Masuuliyiinta Iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI Ayaa Maanta Iyaga Oo isku Duuban Beeniyay Hadal ay Warbaahintu Qortay Oo Ahaa In Khilaaf Ka Dhexjiro


Hargeysa (TNN):- Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga WADDANI ayaa maanta Shir Ay ku qabteen X afiiskooda magaalada hargaysa, waxa ay ku beeniyeen hadalo warbaahinta qaarkood ka qore en taasi oo ay ku tilmaameen in la buun buuniyay.

hadaba masuuliyiintan oo kala ahaa Xubnaha Ugu Sarsareeya ee hogaanka Xisbiga ayaa wax aa ay sheegeen in hadalkaasi aad loo buun buuniyay, guddomiye ku xigeenka Kobaad ee Xisb iga Axmed Muumin Seed oo ugu horeyn ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa waxaa uu yidhi "Sida runtu tahay waxaad ogtihiin in saaka ay jaraa’idada ku soo baxday TVyada qaarkood xalay ka baxday runtii arrin aanu aad ula yaabnay oo aan xisbiga WADDANI ka dhicin, oo ah in hogaan kii laba u kala jabay iyo in khilaaf xisbiga hadheeyay, taas ayaan doonaynaa saaka in aanu u iftiimino Tageerayaasha Xisbiga iyo dhamaan shacbiga reer somaliland ee Jooga Dalka gudda   hiisa Iyo Dibadiisaba inayna caado Ahayn horena aanay u dhicin, in khilaaf soo kala dhex ga lay guddomiye ku xigeenka iyo hogaanka Xisbiga WADDANI waxaa halkan ka muuqda dhama an hogaankii xisbiga waa Qaasim Tubeec oo hogaanka Xisbiga ah, Milgo oo hogaanka xisbiga, guddomiye ku xigeenkii 4aad oo hogaanka xisbiga ah, Mustafe oo isna hogaanka xisbiga ah iyo Xoghayaha Guud Uurcade oo hogaanka xisbiga ah, hogaanka xisbiga waxa naga maqan waa Guddomiyahii Xisbiga, runtii arrinkaasna aad ayaa looga wada xumaaday wax jirana maaha, waxaanan ka raaligelinaynaa cidkasta oo ay dhagahooda ku dhacday" ayuu yidhi Guddomiye Ku xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed.

Dhanka kale isna waxaa ka hadlay guddomiye ku xigeenka 4aad ee xisbiga WADDANI cabdi ra ygal Beegsi oo ahaa guddomiyahii ay warbaahinta qarkood waraysatay, waxaana uu yidhi ”si daa uu guddomiye ku xigeenka 1aad sheegay, shalayto aniga laba kelmadood ayaa iga baxd ay laba kun oo kelmadood ayaa laga dhigay, wixii sawir yaalayna magaalada waa la soo uru uriyay, arrintaasina arrin wax ka jiraan maaha imikana waydinkaa na arkaaya, wan ka mida ysanahay wax dhibaato ah oo jirtaana ma jiraan” Cabdi raygal

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabidlaahi Uurcadde ayaa intaasi kadib isna kalmadiisa ka yidhi munaasibadaas waxaana uu sheegay inayna ka xisbi ahaan caado u lahayn isqab-qabsasho iyo khilaafyo soo kala dhex gala hadaba xoghayaha oo Arimahaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi ”ilaa uruurnimadiisi ilaa maannta xisbiga WADDANI laba qof oo wax yar isku qabsaday ma jirto, waa la doodaa hadana xisbiga WADDANI wax uu isku khilaafa ma jiro, dhanka kale waxaanu canbaareynaynaa hadaanu nahay xisbiga WADDANI oo aanu ku celcelinaynaa faragalinta gobalada bariga lagu hayo siiba Taleex iyo Sool ee uu xukuumadda Somaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay ku hayso ee dadka walaalaha ah ee halkaasi ku wada nool ay doonayso in maalin walba ay dagaal ka dhex rido aad iyo aad ayaan u canbaare ynaynaa, waanan ka xunahay kuwa calooshooda u shaqeystayaasha ah ee ka dhashay umm ad somaliland ee loo adeegsanayo in ay hawlahaas fuliyaan, waxaan hanbalyo u diraynaa ciid anka qaranka jamhuuriyada somaliland oo aanu leenahay xuduuda somaliland bari ilaa galbe ed waa waajib idin saaran in aad ummada ka dhicisaan waxii cadow ah ee soo weeraraya waa nad gudateen xilkiini aad ayaanad u mahdsantahiin ” ayaa uu yidhi Uurcade.

gaba gabadii ayaa isna waxaa halkasi ka hadlay oo cadeeyay inaayna jirin wax khilaafa masu ul ka tirsan xisbiga WADDANI oo lagu magacaabo Mustafe ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan isku duuban yahiin waxyabaha dhagaha bulshada la galinayaana aanay jirin ee ay tahay dad naceyb u qaba xisbigooda mucaarid kastaana uu leeyahay cid neceb markaasna ay rabaan in ummada ay ku diraan oo indhahooda ay ku soo jeediyaan, hadaba isaga oo arimahaasi ka had laya ayaa waxaa uu yidhi ”waxaa xisbigan u caado ah hab dumuquraadiya in afkaarta dhex taala iyo taladaba uu ku kala baxo, haday shirarkiisa tahay heer hogaan heer gole Fulineed iyo heer gole dhexe iyo heer gole shir-weyne, markaas waxaa weeyi oo aanu ognahay kuna qosolnay ilaa xalayto inay xukuumaddu dabada ka riixaysay saxaafadda qaar ka mida, oo ay tidhi buun buuniya.



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland