Marwo Aamina Waris Agoonta Somaliland Wax Badan
Ayey U Qabatay

 


Marwada kowaad ee dalka Somaliland Marwo Aamina Weris Sh.Maxamed Jirde ayaa waxa lagu tilmaamaa marwooyinkii dalka soo maray marwadii ugu taageerada badneyd wax u qabashada caruurta agoonta ah,daraasad uu sameeyey ururka madax banaan ee Somaliland Research D evelopment Organisation,ururka oo rayi ururin ka sameeyey carumaha lagu daryeelo caruurta agoonta ah ayaa waxay muujiyeen caruurta agoontu in marwada kowaad ee dalka jamhuuriya dda Somaliland Marwo Aamina Weris Sh.Maxamed jirde ay noqotay marwada ugu wax qabad badan dhinaca agoonta ee Somaliland,caruurta ayaa sheegay in marwadu had iyo goor ay ka warhayso caruurta agoonta ah.


Caruurta yar yar ee lagu xanaaneeyo goobo kala gedisan oo ku kala yaala gobolada iyo degm ooyinka dalka ayaa waxay had iyo jeer u baahdaan in si gaar ah looga war hayo oo xaaladaho oda caafimaad,waxbaarsho iyo nolaleedba laga war hayo,inta badan caruurta yar yare e ago onta ah ayaan ilaawin cid kasta oo gacan ka geysata daryeelkooda,waxayna rayi ururinta uru rku sameeyey muujinaysaa sida marwada kowaad ee dalka Somaliland Marwo Aamina Weris S h .Maxamed Jirde tilmaamaysaa sida wanaagsan ee masuuliyadda iyo u gar gaarida dadka jilic dasan ay marwada kowaad ee dalkan jamhuuriyadda Somaliland ay uga war hayso,waxayna arintaasi tusaale wanaagsan u noqomaysa cid kasta oo doonaysa in ay wax u qabato caruur ta agoonta ah ee Somaliland.


Xarumaha lagu daryeelo caruurta agoonta ah ayaa waxa sare loo qaaday adeegyada aasaas ka u ah nolosha iyo koritaanka caruurta agoomaha ah,mid ka mid ah gudoomiyaasha xarun la gu daryeelo ayaa waxay sheegtay in dawladda uu hogaamiyo Mudane Axmed Maxamed Maxa muud Siilaanyo ay dadaal xoogan u gasahy tan iyo markii ay ku guuleysatay talada dalka, wax ay ku nuuxnuuxsatay sida ay uga mahadcelinayaan Marwada kowaad ee dalka jamhuuriyadda Somaliland.Waxa xusid mudan taageeridda dadka jilicdasan in ay tahay talaabo muhiim ah oo ay ka dhalanayso in ay umadu iskaga dayato horumarka iyo caawinta dadka baahan ,waana arin xusuusinaysa shacabka Somaliland in la taageero dadka jilicdasan ee markasta u baahan in la taageero.


Xukuumada Somaliland ayaa waxa lagu amaanay inay sare u qaaday kobcinta iyo taageeridda dadka jilicdasan ee had iyo jeer iyagu waxba qabsan kari sida caruurta agoonta,dadka dhimirk a la iyo dadka naafada ah iyo guud ahaanba dadka u baahan caawimadda.Marwada madaxwe ynaha ayaa waxay muujisay dadaal wax ku ool ah oo lagu gar gaarayey caruurta agoomaha ah iyo guud ahaanba dadka jilicdasan eek u nool gobolada iyo degmooyinka Somaliland,waxana wax lagu aamaano ah sida ku dayashada leh ee marwada qaranka marwo Aamina Weris Sh: Maxamed Jirde.
 

 


Qore:Cali Maxamed
Email:calicabdilaahi@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland