Masuuliyiinta Ha,yada Dhismaha Wadooyinka Somaliland oo dab oolka ka qaadey in la dham e eyay Mashruucii Midowga Yurub ee dib loogu Samaynayo Jidka isku xidha Kalabeydh Iyo Tog-Wajaale

 


Gabiley (TNN)- Gudoomiye Kuxigeenka Ha'yda Dhismaha Wadooyinka Somaliland ee (Road-Athorty), Eng. Xuseen Cabdi Cali , ayaa maanta kala qeyb galey Maayarka Degmada Gabiley, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra-Xaaji geydh) dhameystirka wajigii labaad ee dhismaha jidka dhex ma ra gudaha Magaalada Gabiley, oo maanta intii u danbaysay ee daamurka iyo jeygii lagu shubay.


Jidakaas oo shaqdiisii u danbayasey la gabagabeeya, kadib markii uu hada xidhnaa mudo todobaad ah , oo laga xayirey Gaadiidka dhex mara Gudha Magaalada ayaa, waxa dhameystirkii maanta ka hadley Gudoomiye Kuxigeenka Ha'yda dhismaha Wadooyinka ee Qaranka (Road-Athorty),Eng Xuse en Cabdi Cali ,oo sheegay, in ay u yimaadeen Gabiley sidii ay u eegi lahaayeen tayada daamurka iyo jeyga lagu shubayo dhismaha jidkan gudaha Magaalada taas, oo ay aqoon u leeyihiin islamarkaana, uu yahay mid tayo leh oo mudo badan anfici doona jidkan.

Waxa kale oo ka waramay dedaalka Maamulka D/hoose ee Gabiley, oo ay hurmuud ka tahay Maay arka Gabiley, taas oo loo baahan yahay ayuu yidhi in ay dadweynaha reer Gabiley wax la qabtaan oo ay is barbar taagaan, isagoo uga mahad celiyay howsha ay gacanta ku hayaan, iyo sida ay uga feejigan yihiin tayadeeda, waxaanu carabka ku dhuftey, in ay dhameys tireen qiimaynyta, jidad laga Sameeyo gudaha Magaalada Tog-Wajaale,islamarkaana mashruuceedii la soo bixiyay, dib u dhiska jidka u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh.


Maayarka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Geydh, oo halkaa ka hadashey ayaa, iyaduna faafa ahin ka bixisay wajigii labaad, ee dhameystirka jidkan gudaha Magaalada Gabiley dhex mara, kaas oo ay ku sheegtay in uu noqon jid ku dhex wreega Gudaha Magaalada Gabiley,waxaana kamid ahaa had aladeedii Jidkan oo ah qeybtii labaad ee jidka Gudaha Magaa;lada waataa la dh a meystiray manta, waxaana nalaga qeyb qaatey eegitaankiisa Masuuliyiinta dhismaha Wadooyinka Somaliland ee Ro ad-Athorty oo naga eegayay tayada daamurka iyo jeyga, runtii jidkani waxa uu noqonayaa mid k u dhex wareega gudaha Magaalada Gabiley,waxaana naga balan ah mudada aanu xilka hayno inaan u maalinba talaabo qabanoAyay tidhi  Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis(Khadra Xaaji Geydh).

Waxa kale oo isaguna halkaa ka Hadley Xildhibaan Toyote oo kamid ah xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, waxaana hadaladiisii kamid ahaa.

Anigu shakhsi ahaan Maayar kasta oo halkan yimaada waan la shaqeeyaa, ee kama hor imaado , ill aahay ayaa keenay gabadhii kaliya aheyd ee nagu jirtey, waanay dedaashay oo waataa wax qaban eysa waxaan idin leeyahay yeynaan xaasidine aan la shaqeyno oo aan wax la qabano, waan garab taagnaanayaa aniguAyuu yidhi Xildhibaan Maxumed Ciise Toyote.


Waxa kale oo iyaguna halkaa kahadley Xoghayah Maamulka D/hoose ee Gabiley, C/raxmaan Nuur Abokor, iyo Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan.


Dadweynaha kunool Magaalada Gabiley, ayaa guud ahaanba kusoo xoomay jidkan la dhameys tirey ee wajiga labaad oo dhex mara gudaha Magaalada Gabiley, jidkaas oo ka bilaabma D/hoose , suuqa 8ka Gabiley, ilaa garoonka kubada cagta Magaalada Gabiley.

 

 



Wariye C/raxmaan Nuux Axmed (hiiraan)
Email:hiiraan2007gmail.com