Marxuum Cumar Xuseen Ibraahin Lagu Aasi Doono Xabaalaha Jufadda Maalinta Isniinta ee Bishu Tahay 20-8-2012


 



Gudoomiyhii Hore ee Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Dr. Maxamed Aw Cali (Dr. Culimo) ayaa waxaa uu dhambaal wargalin ah soo gaadhsiiyay xafiisyada Warbaahinta isagoo ku wargalinaya dhamaan eheladii, asaxaabtii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alleh ha u naxariistee marxuum Cumar Xuseen Ibraahin in maalinta isniinta ee fooda inagusoo haysa maydkiisa la keeni doono dalka isagoo sheegay in lagu aasi doono marxuumka xabaalaha jufadda ee Gobolka Gabiley.



Marxuumka oo ahaa la taliyihii arimaha dhaqaalaha ee madaxwaynihii hore ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Canada. Haddaba waxaa lagu wargalinayaa eheladii, asaxaabtii iyo inta marxuumka magaciisa iyo muuqiisa garanaysayba inay kasoo qayb galaan aaskiisa oo ka dhicid doona xabaalaha Juffada ee gobolka Gabiley.



Ogaysiiska uu Nasoo gaadhsiiyay Dr. Culimo isagoo dhamaystiran waxaa uu u dhignaa sidan:
" Dr. Mohamed Yusuf (Culimo) waxa uu ku wargelinayaa eheladii, asxaabtii iyo bulshada reer Somaliland in Alle ha u naxariistee maydka marxuun Xaaji Cumar Xuseen Ibraahim oo ahaa la taliyihii hore ee madaxweynaha JSL ee arrimaha dhaqaalaha oo ku geeriyooday dalka Canada la keeni doono dalka maalinta Axxada ah.
Marxuumka waxaa lagu aasi doona Xabaalaha Jufadda ee gobolka Gabiley maalinta Isniinta ee bisu tahay 20/08/2012. Galinka hore,insha Allah.

Hadda sidaa ha loola socdo.

 



Dr. Mohamed Yusuf Aw Cali (Culimo)
Addis Ababa.
Tell:00251911744608