Warar tilmaamaya Maslax Max'ed Siyaad Barre oo laga yaabo R/Wasaare in uu noqdo

 

Iyadoo laga dhowrayo maalmaha soo socda madaxweynaha la doortay Shariif Sheekh Axmed in uu soo magacaabo R/Wasaare Cusub ayaa la hadal hayaa in ay soconayaan wada tashiyo uu kaga dhigayo R/wasaarahaasi Maslax Max'ed Siyaad Barre oo wareeggi u danbeeyay shariifka kula loolamay tartanka.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in madaxweyne Shariif sheekh Axmed uu kulamo la leeyahay xubno kala duwan oo uu kala tashanayo hanaanka ay tahay in uu usoo magacaabo R/wasaaraha.

Dad badan ayaa sheegaya inay xooraansi ku heleen Cali Khalif Galleyr ama Maslax Max'ed Siyaad in uu noqon doono R/Wasaaraha isla markaana taasi loo tixgalinayo awood qeybsiga 4.5 ee axdiga dawladda KMG ah uu ku dhisan yahay.

Maslax Max'ed siyaad ayaa kamid ah xubnaha ku cusub masraxa siyaasada Somaliya iyadooda xalay uu ahaa murashaxii wareeggii ugu danbeeyay kula tartamay Shariif Sheekh Axmed.
 

 


Markacadey.net