DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO
MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM SAED AXMED GUULEED
INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa
xaaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo
guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum
SAED AXMED GUULEED. Si gaar aha waxaan u tacsiyadeyna yaa Danjire
Cabdifataax Saed iyo reer Axmed Guuleed, Jaaliyadda Somaliland ee UK
iyo Gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday.
Marxuum Saed Axmed Guuleed, waxuu ahaa nin aan ka daalin taakuleynta
reer Soom aliland gudo iyo debedba, isagoo ahaa oday ka hawl gala
isku-xidhka bulshada iyo ka odayeynta arrimaha jaaliyadda. Waxuu
ahaa nin af gaaban, qunyar socod ah, oon cid na dhibin. Nin Alle ka
cabsi badan oo masjidka ku xidhan.
Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u
nuuro una waa siciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina
waafajiyo samir iyo duco.
INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077
http://samotalis.blogspot.com/
|