Masuuliyiin Tira Badan oo Xisbiga UDUB Xilal Kala Duwan Ka Hayay oo Mar Kaliya Maanta Is Wada Casiley

 

Hargeysa (TNN) - Masuuliyiin tira badan oo Xisbil-xaakimka UDUB xilal kala duwan ka hayay, a yaa maanta markaliya ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay Xisbigaasi UDUB ka hayeen, ka dib markii uu Xisbigoodu noqday mid sii hagaasaya,taladiisa ciyaaryahaniin aanay  garanay nini la wareegeen ama gacanta ku dhigeen.

Masuuliyiintan xilalka ay UDUB ka hayeen iska casilay oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Huteel Summer Time ee magaalada Hargeysa oo tira badnaa, waxa hormuud u ahaa Xildhibaan  Yuu suf Kirix oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, Xoghayihii Difaaca iyo nabadgalyada Xisbiga UDUB cabdillaahi Maxamed Jaamac (Carray),Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga arrimaha bulshada UDUB Axmed Cismaan Aw Cabdi, Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga dhaqaaha Xisbiga UDUB Xasan Abiib Maxamed, Farxaan Daa'uud oo ahaa xubin golaha dhexe ee UDUB ka tirsan iyo xubno kale oo fara badan oo isugu jira kuwo golaha dhexe ee  UD UB Xubno ka ahaa iyo kuwo wakhtigan xilal ka hayay UDUB.

Shirka Jaraa'id ee ay xubnahan xilalka kala duwan UDUB ka hayay ay qabteen maanta, waxay si rasmiya ugu shaaciyeen inay iska wada casileen xilalkaas, isla markaana waxay saluug wayn ka muujiyeen qaabka iyo hab-dhaqanka Xisiga UDUB ee ay ka tirsan yihiin. Balse haddana, wa xay ku doodeen inaanay udub ka bixin ee ay Xisbiga UDUB dhexdiisa ku dagaalamayaan  siya asad ahaan.

Ugu Horreyn Xoghayihii difaaca iyo nabadgalyada Xisbiga UDUB Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Carray),oo kulankaa ka hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; "Xisbigayagii UDUB, Xisbigii uu ahaa maaha, Xisbigii wuu isbeddalay, meel uu ku socdana ma garanayno. mawaxaad aragteen koox kooxdaadii ah, oo garammadaadii ku ciyaaraysa oo aanad haddana dadka kubbadda kuu ciyaaraya aanad midh ka garanaynin. Xisbigii UDUB sidaas ayuu noqday oo dadka maanta wata qof annagayagaasi UDUB ahi ka garan mayno. markaa Xisbigii UDUB sidii Riwaayaddii aw Bustaale ee ay ku jirtay Sheekhi wuu hagaasay, hagaasay, sii hagaasay, dabadeedna wuu madhay weeye, oo UDUB Wuu hagaasay, hagaasay oo inuu kidinka ka baxo ayuunbaa u hadhay." Sidaa ayuu yidhi Mr. Carray, waxaanu isaga oo ku dhawaaqaya is-casil aaddiisa yidhi;

"Xilkii aan UDUB ka hayay ee xoghayaha nabadgalyada iyo difaaca intaan hayay dambigii aan ku galay Illaahay hayga saamaxo, inta dambena laga bilaabo maanta oo ay bisha May 29  tah ay, waan iska casilay. UDUB-na kamaanaan bixin ee dhexdeeda ayaannu ku dagaallamaynaa. Waxaannu noqon gaadhay sidii Saddaam Xuseen oo Ciraaq dabaabaad iyo Hub khatar ah ayay haysatay, markii isbahaysigu soo galay meel ay mareen ciidamadii khatarta ahaa iyo  Dabaaba adkii Ciraaq waa lawaayay, wuxuunbaynu aragnay Saddaam oo god lag soo saaray oo aan la garanayn oo ilkihiisa toosh lagu hayo oo la leeyahay Saddaam ma yaha mise waa nin  kal e,imaka marbaa la odhan gaadhay waar ninkani Carray ma yahay inta toosh afka nalagaga qabto. Inta maanta UDUB hor ordaysana waxaan u sheegayaa inay Sidaa Saddaam inta god laga soo saaro la arki doono iyada oo Toosh afka lagaga hayo...."

Xildhibaan Yuusuf Kirix, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Golihii dhexe ee ugu horreeyey ee Xisbiga UDUB yeesho, ka dibna ka mid noqday mudanayaashii Golaha  deega anka ugu tartamay UDUB ee guulaystay, waxaanu sheegay inuu maanta laga bilaabo iska  cas ilay xubinnimadii golaha dhexe ee UDUB. "Laga bilaabo maanta waxaan iska casilay  xubinnim adii golaha dhexe ee Xisbiga UDUB oo aan aasaasayaashii seeska u dhigay ka mid ahaa. ka dib markii hore iyo dib midna u socon-waayay, siyaasaddiisina noqotay mid ka duwan tii Xisbigaas aanu u ku dhisnay." ayuu yidhi Xildhibaan Yuusuf Kirin.

Guud ahaan xubnaha magacyadooda kor aynu ku xusna, ayaa iyaguna si mid mid ah ugu  dha waaqay iscasillaaddooda, shaaciyeyna inay xisbiga udub xilalkii ay ka heyeen iska casileen  Sa btida maanta oo ay bisha May tahay 29. Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa iscasillaaddoda kaga dhawaaqay qaar ka mid ah Garabbada Haweenka iyo dhalinyarada Xisbiga UDUB ee heer  Deg mo, XOghayayaal iyo Guddoomiye Waaxeedyada Degmooyinka Caasimadda Qaarkood.

Masuuliyiintan is-casilay waxay sheegeen inay dad fara badan oo taageerayaal ah oo kala  jo oga Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Hargeysa masayrkoodii dusha ku sideen, isla  marka ana beena badan oo hore u sheegeen. Hase ahaatee, xaqiiqadi tahay tan maanta hortaalla ee ah inay is-casileen ka dib markii ay dadkaas iyo danohooda gaarka ah iyo tantii Xisbiga midina ka muuqan wayday UDUB dhexdiisa. Waxay xuseen masuuliyiintani inay dhawaan shaacin  doo naan halka ay dhigayaan lafahooda iyo ummadda ay masayrkooda siyaasadeed masuuliyaddu ka saaran tahay.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee dhawaanahan Masuuliyiin intaa tira le'eg oo ka tirsan Xisbiga UDUB, Xilalna ka hayay ay mar qudha ku wada dhawaaqaan inay iska  casil een xilalkii ay ka hayeen Xisbitga talada haya ee UDUB.
 


Source:Berbera News