TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA GEERIDA MARXUUMAD SHUKRI JIRDE XUSEEN

 



Inaalilaa wa ina illeyhi raajicuun. Annigoo ku hadlaya magaca reer Carwo iyo reer Gaaxnuug C abdillahi, waxaan la qaybsanaya murugada iyo naxdinta ka dhalatay geerida kediska ugu timid habarwadaagtay iyo sodohday Alle ha u naxariiste Shukri Jirde Xuseen. Shukri waxay ahayd hooyo, ayeeyo iyo macooyo tafiir baaxad weyn dunida kaga tagtay. Ruux muumin ah oo ku ba rbaarisay ubadkeeda ku dhaqanka diinta iyo akhlaaqda suuban. Ruux afgaaban, naxariis bada n, cid kasta ku qaabisha waji furan iyo gacamo waxtar leh. Waxay ahayd ruux isku xidha ehel, gacal, iyo qaraababa.

Waxaan tacsida la wadaagaya Cumar Carte Qaalib iyo caruurteeda ILma Cumar Carte iyo tafi irta badan ee ka tarantay, kana mid yihiin xaaskeyga Amaal Cumar Carte iyo caruurteyda. Sid oo kale waxaan tacsida la wadaagaya Reer Jirde Xuseen iyo Reer Gaaxnuug Cabdillaaahi. Wax aan Alle inooga baryaya inuu ina waafajiyo samir iyo duco. Waxa inaga baxay xundhurtii isku keyn haysay ee Alle heynaga yeelo kuwa xusuusteeda ka dhiga isku xidhnaan iyo inaynu aloo sno wadajirkii iyo iska warhayntii ay ina bartay.

Hooyo Shukri waxaynu dhammaan markhaati ka nahay siday camalka fiican ee aakhiro iyo ifk aba waxtarka ah ay ugu hawlanayd. Ruux aan marna afkeeda laga maqal wax dhib ah gacan na iska dhaaf. Ruux xusuusnaa xili walba in nolashu tahay geedi, aakhirina tahay hoyga dhab ta ah. Shukri inta ruux aakhiro u sahan qaato inti ugu badnayd ayey iska horeysiisay. Alle ha ka yeelo ruux uu ka aqbalo wanaagii iyo cibadadii aan kala go’a lahayn, hana ku abaal mariyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla janatul fardaws. Ameen.

Alle danbigeeda ha dhaafee waxay Shukri ku geeriyootay magaalada Riyadh ee Sacuudiga, iy adoo salaadi subax tukatay kolkay dhammeysatayna dhacday naftuna sidaas iyo xiligaas iyo goobtaas wacan kaga baxday khamista 21/11/2013.

Waxan ka codsanaya ruux kasta oo akhrista tacsidan inuu si niyad ah ugu duceeyo Marxuum ad Shukri Jirde Xuseen, idinkana Alle heydinka abaal mariyo. Amiiiiiin Ya Allah.


Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha SL ee Dhaqaalah

Eci.advisor@gmail.com

Hargeysa 063 4096421




http://samotalis.blogspot.com/
 

 


 

MARXUUMA SHUGRI JIRDE XUSEEN

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga, Eng. Maxamed Cali Muse,ka marwadayda, caruurtayda, aabah ay,hooyaday & walaaladay ,waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa , dhamaan reer Jirde xusee n,reer Cumar Carte Qaalib, ehelkii , qaraabadii ,asxaabti & xigtadii ay ka baxday , marxuuma Sh ugri Jirde Xuseen,oo ku geeriyootay magaalada Riyadh ee Dalka Sucuudi Arabia.


Waxaan si gaar ah uga tacsiyadeynayaa,walaalkay Axmed Xasan Carwo iyo xaaskiisa,Amaal C umar Carte Qaalib.Waxaan Allaha awooda leh uga baryeynaa ,inuu marxuumada,Shugri Jirde X useen, naxariistii janno Fardawsa ka waraabiyo,danbi dhaaf u fidiyo, iilka u nuuro , neecaw udg oon iyo, ku siiyo naruuro, dhammaanteena samir iyo iimaan innaga siiyo, aamiin aamiin aamiin.

 

 


Eng. Mohamed Ali Muse
Ottawa , Canada