Masuuliyada
na saarani waa inaanu garaacno albaab kasta"
Madaxweyne Rayaale

Madaxweynaha Jamhuuriyada
Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo beryahanba socdaalo ku
kala bixinayay dalal ka tirsan qaaradan Yurub imikana ku sugan
Magaalada London ee dalkan Britain ayaa waxa uu maanta kulamo isdaba
joog ah kula yeeshay huteelka uu degan yahay masuuliyiin kala duwan
oo ka kala socday jaaliyadaha Somaliland ee ku nool Magaalooyinka
London, Bristol, Cardiff, iyo Sheffield, iyada oo sidoo kale uu
Madaxweynuhu kulamo sidan oo kale ah la yeeshay masuuliyiin ka
socotay Xisbiyada Qaranka ee Somaliland gaar ahaan Xisbiga UCID iyo
Xisbiga UDUB. Tafatiraha Somali Voice Kaysar Cabdilaahi oo
Madaxweynaha salaan sharaf maanta ugu tagay huteelka uu ka degan
yahay London isla markaas ka qayb galay kulamadaas qaarkood ayaa
warbixintan inooga diyaariyay kulamadaas:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale oo ilka
cadaynaya ayaa kasoo degay qaybta sare ee huteelka ee uu deganaa
waxaana uu salaan ku bilaabay dad badan oo hor dhoobnaa goobta
kulanka oo sugayay inay la kulmaan Madaxweynaha, iyada oo aad
arkaysay dadku inay aad u xiiseynayeen aragtida Madaxweynaha.
Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha oo si firfircoon u kala horayay
dadka huteelka gudahiisa joogay ayaa dadweynaha u sheegay in
Madaxweynuhu uu diyaar u yahay inuu la kulmo dadkiisa, waxaana uu ka
codsaday in ay si koox koox ah ula kulmaan Madaxweynaha maadaama ay
wakhti badan qaadanayso hadii qof kastaa uu doono in uu si gaar ah
uu Madaxweynaha ula kulmo, taasi oo dadka madasha joogayna ay aad
ugu garaabeen.
Ugu horrayn Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la yeeshay
masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB gaar ahaan Gudiga Fulinta ee
Xisbiga UDUB ee dalkan UK, waxaana kulankaasi oo muddo saacad ku
dhow qaatay ay Madaxweynaha iyo xubnaha Xisbigiisu ka wada hadleen
arrimo u gaar ahaa xisbigaasi oo la xidhiidhay kobcinta xisbiga iyo
sida uu xisbigaasi ugu diyaar garoobayo doorashooyinka fooda inagu
soo haya.
Shirkaas ka dib waxa uu hadana Madaxweynuhu la kulmay Masuuliyiin ka
socotay magaalooyinka London, Bristol, Cardiff, iyo Sheffield
waxaana uu uga warramay xaalada guud ee uu imika dalku ku sugan
yahay “ Anaga masuuliyada na saarani waa inaanu dalkayaga u shaqayno
oo aanu garaacno albaab kasta oo aanu u aragno in dani ay noogu
jirto, ka nasan mayno inaanu qadiyadeena gaadhsiino meel kasta oo
aanu gaadhsiin karayno” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo hareeraha
ka fadhiyeen Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil)
iyo Safiirka Somaliland u fadhiya UK Mudane Aadan Muuse Jibriil.
Madaxweynaha oo oo dadka madasha joogay la hadlayay waxa uu
tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshada Somaliland
ee qurbaha ku nooli ay ugu middoobi lahaayeen sidii ay qadiyada
Somaliland uga dhaadhicin lahaayeen dalalka ay joogaan, isla
markaasna gacmaha ay gacmaha isu qabsan lahaayeen ee ay uga qayb
qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarka dalkooda hooyo ee
qaaliga ah ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.
Wasiirka Maaliyada Somaliland Mudane Xuseen Cali Ducaale oo isagu
kulamo gaagaaban si gaar-gaar ah ula yeelanayay dadka reer
Somaliland ee soo booqanayay huteelkan ay wafdiga Madaxweynuhu ku
sugnaayeen ayaa mar uu kulan gaar ah la yeeshay Masuuliyiin ka
socotay Jaaliyada Somaliland ee Bristol oo ay ka mid ahaayeen Caaqil
Maxamuud Cade Gude, Oday Cabdi Gamuute, Axmed Ducaale Qambi, Axmed
Naasir Xirsi Maxamed iyo Kaysar Cabdilaahi ayaa waxa uu wasiirku
tilmaamay in dawlada Somaliland ay xoogga saarto sidii uu dhaqaalaha
Somaliland u noqon lahaa mid deggan, waxaa kale oo uu tilmaamay in
dhaqaalahan hoos u dhacay ee dunida imika ka jiraa uu saamayn
balaadhan ku yeeshay Somaliland, hase yeeshee wasiirku waxa uu
tilmaamay in dadweynaha reer Somaliland ay yihiin qaar iimaan qaba
oo Allahooda isku xidha una sabrra dhibaato kasta oo soo waajahda,
iyaga oo caado ay u tahay reer Somaliland inay dulqaad iyo dedaal
kaga gudbaan dhib kasta oo soo waajahda, waxaana uu sheegay in
dhawaan laga gudbi doono dhaqaale xumada dalka ka jirta, taasi oo uu
tilmaamay in Somaliland ay la qabto dalalka kale dhaqaalo xumidan
imika dunida ka dhacday.
“ Dalalka Afrika miisaaniyadooda waxa la kabaa ugu yaraan inta u
dhaxaysa 40% waxaanay dunida ka helaan caawimo malaayiin ah,
Somaliland ma jirto miisaaniyad ay aduunyadu naga kabto ama dhaqaale
nala siiyaa, hase yeeshee waxaanu isku filaysiinaa waxa aanu
dalkayaga kala soo baxno anaga oo garabsanayna dadweynahaga
geesiyiinta ah, waana taas guusha Somaliland ay ku faani karto ee ay
kaga duwan tahay afrikada la taageero ee hadana daalaa dhacaysaa”
ayuu yidhi wasiirka Maaliyada oo ay kalsooni badani ka muuqatay.
Dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu kulan gaar ah galabta la yeeshay
Safiirrada Somaliland u jooga dalkan UK Mudane Aadan Muuse Jibriil,
Wakiilka Somaliland ee Ireland Mudane Cabdifataax Siciid Axmed Iyo
Safiirka Wareega Mudane Aar, Shirkaasi oo uu gudoominayay Madaxweyne
Rayaale waxaa goob jog ka ahaa wasiirka Arrimaha Debada Mudane
Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirka Maaliyada Mudane Cawil,
waxaana uu Madaxweynuhu ku boorriyay safiirradaas uu la kulmay inay
dardar galiyaan hawlahooda siina laban-laabaan dedaalkooda.
Kaysar Cabdilaahi
Tafatirka Somali Voice
www.thesomalivoice.co.uk
|