TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, Qoyskii,
Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka
tacsiyadaynaaya geerida ku timid Mar xuum Xildhibaan Xariir Siciid
Bulaale oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada oo ku
geeriyooday Hargeysa maanta, 08/03/2015
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay bulshada
iyo qara nka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, iyo dib u
dhiskii dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii
jannatu farda wsa ka waraabiyo, labada golle ee wakiilada, iyo
guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraaba dii, Asxaabtii iyo shacbiga
Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. |