TACSI GUDDOOMIYE

 

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraan yo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda suugaanta, dhaqanka iyo guud ah aan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cabdis alaan Maxamed Xirsi (Caaradhuub) oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta oo taar iikhdu tahay 27/07/2017.
Marxuum Cabdisalaan Maxamed Caaradhuub waxa uu ahaa abwaan wayn, macallin wax dhiga dugsiyada waxbarashada Somaliland iyo qoraa dhaqan-yaqaan ku xeel-dheeraa arrimaha dhaqanka Soomaalidu leedahay, waxaannu ku sifaysnaa nin wanaagsan oo m ar walba maankiisa ay ku jirtay inuu wax ku kordhiyo dadkiisa iyo dalkiisa.


Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, eh elada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuu m Maxamed Siciid Caabi oo isna ku geeriyooday Hargeysa maanta oo ay taariikhdu taha y 27/07/2017.

Marxuum Maxamed Siciid Caabi waxa uu ahaa aqoonyahan waxtar badan oo kala duwan ku soo darsaday dalka Somaliland iyo ummaddiisa heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen.


Guddoomiyuhu waxa uu ku sifeeyey labada Marxuum aqoonyahanno ka baxay ummadda reer Somaliland, waxxaannu Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

 

 

 Aamiin….Aamiin….Aamiin.