“Midow
Labaad Oo Sal Sharci Aan Lahayni Waxa Uu Sababa yaa Halaag Ka Xun
Kii Hore, Koonfur Waxa Ku Dhacay Inqilaab Dhaqan Iyo Mid Aqooneed”
Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Kornayl Calas
Hargeysa (TNN) - Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Kornayl
Cabdillaahi Xaaji Jaamac Calas ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan
koonfurta Somalia uu ku dhacay inqilaab dhaqan iyo mid aqooneed,
waxaanu tilmaamay in midow labaad oo dhex mara Somaliland iyo
Somalia oo aa n lahayn sharciyad uu sababayo halaag ka xun kii hore,
isaga oo xubnaha horjoogayaasha ka a h maamulka Khaatumo iyo
Garaadada beesha Dhulbahante ee ka soo horjeeda Somaliland ugu
baaqay in Somaliland ay ku soo laabtaan.
Mr Calas waxa kale oo uu sheegay in masiirka
beesha Dhulbahante aanu oolin Somalia, balse uu yaalo
Somaliland.
Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Kornayl Calas waxa u sidaasi ku
sheegay qoraal uu soo gaadh siiyay wargeyska Haatuf, oo uu fariin
ugu diray kooxda Khaatumo, kaasoo uu
sidoo kale kaga w aramay Ilduufkii midnimadii Somaliland iyo Somalia
dhex martay 1960-kii, nuxurka qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan:-
“Warqad furan oo ku socota madaxda Khaatumo,
mudanayaal marka hore aniga iyo saaxiibaday da Haatuf waxaanu idinka
raali galinaynaa weedhii warqadaydii hore ku jirtay ee ahayd waa ina
ydin u toobad keentaan Somaliland, halkii ay ka ahayd waa inaad u
soo laabataan dalkiina hoo yo ee Somaliland.
Marka labaad waxaan idin leeyahay waar talada siyaasadeed ee
aayatiinka guud ahaanba umm ada Somaliland, gaar ahaana beeshiinu
shalay 1960-kii waxay taalay Xamar, maantase waxa ca d inuu Hargeysa
yaalo, maxaa yeelay eega siday wax u dhaceen, 1960kii iyo siday wax
u socda an maanta. 1960kii waxa Hargeysa laga diray wafti ay ka mid
ahaayeen Maxamed Xaaji Ibraahi m Cigaal, Cali Garaad Jaamac iyo
Axmed Maxamed Qaybe, kuwaas oo Xamar la tagay fikradii bi laa
shuruuda loogu midoobay, Xamarna kumay qancin, maxaa yeelay waxa
joogay siayasiyiin wax la soo baray, siayasadana muddo dheer ku soo
jiray, sida Aadan Cade, Cabdilaahi Ciise, Ca bdi rashiid Cali
Sharma’arke, Juuje, C/risaaq Xaaji xuseen, dabadeed way ka gabadeen
inay ku gacan saydhaan, balse waxay ka soo daba direen wafti sida
warqad qoraala oo ay ku qeexeen in in midnamadu ay u baahan tahay
nidaam, sidaa darteed harta dawlad soo dhista, anaguna dawlad aan
soo dhisano, dabadeed guddi laga xulay labada dawladood ayaa inoo
soo dajin do ona nidaamka midowga, waynu jiidhnay taana sidaana waxa
ku dhisantay dawlad aan sal sharci oo ay isku taagto aan lahayn,
cawaaqibkeediina waa kaynu maanta la jahawareersanahay.
Maanta Hargeysi
waxay taagan tahay midow labaad oo aan mar labaad lahayn sal sharci
oo la gu wada qanacsan yahay, halaagii hore mid ka xun ayuu
sababayaa, sidaa darteed waxaanu ga ranay taladii aanu shalay idinka
diidnay inay ahayd ta saxda ah, sidaa darteed anagu wax ba anu
dhisanay hay kal dawladeed idinkana kooxaha ka guura oo dawlad soo
dhista, markaa ka dibna guddi aynu labada dawladood ka saarnay
nidaamka daris wanaaga midkay doonto haw dhacdee guddi ka so talisa
labada dawladood aynu ka saarno aan ka dayno qarda jeexa,
iyagu na waxay la soo taaganyihiin midnimadu waa muqadas waa
intii dhagahooda ku dhacday, waa yo koonfur waxaa ku dhacay iqilaab
dhaqan iyo mid aqooneed, taladoodana waxa hormood ka ah da’yar aan
aqoon iyo khibrad siyaasadeed aan lahayn.
Sidaa darteed waxaan maanta idin tusayaa taladiinu Hargeysa ayay
taalaa cid aad ka magan sanaysaana ma jirto maskax lagu bad baadayaa
Xamar ma taalo”
source:Haatuf
|