Marxuum- Maxamed Indho Buur oo Lagu maanta lagu aasay Magaalada Nairobi

 

 


Nairobi (TNN)- Waxa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu aasay Wakiilkii Somaliland ee dalkaasi Marxuum- Maxamed Axmed Nuur (Indho-buur) oo shalay ku geeriyooday cisbitaal ku ya ala Nairobi.

Aaska marxuum-ka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cir ka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo boqolaal qof oo iskugu jiray jaaliyada Somaliland ee wadanka Kenya iyo Soomaalida ku sugan Nairobi.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka hadl ay aaska ayaa Marxuum- Maxamed Axmed Nuur (Indho-buur) eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxaan dhambaal Tacsi ah u dirayaa qoyskii iyo shacbiweynaha Somaliland ee uu ka geeriyood ay Wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalkan (Kenya), Marxuum- Maxamed Axmed Nuur (indho-buur) waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo qosykii iyo qaraab adii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawaddu.

Wasiirku waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi wadaniyad iyo qiimo badnaan isku darsaday w axaanu tilmaamay inuu xundhurtii isku xidhaysay jaaliyada Somaliland.
“Marxuumku wuxuu ahaa nin aad ugu qaali ah Somaliland oo qiimo badan isla markaana hawl wan aagsan ka qabtay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya,”ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaa shi.

Sidoo kale, xubno ka mid ah jaaliyada ku dhaqan Kenya ayaa ka waramay kaalintii uu marxuumku ugu jiray waxaanay xuseen inay waayeen tiir adag.

Marxuum- indho buur waxa uu ahaa dadka sida weyn ugu ad-adag madax banaanida Somaliland, waxa kale oo uu ka mid ahaa dadkii taageeri jiray halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta dalka ee SNM hoggaaminaysay.


Source:SO