Mustashar Axmed Carwo :" Marxuum Maxamuud Caydiid La f-cambe... Nin
hal adag, mabda leh oon aqoonin siya asadda dabeyl raaca ah iyo
hadafka dheef raadiska is-geddiska badan. .."
Mustashar Axmed Xasan Carwo, La-taliyaha Madaxweynha JSL ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo
Maalgashigu, waxuu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, tafiirta,
qaraabada, ehelada xigto iyo xigaal Xisbiga Kulmiye yo guud ahaanba
shacabka reer Somaliland gaar ahaana Reer Caydiid Laf-cambe iyo
tafiirtooda daafaha dunida kala joogta, geerida ku timi Marxuun
Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada maanta oo
taariikhdu tahay 23/03/2016.
Waxuu ahaa saxiib ilaa yareentii aanu is naqaanay, iyo nin hawlo
siyaasadeed na walaaleeye en. Nin doorashooyinkii ee dalka ka dhacay
aanu dhammaan isku god ka dirireynay, isagu aragti ahayn, oon marna
aanan ku kala duwanaan. Nin Kulmiye na walaaleeyey, oonu ficil iyo
fikirba isla barbar taagnay xisbigaa min bilow ilaa hadda. Nin hal
adag, mabda leh oon aqoo nin siyaasadda dabeyl raaca ah iyo hadafka
dheef raadiska ah ee is-geddiska badan. Waa sifo aan nafteyda ku
mataaneeyo marxuumka.
Marxuum Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ka mid ahaa aqoonyahankii iyo
odayaashii caanka ahaa reer Hargeysa kana soo jeeda qoys taariikhda
bari iyo galbeedba caan ku ah, iyo aabb e sugaan, ganacsi iyo
dhaqanba lagu xuso., waxa uu hadda xubin ka ahaa Golaha Dhexe ee
xisbiga KULMIYE.
Mustashar Axmed Carwo waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ka
waraabiyo jannadii sa Fardowsa, qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud
ahaan xisbiga Kulmiye, Qurbojooga Soom aliland, iyo shacab weynha
Somaliland gaar ahaana reer Caydiid Laf-cambe iyo tafiirtooda, i nuu
waafajiyo samir iyo duco.. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
0044 7535447230
|