Mashaariicda Biyaha ee Sanadkan u qorsheysan Wasaarada Mac danta Biyaha iyo dadaal la'aan ka muuqata sida aan Biyo loogu baadi goobeyn ta Dhinaca Tog-Wajaale ee Biyo La'aantu Saameysay
 

 



Tog-Wajaale (TNN)-Mashaariicda Biyo galinta dalka Somaliland ee Sanadkan cusub u qorsheysan Wasaar ada Macdanta Iyo Biyaha Somaliland ayaa la sheegay, in ay yihiin kuwii ugu badnaa ee nooceeda ah oo fursad ahaan u soo mara dalka Somaliland.


Islamarkaana, ay Wakhtigan xaadirka ah diyaar u yihiin Qeybo badan oo ka kooban Miisaaniyada iyo khar ashaadka lagu dhaqaajinayo Howlaha Biyaha Magaalooyinka Waaweyn ee dalka Qaarkood Degmooyinka iyo Tuulooyin badan oo dhamaantood katirsan Gobolada dalka, Waxaana sida laga Waraqabo indhawaale u kala amababaxay Gobolo badan oo kamid ah dalka Somaliland, howl-Wadeenada Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland kuwaas oo intooda badani qaadeen ololalaha daraasad lagu soo baadhayo meela ha dib u habeynta iyo biyo galinta u baahan ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka.


Sida aynu ka warqabnana Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, oo dhawaan Warbixin Sanadeedkii Wasaarada Macdanta Biyaha iyo Tamarta siiyay Gudi Hoosaadka Joo gtada ee Golaha Wakiilada Somaliland, islamarkaana ka warbixiyay tirada Ceelasha ay Wasaarad ahaan wax ka qabteen ayaa carabka ku dhuftey in ay ugu yaraan toban Ceel oo kuwa Biyaha laga cabo ah u qodeen Sanadkii tagey Gobolka Maroodi-Jeex ee Caasimada Hargeysa, halka ay sideed kalena u Qodeen Gobolka Togdheer Caasimadiisa Burco, Waxa kale oo Wasiirku sheegay in ay lix iyo toban ceel oo kale ka wadaan dhulka miyiga ah halka tuulooyin badana loo sameeyay baraagaha biyaha lagu keydsado.


Hadaba marka laga Yimaado xogwaranka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland, waxaad moodaa in aanay Warbixinta Wasiirka haba yaraatee meelna kaga jirin Magaala Ganacsiyeeda Tog-Wajaale oo ma rkii bulshadii hore u degenayd awal hore laga qiyaas qaato ay sanadkii 2003dii bisii oktoobar ku soo kord heen dadweyne tira badan oo ku boqol laabmaya intii caadiga u degenayd iyadoo ay Xiligaasina isku soo beegmeen Barakicii Magaaladii Harta Sheekh iyo Biyo, La,aantii sida aadka ah loo dareemay ee Tog-Waja ale, marka si xaqiiq ah loogu dhabo galo inkastoo ay jireen dalabyo iyo balanqaadyo badan oo ay is wey daarsanayeen Xukuumada xiligan, iyo tii hore iyo dadweynaha Reer Tog-Wajaale hadana waxaad, moo daa in aanay qaladka ugu badan laheyn Wakhtigan Wasaarada Macdanta Biyaha iyo Tamartu hase yees hee, beylahda ugu badani ka timid dhinaca Maamulka heer Gobol, iyo Ka Degmo ee Gobolka Gabiley iyo Tog-Wajaale, kuwaas oo aan maalin kaliya u dhaqaaqin in ay si masuuliyadi ka muuqato uga howl galaan mushkilada ku gedaaman Biyo, la' aanata ka taagan Tog-Wajaale ,oo sanad walba marka xiliga dabayaaq ada jiilaaku adkaado aad moodo in ay qabatimeen guud ahaanba dadweynaha ladan iyo Ganacasatada halkaa ku sugani dhaanka Booyadaha oo ay mar kasta camirtaan taangiyada lagu keydiyo Biyaha halka as, oo saameyn badanina kaga soo food saarto guud ahaanba dadka danyarta ah ee ku dhaqan Sabada Tog-Wajaale.


Hadaba marka xogwaranka Biyo La,aanta Deegaanka Tog-Wajaale dhinac laga eego waxa jirey qorshaya al badan oo ay Xukuumadii hore ku hindistey in Biyo loogu soo galiyo Degmada Tog-Wajaale kuwaas oo intooda badan ay si qoto dheer uga howl galeen khubaro aan yareyn oo kala kala socdey Wasaarada Ma cdanta iy Biyaha Somaliland, Hay,ada Unicef, African 70 , Havayoco, Oxform Gb iyo Hay,adao kale kuwaas oo uu intoida badan qeyb ka ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland Eng Axmed Ibraahim Suldaan, waxa marar badan la qorsheeyay in Magaalada Tog-Wajaale Biyaha ay cabey so looga soo qaado dhinaca Degmada Geed-Balaadh oo qiyaastii tobaneeyo Km dhinaca Barri kaga Beega n halkaas oo uu ka qodan yahey Ceelka Biyaha badan ee Geed-Balaadh laakiin Tog-Wajaale mid gaar ah looga qoday halkaasi iyadoo ay Wasaaradu sheegtey in loo adeegsanayo habka dhigsita beebabka biy aha qaada, inkastoo ay qeybo badan oo bulshada ku nool Tog-Wajaale aaminsanaayeen in qorshahaasi uu ka fududaan lahaa Ceel Biyood si wanaagsan sahankiisa loo sugay oo laga qodo Gudaha Magaalada Tog-Wajaale balse, waxey hadana xiligaa Wasaarada Macdanta iyo Biyihu qorsheeyeen in y hadana Mag aalada Tog-Wajaale Biyaha uga soo qaadaan iyadoo la adeegsanayo qorshaha aan kor kusoo sheegnaya nidaamka dhigista Beebabka qaada Biyaha Ceelka Botoreed oo ah ka ugu biyaha badan Deegaanadan oo ay mudooyinkii u danbeysay ku guuleysteen xaqiijintiisa Hay,ada Afrikan 70 iyo Wasaarada Macadnta iyo Biyaha Somaliland.


Sikastaba ha ahaatee marnaba ma suurta galin hindisaayaashaasi biyo galinta loogu baadi goobayay Magaalada Tog-Wajaale ee Dhinaca Somaliland, oo hadii aanay ka badney ay kunool yihiin in ka badan tobaneeyo kun oo qoys, taas oo mar walba sii xoojisay baahida looga biyo, la,aanta culus ee Saameynta ku leh iyadoo, aanay walina muuqanin howlagalo lagaga sii amba qaadey qorshayaashaa hore ee aynu soo xusney.


Agaasimihii Guud ee Wasaarada Macdanta Biyaha Somaliland, Eng Axmed Ibraahim Suldaan oo mudadii Xukuumadii hore booqdey baliyada ay qeybaha ugu badan ee bulshada Tog-Wajaale ka cabaan Biyaha ayaa guud ahaanba ka deyriyay cabitaanka Biyahaasi isagoo xiligaa mid mid u booqdey baliyada Tog-Wajaale, oo wakhtigan aanay biyo kujirin haseyeeshee, ay badanaa ka cabaan Biyaha dadweyne aan la qiyaasi karin oo kunool Gudaha Magaalada Tog-Wajaale iyadoo Biyaha ugu badan ee la caadiyan loo cab aana ay yihiin, kuwa ay booyaduhu kasoo dhaamiyaan Ceelasha Botoreed, iyo Waliba biyaha Ceelka Daanta dhinaca Itoobiya oo aan isaguna ku fileyn Shacbiga labada Magaalo ee Itoobiya iyo Somaliland.

Isku soo Wada duuboo guud ahaanba Gobolka Gabiley, marka si xaquiiq ah looga Waramo majiraan haba yraatee dhaq dhaqaaqyo ku wajahan sidoo loo baadi goobi lahaa in Tog-Wajaale dallka Somaliland la qey bsato Mashaariic Sanadeedka ay Wasaarada Macdanta Biyaha iyo Tamarta Somaliland wado xiligan iya doo, ay ka liidato dhinacyo badan oo ay sabab u yihiin shacbigeeda aqoonyahan Ganacsato,Maamul iyo Qeybaha kale ee Bulshadaba leh oo iyagu u tafa xeydan ka midha dhalinta balanqaadyadii Madexweyna ha ee dhinaca Biyaha iyo ka qeyb galka Mashaariicdaasi Biyaha dalku loogu samaynayo iyo waliba ka had alkooda mana laha Local Ng,oska iyagu u raadiya Degmooykinooda ama Gobolkooda sidii ay ugu soo heli lahaayeen Mashaariicda noocaas hadii la maqlo waala hayaa mooyaane , markaas oo labaatan aan la og eyni ku murmi doonaan.

 

 



Wariye C/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Timacade News Desk
Gabiley Office
Email:hiiraan2007@gmail.com