Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Oo Hargeysa Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay

 


 

Hargeysa (TNN) :- Abaara 10kii subaxnimo ee saaka ayaa xabaalaha Naasa Hablood ee H argeysa ayaa lagu aasay Wiilkii uu dhalay Marxuum Madaxweynihii Hore ee Somaliland Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo xalay fiidkii Hargeysa ku Geeriyoo day kadib xanuun kusoo boo day oo mudo kooban oo laba todobaad ah uu ujiifay.

Aaska Marxuumka ayaa waxa kasoo qeyb galay Salaadiin, Cuqaal, Waxgarad, aqoonya han, Ganac sato Iyo Masuuliyiin ka kala socday asxaabta Siyaasada iyo Xukumada Soma liland kuwaas oo ay kamid yihiin Wasiiro Wasiiro Kuxigeeno iyo Agaasimayaal guud iyo waliba shacab weyne kale oo aad utira Badan kuwaas oo kasoo kala jeeday Gobolada dalka waxaanay dhamaan dadkii aaskaas kasoo qeyb galay ay ilaahay Marxuumka ugu baryeen inuu janooyinkiisa Naciimka ah ugu Deeqo samir iyo Iimaana kasiiyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka Baxay Gaar ahaan qoyska Re er Cigaal ee uu katirsanaa Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Musharaxa Madaxweynaha xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal cali Xuseen oo Isagu ahaa Musharaxa kaliya ee Aaska Marxuumka uu dhalay Madaxweyne Cigaal kasoo qeyb galay ayaa ilaahay marxu umka uga baryay inuu Unaxariisto Qabriga iyo Su,aashana u fudude eyo sidoo kalena waxa uu ta csi tiiraanyo leh udiray qoyska Reer cigaal ee Marxuumku Ka Geeriyooday.

Marxuumka ayaa 25 sanadood ee u danbeeyay ku noola Dalka Gudihiisa gaar ahaan mag aalada Hargeysa oo uu daganaa isaga iyo qoyskiisu Marxuumka ayaa ifka kaga tagay h al xaas oo kaliya ilaahayna muusiinin wax caruura. Alle ha Unaxaristee.

Wariye Axmed Siciid Cige oo ku hadlay Afka Qoyska Uu Marxuumku Ku Geeriyooday ayaa umahad Naqay cid kasta oo kasoo qeyb gashay aaska Tacsina usoo dirtay Qoyska uu M arxuumku Ka bax ay ee Reer Cigaal.

Marxuumka ayaa ahaa wiilkii ugu yaraa Sadexda wiil ee marxuum Cigaal ifkaga kagtay w axaana ka weyn oo iyagu nool Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Iyo Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo labaduba dalka debediisa dagan.



Source: Berbera Today