Masuuliyiin
ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo soo dhaweeyay Baaq ay soo saareen
Qurba-joogga Saaxil
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
Hargeysa March 31st, 2010 (TNN)- Masuulliyiin ka Tirsan
Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweey ey Baaq ay soo Saareen
Qurbo-jooga Reer Saaxil ee Birmingham.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo masuulliyiin ka tirsan xisbiga
KULMIYE ee ka soo jeeda gobol ka Saaxil, ayaa soo dhaweeyey
Shir ay isugu yimaadeen xubno ka soo jeeda Saaxil oo dha waan
ku qabsoomay Dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaallada Birmingham,
kaasoo ujeedadiisu ahayd baaq kusocda dadweynaha reer Saaxil oo ku
saabsanaa inay ka qayqaataan isbedel dalka ka dhaca, islamarkaana si
buuxda u taageeraan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.
Kullan ay isugu yimaaeen xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,
Guddoomiyaha Warbaahinta u qaabil san KULMIYE Maxamed Cilmi
Aadan iyo Axmed Cali Nuur oo ka tirsan xisbiga, ayaa kullan ay ku
qabteen Hudheelka Xaraf waxay hambalyo iyo bogaadin u direen shir ay
dhawaan isugu yimaadeen xubno reer Saaxil ah oo isugu jiray rag iyo
haween, kaasoo baaq loogu jeediyey dadweynaha ku abtirsada Saaxil
inay qayb ka noqdaan isbedel dalka ka qabsooma.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ujeedada kullankooda ka hadlay,
ayaa waxa uu hadalkiisa oo dhammaystirani u dhignaa sidan “Waxaan
doonayaa inaan halkan hambalyo iyo sallaan diiran oo aad u qiime
badan uga diro rag iyo haween ka soo jeeda gobolka Saaxil, oo
dhawaan isu gu yimi shir ka dhacay Birmingham oo guud ahaan
baaq ugu soo jeediyey reer Saaxil in xis biga KULMIYE la
taageero, kuwsoo uu hormood ka yahay odayga
Saleebaan Cumar ku-joog, Mujaahid Maxamed Cabdillaahi
Cabsiiye, Cabdikhaaliq Maxamed Sheekh, Cismaan Nuur, Cumar
Cabdillaahi Yaasiin iyo rag kale oo farobadan oo runtii ka tashaday
aayaha ummadooda oo go’aan ka qaatay aad iyo aadbaan u
hambalyaynayaa, aad iyo aadna waan u soo dhawayn ayaa. Reer
Saaxil waxaan u arkaa inay maanta waayo-arag ka noqdeen dalka waxaa
ka socday, runtiina waxaanu qabnaa rajo-badan taageero badana waanu
u huraynaa. Haddii dalka isbedel ka dhaco horumarka dalka waxaa ugu
horaysa Berbera sida barnaamijkayaga oo dhawaan la sii dayn doono
aanu ugu tallogalnay, mudnaanta uu gobolka Saaxil leeyah ayna
barnaamijkayaga ayaa lagu arki doona.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu dareen rajo leh ka muujiyey
doorashada madaxtooya dda Somaliland ee la filayo inay dhawaan
dalka ka qabsoonto, waxanuu yidhi “Runtii, maanta maalin aan ka rajo
banahay ma jirto, rajadaan qabaana aadbay u badantahay inay
doorash ada adaxtooyadu dhacdo oo weliba ah mid xor iyo xallaal ah,
waxaaku kalsoonahay Komish anka Doorashooyinka, illaa hadda
wax wareen ah oo ka soo baxay ma jirto, hadallada xisbiy ada
aan ka maqlaana waxay muujinayaan in lagu kalsoonyahay iyo
xukuumadduba, guud ahaana waxaad mooda in dalka oo dhammi ku
kalsoonyahay, doorashada w ka horaysa bed ellaada kaadhadhka
oo sid aga dhawaajinayo ay noqoto bisha April, markaa sida
xeerkuqor ayo inay laba billood ka danbayso ayaa la filayaa,
waxaanan ku rajoweynahay bilowga Bisha June inay doorashadu
bilaabanto.”
Source:Somaliland.org
|