TACSI MADAXWEYNE

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Cismaan Garaaf soofe oo walaalkood Marxuum Ciise Garaad Soofe uu ku geeriyooday Dalka Denmark, sidoo kale waxa uu ma daxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa guud ahaan reer garaad soofe,waxa kale oo uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa bahda dhaqanka Somaliland ee Garaada da, Ugaasyada, Boqorada, Salaadiinta, Cuqaasha isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay nin qaran oo ka baxay guud ahaan shacbiga somailand kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraa biyo, Reer garaad soofe, Garaadada, Ugaasyada, Boqorada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qo yskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.
 



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.