Maryan Mursal oo Si Qiiroleh uga Warantay Socdaalkeda Hargeysa & Aragtideda Qaddiyada Somaliland

 

"Hormuudkii Nabadee

Umaddu ay kusoo Hirataay

Hillow baa Maanta I keenee

Reer Hargeysoow Soo Nabad Maaha."


Tixdaas gaaban waxa ku hadaaqaysay Fanaanadda Maryan Mursal Ciise Bo otaan oo ay wajigeeda ka muuqatay Qiiro Wadaninimo iyo Shucuur ka turj umaysa Dhulkeeda ay u soo Boholyowday.

Maryan Mursal oo Diyaaraddii ay saarnayd soo Cago dhigatay Gegida diyaaradaha Hargeysa abaarro 10:00 Barqanimo saacada Geeska Afrika, iyada oo ku Labisan Dhar ay ku xardhan yihiin Astaanta qaranka kuna jeeni qaaran Calanka Somaliland.

"Maryaneey soo daadegoo

Billad Dahaba Hoo

Billad Dahaba Hoo."


Ereyadaas oo kamid ah Suugaan Cusub oo ay Kooxaha Fanaaniintu ugu tal o galeen soo dhawaynta Maryan ayaa iyaguna kala hor tegey markii ay Di yaaradda kasoo degtay, Suugaantaas oo Fanaaniintu ku Muujinayeen Jacaylka ay u Qabaan iyo Hilowga ay u soo hilowday.

Maryan ayaa markay indhaha ka qaaday shacbiga sugaya soo dhawaynte eda iyo sida loogu diyaargaroobay ay mar kale indhaheedu qiiro la ilmeeye en iyada oo mid mid salaam kal iyo laab ah qaabishay, weliba ku soo  bood ay iskuna duubtay markay aragtay Abwaano ay kamid yihiin Axmed Salee baan Bide iyo Muuse Cali Faruur oo kamid ahaa hal abuuradii ay badweynt a fanka ku wada jireen beri samaadkii. iyadoo sheegtay inay aad ugu farax san tahay aragtidooda.

Maryan oo ay hareero socdaan boqolaal ka mida dadweynihii soo dhaweey ay iyo Masuuliyiinta sarsare ee xukuumadda ayaa u soo baqoolay dhinaca qolka Nasashada Garoonka iyada oo halkaasna warbaahinta ugu warantay

Ugu Horeyn Maryan oo warfidiyeenadu wax ka waydiiyeen sida dareenkee da iyo Jawiga lagu soo dhaweeyay ay u aragto, waxa ay tidhi "

Reer Somaliland waxaan leeyahay wad isoo dhawayseen, waxaan ka baqa yba Markuu Damiirkaygu kacay inaan dhinto, Sonkor ( Xanuunka Macaanka) baan leeyahay,."

Maryan Mursal waxa kale oo ay sheegtay in Waxyaabaya ay kaga qayb qa adatay Xuskii 18 May ee London ay yihiin wax ay Somaliland gacmaheeda ku qabsatay iyada oo aan cidna gacan siin "

Reer Somalilandoo laakiin waxan aan sheegayo waa wax aad gacantiina ku samaysateen, Nina kama baryaysaan. Soomaaliweyna waxaan leeyahay waa inaad maanta ila taageertaan Ololahay aan Somaliland ugu jiro, Nabad ay Samaysteena waa inaad Kulligiin ila taageertaan."ayay Maryan tidhi. Waxaanay intaa ku dartay ""Adduunyadda waxa ugu qaalisan waa nabad, Nin kasta iyo meel kasta oo nabad samaysata waxaanu ballan qaadaynaa in inta aanu tango aanu Schoolana ka dhisno,".

Socdaalka wakhtigan ee Maryan Mursal ayaa la xidhiidha la qoddob, sida ay iyaduba ka dhawaajisay "Aad iyo aad waxaan u jeclaa 2002-dii marka an Halkan (Hargeysa) imi, Dream-kaygu (riyadaydu) waxay ahayd inaan Xaafadda Daami ka sameeyo Iskuul la yidhaahdo HADRAWI SCHOOL, Illaa iyo intii aan idinka Maqnaa Fikradahasi way igu jireen, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in tii firkadeeda iyo riyadeeda rumaysa uu iga dhigo."ayay Fanaanadu tidhi, iyada oo qoddobka kalena ku macnaysay ka Xoreynta go bolaysiga Fanaaniinta "Haddaanu Fanaaniinta nahay Mid baanu ahaan jirn ay (Isku Duuban) waayo Fanaaniintii waxa ay wakhtigan u kala jabeen Gob ol-gobol, sidaas darted waxaa ii qorshaysan in aan Fanaaniinta isu keeno meelkasta oo ay joogaan, si ay uga baxaan Gobolaysiga.

Amerikaanku Hollywood buu leeyahay, Hindiduna Bollywood bay leedahay, aniguna Fanaaniinta waxaan u sameeyay Sollywood, waxaanan rabaa inaan uga sameeyo Buur ku taalla Berbera agteeda.".

Isku soo wada duuboo soo dhawaynta Maryan Mursal ayaa u muuqatay m id ay ka midaysanaayeen dadkii goob jooga ka ahaa, sida ay ka dhawaajiy een qaar kamid ah Fanaaniinta waaweyn. Cabdinuur allaale oo kamid ahaa ayaa Maryan mursal ku tilmaamay xubnaha fara ku tiriska ah ee kasii nool Hooyooyinkii fanka, iyo bartilmaameedka ay ka tusaalan qaadan doonaan da’yarta fanka ku soo hiranaysa.

 




Qarannews