Khadar xuseen waxa uu intaa ka dib ku soo dhoweeyaya hadalka murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga mudane Dr Maxamed Rashiid. Dr Maxamed Rashiid Wuxuu kahadlay taariikhdii hore ee Somaliland laga soo bilaabo gumaysigii ingiriiska ka hor, waqtigii ingirisska, xilgii SNM, wixii kadanbeeyay 1991kii iyo mustaqbalka halka aynu higsanayno wuxuu sheegay in aynaan joogin halkii ay ahayd inaynu joogno laakiin weli fursad fiican aynu haysano loona baahanyay inaynu ka faa’idaysano qaladaadkeena si aynu mustaqbal fiican u higsano.

Ugu danbayntii Waxaa hadalka ku soo dhowaaday gudoomiyaha xisbiga ahna murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe oo aad loo sugaayay waxaana lagu soo dhoweeyay sacab aad u badan iyo mashxarad.

Gudoomiyuu wuxuu hadalkiisii ku bilaabay inuu daqiiqadii hore dadka aad uga qosliyo sacab iyo qosolna laysku daro. Wuxuu si qoto dheer oo dareenka dadka soo jiitay uga waramay dalkeenii iyo xaaladiisa dhabta ah, wuxuu dadkii ku booriyay in gacmaa lays qabsado oo qof walba halkiisa safiir ka ahaado dhiirin iyo baraarijin ka dib wuxuu u soo jeestay si xeel dheerna uga waramay barnaamijkooda iyo wax qabadkooda haday ku guulaysataan qabashada hogaanka wadanka. Wuxuu ka waramay waxaa ay ka qabanayaa dhinacwalba iyo sida prioritiga ugu kala leeday iyo mid walba inta ay budgetka ugu talo galeen haday tahay waxbarashada, caafimaadka, beeraha, miyiga, baayacmushtarka, haweenka, dadka laga tirade badanyay iwm.




Isku soo wada duuboo wuxuu ahaa shir u dhacay si layaableh oo aan kelmado lagu cabiri Karin xisbiguna wuxuu soo jeetay dareenkii ka qaybgalayaasha waxaana ka muuqday ka soo qaybgalayaashii farxad iyo raynrayn iyo inay u bogeen qorshaha xisbiga ee mustaqbalka wadanka.


Ibraahim Macalim Adam