TACSI MADAXWEYNE

 



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo maanta 30/03/2015 ku gee riyooday Magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul qaran oo muddo dheer ka so o shaqaynaayey danta ummadda iyo ta qarankaba kana mid ahaa odayaashii ka qaybqa atay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka door muhiimana ku lahaa xeer dejinta dalka, isag a oo marxuumku ka mid ahaa xildhibaanadii u horeeyey ee dalku yeesho oo uu ilaa wakh tigana ka mid ahaa golaha baarlamaanka somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle ugabaryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan g olayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Som a liland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.





IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL