Marxuum Cigaal Seeskii dawladnimo ayuu qabyaalad la’aan iyo hanti la’aan ku dhisay”Xaaji Cabdi-Waraabe

 

Munaasibad lagu xusayay todoba-guurada ka soo wareegtay geeridii Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Xaaji I. Cigaal iyo marw adiisii koowaad Marxuumad Caasha Siciid Caabi oo dhowaan geeriyootay, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Xuskaas oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Hargeysa, waxa ka  qay bgalay siyaasiyiin, Culimo-awdiin, Madax-dhaqamedyo, Xildhibaano, xu bno Komishanka doorashooyinka ka tirsan, qaraabadii Marxuum Cigaal iyo dadweyne kale. “Waxa aad iyo aad inoola gudboon in aynu aad Ilaahay ugu barino, meeshaas ay tageen waa meel aad u dhib badan oo u baahan duco in aynu intaa abaal uga dhigno ayaa loo  baahany ahay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Sh. Maxamuud Suufi Muxumed oo hadal kooban ka jeediyay xuskaas.

Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurti da Somaliland oo hadal ka jeediyay halkaas, waxa uu si qoto dheer uga waramay waxyaabaha lagu xasuusan doono Marxuum Cigaal.

“Waxaynu Ilaahay uga baryaynaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo xaaskiisii in Ilaahay u naxariisto. Maxamed wax tilmaam ah uma baahna, haddiise laga tegiwaayo dawladnimada aynu maanta ku fadhino isaga ayaa hantidiisii ku bixiyey…Waxaana sharaf ugu filan guriyihiisii uu Burco ku lahaa waa dundumooyin hadda.

Waxa lagu xasuusan karaa shanta Soomaaliyeed ha inagu dayato ayuu yidhi markii aynu Calanka qaadanay oo afarta kalena ha inagu daydaan, xilkii loo dhiibay markiiba wuu ku qancay, waxase u xigay in sideed sanno uu xabsiga u galo. Waxa Jabuuti iyo NFD u diideen wixii la inagu sameeyey. Seeskii dawladnimo ayuu qabyaalad la’aan iyo hanti la’aan ku dhisay, tacabka maanta lagu fadhiyo ayuu inoo dhigay, wax la dayaco iyo wax lagu dheeldheelo maaha. Xamar waad arkaysaan, Jigjiga-na waad arkaysaan.

Saaka dawladda Ismaaciil Cumar Geelle mooyee, meel inoo dhigantaa ma jirto, waxaanu ku tabcayaa taa Koonfureed iyo inagaba. Maxamed waxaan ku soo gebogabaynayaa waxaan ku riyooday oo manaam ku arkay Maxamed oo quruxdiisii 20 jirka leh. Uurkayga hadalada ku jira ee Jamhuuriyada dhexguuraya meel kale ayaan ka odhan ee tacsida ku dari maayo.” Sidaa ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xusseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe).

Sidoo kale, xubno ka tirsan Madax-dhaqameedka Somaliland oo ay ka mid yihiin; Suldaan Maxamuud Suldaan Diiriye, Sul. Yuusuf Muxumed Xiirey iyo Suldaan Maxamed Xandulle oo hadalo kooban halkaa ka jeediyay, waxay ka warameen taariikhdii Marxuum Cigaal, isla markaana waxay Ilaahay uga baryeen inuu u naxariisto.

Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo gebogebadii munaasinadaa xuska ah hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in munaasibadani aanay ahayn mid siyaasiya, sidaa darteedna aanu ugu casuumin masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran. “Mid baan doonayaa in aan idiin yara sifeeyo, saddexda xisbiba waxaanu u casuumi waynay in aan munaasibadan la siyaasadayn. Aabahay waxa uu nagu odhan jiray Anigu lacag idiinka tegimaayo ee sharaf iyo Tacliin baan idiinka tegayaa, hooyadayna sidaas iyo si sharaf leh ayay noo soo korisay,” ayuu yidhi Cali Maxamed Xaaji-Ibraahin Cigaal.

 


Wargeyska Ogaal