Ujeeddo: Baroordiiq

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar oo deggan magaalada Bolton ee dalka Ingiriisku wuxu tacsi tiir aanyo leh u dirayaa: qoyskii, qaraabadii iyo dhammaanba bahda waxbarashada Soomaaliye ed; gaar ahaanna jaamicadda Cammuud iyo ardaydii hore ee iskuulka Timacadde ee Gabiley. Isaga oo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi macallin Cabdullaahi Axmed Shirdoon oo ku geeriyoodey magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Waxay ahayd 1976kii markii iigu horreysey aragtida Cabdullaahi Axmed Shirdoon. Ilaahay ja nnada Firdowsa ha geeyee; macallinkayagii Cabdullaahi Axmed Shirdoon oo shalay oo Isniin ahayd ku geeriyoodey magaalada Boorama, halkan kuma soo koobi karo taariikhdiisii iyo aqo onta aannu isku lahaynba.

Eebbe ha u naxariistee wuxu macallin Cabdullaahi noo dhigi jirey maadada Bayoolojiga - isag oo markaasi ahaa nin dhallinyaro ah oo Lafoole ka soo baxay. Eebbe qabriga ha u nuuree, m acallin Cabdullaahi muddo dheer ayuu macallin ka ahaa magaalada Gabiley.

Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Axmed shirdoon intii u Timacadde macallinka ka ahaa, waxa ay ardaydii xilligaasi u yaqaaneen; Aayarnoole oo ahaa magaca uu ku caanbaxay. Runta ma rka la sheegana wuxu macallin C/llaahi ahaa, nin u qalma magacaasi oo aad u deggan oo aan dhibaato lahayn - maadada uu dhigayeyna ka adag oo aqoon u leh!

Badhtamihii 1980naadkii ayaannu mar labaad ku kulanay kulliyaddii Lafoole oo macallin looga soo dhigay.

Inkastoo oo aannu Lafoole laba macallin ka wada ahayn, haddana wuxu ahaa macallin C/ll aahi; nin aad iyo aad uga haybeysto oo aan u ixtiraami jirey sidii arday iyo macallinkiisii.

Eebbe ha u naxariistee, macallin C/llaahi waxa isugu kaayo dambeysey 1990kii, isagoo ka sh aqeeya wasaaraddii lacagta oo uu markii dambe u shaqayn jirey.

Waxana maqalkiisa iyo magaciisiiba iigu xigtey xalay oo aan aaskiisii ka daawaday Telefishan ka qaranka Somaliland - aniga oo ku sugan dalka Ingiriiska.


Waxan mar labaad baroordiiq u dirayaa: ubadkiisii, ooridiisii iyo dhammaanba intii taqaanney bare sare Cabdullaahi Axmed Shirdoon.


Ilaahay ha u naxariisto macallin C/llaahi, innagana Eebbe samir iyo iimaan ha innaga siiyo.

 


Allahayoow Aamiin