MARXUUM IBRAAHIM XUSEEN ISMAACIIL

 

Anigoo ku hadlaaya magacayga, magaca REER CABDI CARWO iyo kan Xaaskeyga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, walaalada, ehelka, qaraabada, iyo xigaalka uu ka geeriyoodey Ibraahim Xuseen Ismaaciil oo 13/02/09 magaalada Manchester, U.K. Ibraahim oo waalidkii ka mid yihiin dadka Jaaliyadda Cardiff ugu horeeyey, waxuu ku dhashay Cardiff, Manchesterna waxuu kaga jiray Jaamacad sanadkan ka dhamaanaysay. Geeridu da' ma taqaan qofbana waa maalintiis. Ibraahim waxa uu u dhintay wadnaha oo is-taagay. Waa sabab ee waxa dhab ah inuu cimrigii Illaahay u gartay dhammaaday. Waana arrin dhammaan ina sugaysa, Oon qofna maalintiisa dhaafayn.

Ibraahim inta uu noolaa waxuu ku jiray waxbarasho. Waxuuna ahaa nin dadaal badan oo mustaqbal wacan hiigsanaayey.Wiil dhowrsan oon dariskiisa iyo hawshiisa dhaafsanayn, cidna dhibin, oo raad wacan uga tagay waalidkiis.Illaahay waxaan u baryayaa dambi-dhaaf, naxariis iyo inuu ka yeelo kuwa uu ku mannaysto Jannatul Fardows.Aamiin.

Waxaan tacsida u dirayaa waalidkiis, walaaladiis, abtiyaashii, habaryarayaashii, inaabti iyo habarwadaag oo dhammaan degan Cardiff iyo London, iyo inta kale ee ku kala nool daafaha dunida. Sidoo kale saaxiibadii meel ay joogaanba, waxaan leeyahay samir iyo Iimaan.
 

 

 


Axmed Carwo

Cardiff,  U.K