Waxaa goor dhaweyd dalka Jabuuti ku geeriyooday maal qabeenkii weynaa ee maarxuum Ibrahim Cabdi Kaahim (Ibrahim Dheere)
 

 

Jabuuti (TNN) :-  Rabbi naxarisii janno fardawsa ha ka waraabiye,waxaa magaalada Jabuu ti,ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti,ku geeriyooday maal qabeenkii weynaa ee Ibrahim Cabdi Kaahin (Ibrahim Dheere).

Marxuum Ibrahim Dheere, ayaa ka mid ahaa maal qabeenada ugu waa weyn dalka Jabuuti , ee ka soo jeeday dalka Jamhuuriyada Somaliland.Marxuumu Ibrahim Cabdi Kaahin,ayaa wax aa lagu xasuusan doonaa qaybtii libaax ee uu ka soo qaatay dib u xoreyntii,aasaaskii & dhi smihii Dalka Jamhuuriyada Somaliland, oo uu  ku bixiyey Maalkiisii.Marxuum Ibrahim Dheere, wuxuu ahaa  deeqsi Ilaahay tacabkiisii u barakeeyey,waxaanu ahaa maal qabeenkii damiin ka u noqday Somaliland ,waqtigii lacagta Shillinka Somaliland la sameynayey,ee xukuumadii marxuum Maxmed Xaaji Ibrahim Cigaal.

Marxuum Ibrahim Dheere,wuxuu ka mid ahaa maal qabeenada ugu waaweyn dalalka Geesk a Africa, waxaana hore uu  Wergeyska Economist u qoray in ninka ugu dhaqaalaha badan Dalka Jibouti iyo dhulka Somaalidu degto ,uu yahay Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheer e). Wergeyska Economist, ayaa iclaamiyey inuu haysto lacag gaadhaysa $1.6 Bilyan dollar ka Maraykanka.

Maamulka iyo dhamaan hawl wadeenada shabakada wararka ee Timacade News,waxay ma rxuumka,Ibrahim Cabdi Kaahin (Ibrahim Dheere), Allaha awooda leh uga baryayaan inuu ja nno fardawasa ka waraabiyo,dhamaan qoyskii,ehelkii,qaraabadii,asxaabtii, shacbaka Jamh uuriyda Somaliland & shacabka Jamhuuriyada Jabuuti ,ee uu ka baxayna samir & iimaan ka siiyo.

 

 إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
 

 


Timacade News Desk
Jabuuti,Dalka Jabuuti