Xukuumadda Somaliland Oo Caddaysay Inay Diyaar Ka Tahay Kharashkii Doorashooyinku
 

 

Hargeysa(TNN):– Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aa dan, ayaa sheegtay in xukuumad ahaan ay diyaariyeen kharashaadkii loogu tallo galay doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiiladda ee la filayo in ay dalka ka qabsoomaan sannadka 2017-ka.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sidaasi ka sheegtay kulan ay maalintii Isniinta la yeelatay laba wefti oo kala socday dalalka Maraykanka iyo Ingiirska, kuwaasi oo Xukuu madda ka taageera barnaamijka dib u habayta cashuuraha iyo nidaamka maaliyadeed ee Somaliland, iyo weliba mashaariic badan oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinku.

Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa kulan ka asi kadib la hadashay warbaahinta , waxaanay faahfaahin ka bixisay waxyaabihii lagaga wada hadlay kulankaasi, waxaanay tidhi “Waxaanu halkan laba shir kula galnay wefti ajaanib ah, kuwaasi oo kala ah qolo Ingiriis ah oo nala wada barnaamijka dib u habaynta cashuuraha iyo maaliyada Somaliland, kwaasi oo soo diray nin masuul ah si uu u eego halka aanu marayno, waxyaabaha naga dhiman iyo qaybaha la doonayo in la dedejiyo.”

Marrwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay intaasi ku dartay “Qolada kalena waxay ahayd qolo ka socota Hay’adda Maraykanka ah ee USAID oo ay gabadh madax ahi la socoto, oo iyagu aan dib u habaynta maaliyada oo kaliya aan u socon ee doonaya in ay dedejiyaan qaybta kaga began dib u habaynta maaliyada iyo caam ahaan Somaliland doorashooyinkeeda iyo waxyaabah ay u qaban karaan oo dhan iyo sida ay inooga diyaar tahay ayay naga waraysteen.”

Wasiirka maaliyadda Somaliland waxa ay intaa ku dartay “Runtii labada hay’addoodba waanu u waranay si mug iyo miisaan leh, runtii iyaguna si garawshiyo badan ayay aad ugu amaaneen Somaliland waxyaabaha badan ee ay qabsatay ee ay ka mid tahay nabada intaa leeg ee aynu haysano iyada oo dagaalo inagu dhaceen.”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sheegtay in Somaliland ay qabsatay waxyaabo badan oo ay ugu horrayso arrimaha nabadgelyada, waxaanay tidhi “Somaliland waxyaa bo badan ayay qabsatay intii ay jirtay, maanta wixii nalagu soo kordhiyaana waa wax naga dhinaa, sababta oo ah Somaliland maaha meel maanta la odhanayo baahi wax wali ba way jirtaa, ee wixii nala taraa waa wax naga dhinaa anaguna wax badan ayaanu qab sanay. Waxaanay ahaayeen runtii dad u soo jeeda in Somaliland ay wax la qabtaan.”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sheegtay in Somaliland ay maanta taagan tahay meel wanaagsan, isla markaana lagu halayn karo doorashooyinka, waxaanay tidhi “Somaliland maanta meel wanaagsan ayay taagan tahay oo doorashooyinkii la inagu halayn karo, lacagtii doorashooyinkuna waa naga diraay, markaa doorashaduna inaga ayay dan inoo tahay, markaa waa in aynu inaga oo gacmaha is haysana aynu galnaa doorashada oo ka wada shaqaynaa.”